Maxaa Somaliland ka hortaagan inay Xafiis Dublamaasiyadeed ka Furato Dalka South Sudan? – W/Q: Maxamed X. Ibrahim

Sida aynu wada ogsoonahay Wadanka South Sudan wuxuu soo dhaweeyey in ay Somaliland wada yeeshaan xidhiidh dublomaasiyadeed oo buuxda, xafladdii Caleemo saarka xorriyadoodana, meeshii ay sudheen calanka Somaliland oo ahayd fagaarihii lagu qabtay xafladdaa weli wuu ka taagan yahan, Wasiirkii ugu danbeeyay ee booqda dalkaasina wuxuu ahaa Boobe Yusuf Ducaale, oo ahaa Wasiirkii hore Wasaaradda Warfaafinta, si fiicanna loogu soo dhaweeyay dalkaas lana kulmay Wasiiro South Sudan ah oo ay ku jiraan Wasiirka Khaarajiga ee dalkaasi, islana soo qaadeen arrinta xidhiidhka labada oo ka hor intii aanu ka warbixin waxyaalihii uga soo baxay shirkaas xilka laga qaaday, Waxa haddaba isweydiintu tahay, Maxaa hortaagan in Somaliland ay xafiis dublamaasiyadeed ay ku furato dalkaas Koonfurta Sudan???!!. Mar Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland, Maxamed C/llahi Cumar la weydiiyay sababta hortaagan su’aashaasaas, wuxuu ku jawaabay: ‘Dawladda Koonfurta Sudan ayaan weli ogolaansho na soo siin!!!. Laakiin waxaan Wasiirka u sheegayaa waddamada Yurub iyo kuwa kale ee aynu xidhiidhka la leenahay ogolaansho inama soo siiyaan ee inagaa Safiirka magacaabanna, safiirku marka uu tagana waraaqihiisa ayuu u geeyaa isagoo ama xafiis baayacmushtari ku magacaaban ama mid xidhiidh e way ogolaadaan, laakiin in dalka keliya ee si buuxda qaddiyadeenna u taageersan oo xafiiskii laga been abuuro wallaahi arrintaasi waa xaaraan, Madxweyne Axmed Siilaanyo ayaany u taallaa wax-ka-qabashadeedu. Dadkuna wuu ka wada dheregsan yahay in Miisaaniyadda dawladda ay ku jirtay furashada xafiiskaasi, si khaldanna waa loogu takrifalay. Markaa Madaxweyne, arrintaa ceebteedu waxaa iska leh Wasiirka Arrimahada Dibadda ee Somaliland, marka labaadna adiga Madaxweyne ahaan ayay dib kuugu soo noqon doontaa.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibaddu Wuu Ku Fashilmay inuu Xafiiskii South Sudan Furo.

QALINKA: Maxamed Xuseen Ibraahim