Maxaa La Gudboon Jamaal Cali Xuseen? – W/Q: Liban Ismail Burale

liibaanJamaal Cali Xuseen maanta waayo arag wuu u noqday siyaasadda soomaaliland, waxa kale oo wuu khabiir maanta ku yahay qaybaha bulshadeena iyo inta hor joogayaasha ama jilayaasha u ah, mana joogo maalin loo dardaar wariyo.

Mustaqbalka Jamaal maanta uma bàahna in lagu eego caadifad, ku jiqsiin iyo laab lakac aan lugo ku joogin.

Siyaasaddu maaha wax lagu aarsado, lagu shaqaysto balse waa aragti horumarka loogu adeego sida òo kale waa aragti lagu dhiso fikir iyo kobac aragti wadaag.

Talaaba kasta ama go’aan kasta oo uu qofku qaato isaga oo cadhaysan, caadifadaysan oo curfi ka guuxayaa ma keenoguul iyo badhaadhe balse wuxuu dhalaa cidhib aan raagin sidaas si la mida ah ayay shaxda siyaasadduna ugu baahan tahay aragti furnaan iyo fikir bilaa xajiin ah.

Siddeedaba siyaasigu maaha ka go’aankiisa ay jaangoyn u noqdaan dhacdo maalmeedku balse waa ka fikira silsiladaha siyaasaddeed ee socda aroorkooda.

Jamaal Cali Xuseen tusmada ay tahay maanta in uu ka duulaa waxay tahay. 1. In aanu go’aan qaadashadiisa ku jaan goyan caadifad. 2. In aanay saamayn go’aan qaadashadiisa hadalada dadku ka hadlayaan ee kala ujeedada ah si aanay go’aan qaadashadu uga baahin. 3. In shayga ugu horeeya ee ka duulayaa noqdo In ay siyaasaddu tahay farshaxnimada suuragalnimada( “Politics is the art of the possible”). Ugu dambayn waxa aan ku boorin lahaa in uu garab istaago Kulmiye iyo Musharax Muuse Biixi oo aan u arko is badalka iyo rajadda giigiijinta wixii innaga dabcay in laga hagaajin karo. ..

 

Liban Ismail Burale

Liibaanhanad79@gmail.com