Martiqaad – Nagala Soo Qayb gal Shirka Telephoneka Qurbajooga Somaliland oo uu Qabanayo Wasiir Osman Sahardiid Cadaani

Xafiiska Somaliland ee Maraykanka wuxu ku martiqaadayaa dhamaan qurbajooga Somaliland ee degan USA, Canada, Italy, UK, Germany, Natherland, UAE iyo France,  inaad nagala soo qayb gashaan shirka telephoneka oo uu marti noogu yahay Wasiir Osman Sahardiid Cadaani. Wasiir Osman wuxu inooga waramayaa xaalada maanta Somaliland marayso guud ahaan, iyo gaar ahaan xaalada wasaaradiisa Maaliyada. Waxa kale oo uu warbixin ka samaynayaa wixii u qabsamooyay dawlada Madaxwayne Ahmed Silanyo labadii sannadood  ee ina dhaafay iyo qorshaha dawladu ku talo jirto inay wax ka qabato labada sannadood iyo badhka soo socda.

Shirku wuxu dhacayaa maalinta Sabtida ee bisha November 3deeda iyo xiliga saacadaha ee hoos ku qoran. Shirka waxa aad kaga soo qayb gelaysaa sidan; marka hore waxa aad soo wacdaa telephoneka hoos ku qoran, marka labaadna geli muftaaxan 329103, muftaaxanu waa isku wada mid meelkasta.

1- Numberka USA waa 1-209-255-1000 xiliga saacada Washington DC tahay 2pm

2 – Numberka Canada waa 1-559-670-1000 xiliga saacada Toronto tahay 2pm

3 – Numberka Italy waa +39-0-011-092-0915 xiliga saacada Rome tahay 7pm

4 – Numberka UK waa +44-0-7848-43-2913 xiliga saacada London tahay 7pm

5 – Numberka France waa +33-0-180-14-0005 xiliga saacada Paris tahay 7pm

6 – Numberka Natherland waa 31-0-20-322-3050 xiliga saacada Amsterdam tahay 7pm

7 – Numberka UAE\GCC waa 973-1656-8350 xiliga saacada Dubai tahay 10pm

8 – Numberka Germany waa +49-09772-316-000 xiliga saacada Bonn tahay 7pm

Tirada dadka soo gelaya shirkan telephonekan oo badan awgeed, waxaanu kaa codsanaynaa inaad wixii su’aalo ah ee aad hayso aad ku soo dirto halkan. Waxad ku soo dirtaa email addresskan mission@somaliland.us ama waxa fariin ku dhaaftaa telephonekan 1-703-745-2199. Wasiir Osman wuxu ka wada jawaabayaa dhamaan su’aalaha oo dhan.

Waxaa aanu dhamaan u mahadnaqaynaa warbaahinta naga ogolaatay inay ogaysiiskan noogu gudbiso akhristayaashooda iyo dhegaystayaashoodaba.

Illaah baa mahad leh

Rashid Garuf
Somaliland Mission – USA
mission@somaliland.us