Marwada Hanka Iyo Hawlkarnimda

Marwo ku suntan astaanta Dadaalka,Daacadnimo, Kartida iyo Hawl karnimo, sumad astameedna u ah Haldoorka Haweenka Dalkeena Jamhuuriyda Somaliland Marwo khadra Xaaji Geydh.

Laga soo bilaabo taariikhdii dib ula soo noqoshada Qaranimad Jamhuuriyada Somaliland, Haweenka Somaliland wax ay door laxaad leh ka qaateen dib u dhiska Dalkeen taas oo ay hadh iyo habeenba ka muuqdeen abaabulka isbadal doonka iyo dhismaha Dalka.

Marwo khadra xaaji Gaydh oo ah marwo ku suntan Hanka, Himilo Fog, Dadaal, Daacadnimo iyo Hawlkarnimo ilaahay hibo u siiyey ayaa sida cadceeda uga soo dhex baxday Haween waynaha Jamhuuriyada Somaliland.

Wax yaabaha ugu xusida mudan ee Marwo khadra ka qabatay markii ay Mayorka Caasimada Gobolka Gabiley ahayd wax aka mid ah dhismaha Wadooyinka iyo qurxinta bilicda magaalada iyadoo kor uqaaday adeegyada bulshada ee xafiisyada Dawlada Hoose waana wax lagu xusuusto.

Khadra xaaji Gaydh waxay qeyb libaax leh ka qaadatay ololihii balaadhnaa ee xisbiga kulmiye galey wakhtigii uu talada Dalka ku loolamaayey, ololahaas oo khadra ahayd haweenka la xasuusto ama maanka qofka ku soo dhaca marka la maqlo xisbiga kulmiye dhinaca Haweenka.

Waxa mudan in la dhiiri galiyo laguna taageero Daadalka balaadhan ee ay ugu jirto Horumarinta hawlaha ay Dalka u hayso , waxaana muhim ah in lagu daydo

Marwo khadra waxay noqotay qofka ugu horeeya ee la xasuusto marka la maqlo xisbiga kulmiya dhinaca haweenka oo ay ahayd shaqsiyaadka ugu cadcad xisbiga kulmiye gaar ahaan wakhtigii ololihii kulkmiye .

Wakhtigaas oo ay waliba khadra xaaji Geydh ka mid ahayd haweenaydii ugu horeysay ee golaha Deegaanka Gabiley ka mid noqota iyo waliba Haweenaydii ugu Horeysa ee Somaliland ka mid noqota Golaha Deegaanka Dalka oo idil. Khadra Xaaji Geydh waxay markii labaad noqotay Haweenaydii ugu horeysa Somaliland ee ku guulaysatay Maayir ka Noqota Dalka Gaar ahaan Gobolka Gabiley.

Guulaha is daba jooga ah ee ALLEH ku manaystay Khadra xaaji Geydh waxay tusaale u noqotay Haween waynaha Jamhuuriyada Somaliland inay han yeelan karaan, waliba waxay khadra is badal weyn oo la taaban karo ku samaysay Gobolka Gabiley, tusaale wax ku oolana u noqotay Dadka reer Gabiley. Iyadoo Gobolka Gabiley ka mid yahay gobolada ugu dakhliga iyo waxsoo saarka badan Dalka, meel fogna ugu suntan Dadka reer gabiley.

Guulihii is Daba jooga ahaa ee Marwo Khadri kumay eekaan intaas oo kaliya ee Marwo Khadra Xaaji Gaydh waxay ku Guulaysatay inay noqoto Haweenaydii ugu Horeysay ee noqota Dalka Agaasime Guud Taasi oo ay ku kasbatay Dadaalka Joogtada ah ee ay wado.Hadaba Marwo Khadra Xaaji Gaydh waxaanu kugu Hambalyeynaynaa Guulahaas, waxaanan ku leeyahay Halkaas ka sii wad waxaad leedahay mustaqbal ifaaya..

Qalinkii: Cabdirisaaq Almis

Email: cabdirisaaqalmis@gmail.com