Maxaa Ka Dambeeya Geeri ?

 

Hebel ama heblaayo way geeriyootay/ wuu geeriyooday/way dhimatay/ wuu dhintay/way xijaabatay/ wuu xijaabtay.

Maxaa ka dambeeya  dhimasho ama geeri aakhiro? Waxa ka dambeeya xisaab. Qof walba shar iyo khayr  wixii uu shaqaystay intii uu adduunyada kor keedda joogay ayaa la hor keeni doonaa oo ka horreeya.

Dadka qaar ayaa kitaab kooda gacanta midig looga dhiibi doonaa, qaybo kalena gacanta bidix ayaa looga dhiibi doonaa. Balse qofku maalinta uu adduunyada ka dheelmado waxa lagu sii sabootiyi doonaa, ugu horrayn in loo maydho jidhka. ka dibna maro yar oo  cad (Kafan)  ayaa lagu duubi doonaa.

YAA ALLAAH.

Gurigiisa /gurigeeda ayaa  laga saari doonaa.  Markaas ayaa dhinacaa iyo xaabaalaha loo

galbin doonaa, LAA ILAAHA ILALAAH, LAA ILAAHA ILAAH, LAA ILAAHA ILAAAH. Xabaalaha ayaa si toos ah loo geyn doonaa, kadib waa lagu  tukan doonaa intii kasoo qayb gashay Jinaasadda,  Intaas kaddib,  god dhulka hoostiisa ah ayaa lagu ridi doonaa.  Ciidda ayaa lagu hamsiin doonaa, HAADAA XAQULAAH, XAQU DAAYIMU LAAH. Dad badan ayaa maalintaas wax kasta faraha ka qaadi doona.  Si ay guri gaaga cusub ee aakhiro kuu geeyaan, shaqooyinkii ay hayeenna maalintaas adiga dartaa ayay u soo xidhi doonaan, si ay aaska uga soo qayb galaan.

WAA MAALIN!

Dad badan oo ehel kaaga iyo qaraabadaada ahi kuu ooyi doonaan, kuu murugoon doonaan, balse aanay waxba kuu qaban karaynin.

Sidoo kale dunidu kuu murugoon mayso. Ganacsigaagiina  wuu sii socon doona. Shaqadii aad haysay qof kale ayaa qaban doona.  Hor Ilaahay iyo habeen aakhiro ayay soomaalidu ku maahmaahdaaye sidaas ayaad ku dheelman doontaa.

Hantidaadii ama  maalkaagii  aad lahayd intii aad adduunyada joogtay si xalaal ah ayaa xisaab  ama dhaxal  lagu kala qaybsan doonaa. Ku darsoo Adna Ilaahay ayaa kugu la xisaabtami doona, meeshii aad ka keentay xoolahaagii iyo meeshii aad ku bixisayba.

Wallee Aakhiray xisaabi taallaa.

Ehelkaagii iyo asaxaabtaadii  intay dhowr saacadood ama maalmood murugoodaan ayey noloshoodii caadiga ahayd isaga noqon doonaan.  Qoys kii aad ka baxdayna dhowr toddobaad ka dib, ayay sidoodi hore iskaga noqon doonaan.

Sidaas ayay taariikhdaadii adduunyo kusoo af jarantay. Markaas ayey xisaabtaadii  aakhiro furmaysa! Ammaani waxba  kuu tari mayso, haddii wax lagaa sheegona waxba kaa qaadi mayso waxa lagaaa sheegaa.

Balse su’aasha is waydiinta mudani  waxa ay tahay: Aakhiro maxaad u shaqaysatay? Waa xaqiiqda u baahan in imika la isweydiiyo. Waa dadaal  u baahan in imika lasii hormarsado. Waa arrin u baahan sahay farabadan, oo imika la sii diyaarsado si ay aakhiro wax inoogu tarto. Akhriste su’aalahan dib isku waydii intaan lagu xisaabin.  Sidoo kale “tuko inta aan lagugu tukan”.

Wa bilaahi tawfiiq.

Qalinkii: Khadar Muxumed Muuse (Koodh)

Khadar_dagane@hotmail.com

Hargaysa, Somaliland.