Maxaa aynu Askari u Noqon Waynay – W/Q: Khadar Nuux Yoonis

Waa shaqo aan xadlahayn oo had iyo jeer waa la socdaa lama nasto,waxa laga shaqeeyaa hadal,aadbaan hadalka u aqaanaa oo waan is daba dhigaa oo xidhiidhiyaa,oo duryamaa,walina ma baran.

Waa shaqo bilaa xuduud ah cidwaliba way soo galaysaa ,malaha meel lagu shay baadho,xafiis diwaangalineed uma furna oo si wanaagsan ayay u soo bateen shaqaaluhu ,Tan iyo Qaran Jabkii Dawladii dhexe ee somaliya,waa wadda dhalinyaro u heelan hawshooda oo waxba ma hagranayaan,laakin shaqada ay hayaan waxay ku soo galeen si fudud si fududna way ugu dhexjiraan.

khadar nuuxMarkaad maqasho DR waxaa maskaxdaad ku soo dhacaysa qof aqoon iyo khibrad uleh ,labadan kalmadoodna ku helay shaqadiisa iyo cilmiga uu bartay,markaad sidaa si leeg maqasho EN waxaad xasuusanaysaa inuu Takhasus u leeyahay Labadan Erey uu uu wato ee magaciisa mar walba ka horeyna ,laakin shaqadani ka duwan kuwaasi.

Waxaan sitaa magac kasta oo waan ku shaqaystaa layguna yeedhaa,aqoon uma lihi shaqaddan aan qabto ,waan ku faanaa dadkuna way igu Amaanan,oo maxay iigu Amaani waayeen Saw hadh iyo habeen ma socdo intaan Qaato shandad wayn iyo biro isku xidh xidhan dhinaca ma sudho sanqadh duube.

Ma wadda aha sidaasi oo dad badani aqoon way u leeyihiin waanay ka shaqeeyaan,waanu kulnaa oo way ila taliyaan,I taakuleeyaan,I toosiyaan,anigu dhag jalaq uma siiyo waxay ka hadlayaan,dhagtaana waan ka maqlaa,taana waan ka sii dayaa.

Maalinkasta waxan ku arkaa mid aan ku aqaanay xaafaddaha dhexdooda,oo aanu is arki jirnay ,waayo? dhawr cisho ayaan uga sheekeeya ,waxaanan tusay lacag aan soo qaatay oo shaqadan iiga soo baxday.

Maxaad u baran wayday hadii ay jiran dad waayo aragnimo iyo khibrad leh oo kula jooga maad ka faaidaysatid ?markasta su’aashaasi way I hortaagan tahay,maaniga haleelayaba waan soo galay oo shaqadii bilaabay ,imikana dhawr cisho ayaa la iga cawday oo si wanaagsan ayaa la ii garanayaa,markaa maxan ku fali barashadeeda sawnigan lugta kula jira hada.

shuruudaha looga baahan yahay shaqadani horta wali ma eegtay,hadii aad eegtay maxay kala yihiin?

Shuruudo ma eegin waan maqlaa kolkol in la meelaha laga yidhaahdo anshax ayay leedahay ,anigu dan kama galin waxaad sheegayso ,hawlahayga ayaa iga badan.

Maxaa Looga baahan yahay qofka shaqadan qabanaya,sidee u hanan karaa quluubta dadwayne faro badan oo isaga suga,way fiicantahay inaad dadaasho oo hiigsi yeelato laakin waa inay garab socotaa hawshaasi aqoonta aad u leedahay iyo waxbarashadaadu.

Isma lahayn u holo qoraalkan oo ka hadalkeeda ma rabin arinkaasi ,hadan waxan is hayn kari waayay markii aan arkay Labada su’aalood oo xidhiidhsan saaxiibaday aanu isku ehelka ka nahay mihnadan saxaafadu is waydiiyeen. Oo Maxaad uga jawaabi wayday adigu ?waan akhriyay oo hadan waan akhriyay,intaan soo qaatay oo halkii ay ku jirtay ka soo qaatay ayaan kadiyahayga(computerka) soo dhexdhigtay markaasan ku noqnoqday,laakiin su’aashii waan ka jawabi kari waayay sida uu uga jawaabi kari waayay Mahad Jaamac Koronto oo ku xeeldhiiriba mihnaddan,Aniguna Wali kama jawaabin,oo maxaan ka jawaabaa waa Lagaaga soo horeeyay oo Lagaaga Aqoon badan yahay oo lagaaga waayo aragsanyahaye,dee waayahaye iyagba u daa ha ka jawaabeene.

Su’aashan jawaabteeda anigu aan wali baadhayo waxay dhexmartay suxufi Cumar cali xasan (Serbiya) oo saxaafada in badan ku soo dhexjiray,waxanu had iyo jeer ka faaloodaaha dhanka Arimaha bulshada iyo Suxufi Mahad Jaamac Koronto oo tababare Sare oo dhanka saxaafada ah ,jawaabta Waxan u daayay iyadoo wali igu adeg inta u ehelka ah ee aqoonta durugsan u leh,inta dhugata ee dhiirigalisa,inta dhadhamisa mihnadan ,ee dhalaalisa ,inta iga aqoonta iyo waayo aragnimada badan ,su’aashii oo daba furinna watan ee iga hanta oo jawaabaha soo hurgufa.
“Nin yahaw maxaynu haddaan wariyayaal nahay wadooyinka u istaagi waynay oo askar u noqon waynay, ama aynu Cisbitaallo u furan waynay oo aynu dadka u dawayn waynay”? Cumar Serbiya
Waan la yaabay su’aasha dee sharcigaa na qabanaya oo shaqadeenna maaha ayaan idhi’ Mahad koronto
“Dee haddaba maxaa keenay in qof askari aad ku taqaanay ama qaad wale ama shaqo kale uu si fudud weriye nimo u sheegtaa”? Ayuu i yidhi cumar serbiya

Aniguna markaan Akhiriyay hadana ku noqday, Xusuustana dib u celiyay meelo badana uga markhaati furey, jawaabtii waan ku haftay, waxanay u soo fakatay dhankiina.

 

Khadar Nuux Yoonis

knyonis@gmail.co

Hargeisa