Maxaa kala Qabsaday Xoghayaha Guddiga Covid-19 iyo Guddoomiyaha Ururka SOLJA?

 

Hargeysa (SLpost)- Xoghayaha Guddiga heer Qaran ee ka-hortagga Xannuunka Covid-19, Eng Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr), ayaa aqoon-darro iyo inaanu Shaqadii loo igmaday garanayn ku tilmaamay qoraal su’aalo xambaarsan uu guddigaas u gudbiyey Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Maxamuud Aadan Jaamac (Xuuto).

Guddoomiyaha SOLJA oo maanta saxaafadda la hadlay, ayaa sheegay inuu qoraalkiisa ku codsaday su’aalo uu guddiga kaga weydiinayo shaqada iyo Lacago guddiga lagu wareejiyey oo loogu talo-galay la-dagaalanka Cudurka Covid-19, taas oo uu ku tilmaamay inay qayb ka tahay cilmi-baadhis uu ururku SOLJA samayntiisa ku hawlan yahay.

Xoghayaha Guddiga Covid-19 oo isaguna maanta saxaafadda la hadlay, ayaa faahfaahin ka bixiyey qaabka uu Guddoomiyaha SOLJA ula soo xidhiidhay Guddiga, Jawaabta ay ka bixiyeen iyo haddii ay u bannaan tahay inuu Guddoomiye Xuuto oo ah hoggaamiyaha Saxaafadda Somaliland inuu hawshan oo kale fuliyo.

Eng Xuseen Deyr waxa uu tallaabo sharciga baalmarshan oo aan shaqadiisa ahayn ku tilmaamay hawsha uu Guddoomiye Xuuto ka dalbaday Guddiga maadaama hawsha shaqo ee hay’adda uu masuulka ka yahay ahayn mid qaabilsan Baadhis iyo daba-galka nidaamka maaliyadeed ee hay’adaha dalka.

Halkan Hoose kaga bogo Hadalka Xoghayaha Guddiga Covid-19 ka sheegay arrintan

 

Muuqaalka Hoose Ka Daawo Hadalka guddoomiyaha SOLJA

https://www.youtube.com/watch?v=GgPuAb3GIcU

 

Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net