MAXAA LAGU GAADHAA MUSTAQBALKA ADUUN IYO KA AAKHIRO

1.Wakhtigii ku dhaafay iska ilaw,

2,Mustaqbalka ah ku mashquulin rabi ayaa og in aad gaadhi doonto,

3.dadku haday ku xaasidaan ha u joojin,

4.Camalka saalixi ah ayaa lagu gaadhaa noolasha dhabta ah,

5.Waligaa qof aadami ah ha ka sugin in uu kuu mahad celiyo,

6.Dhibaato kugu dhacday ha ka walwalin wax laga yaabaa in khayr kuu leedahay

7.Waxa aad ogaataa dad kaa dhib badani caalamka in ay ku noolyihin

8.Maalinta iyo habeenku waa aboor cimrigaaga cunaya ka faaiidayso,

9.Qofba qofkii ilaahay uu uga dhaw yahay ayuu ka dhibaato badan yahay,

10.Dhibaato waliba cashar ayaad ka qaadanaysaa,

11.Walwal kasta noolashaada yuu baabiin

12.Toobad keen ilahay ayaa ku og

waxaad samayso waana lagu asturay,

13.Xanaaqa badan iyo shakiga iska ilaali waa la isku nacaa,

14.Nolashu waa saddex dab, biyo iyo geed la hadhsado,

15,arsaaqadu waxay ka timaataa samada,

16,Camal wax tar leh ku mashquul,

17.Qalbigaaga ilahay ku xidh qofka qalbikiisa ku xidha qof wanaagsan. Se qofka qofkale qalbigiisa ku xidhaa wa qof waalan.

 18.Qofka ku mashquula wax bilaa faaiida ah caafimaad ahaan wax yeelo ayaa gaadha .Waxa rajaynaya inaad akhriste ka faaiday maqaalkan.

Mawliid Axmed Cumar(Dulqarnayn)

Tell:0634402927