‘Marka Uu Muuse Biixi Haakah Yidhaahdo!! – Qalinkii Khadar Hassan H. Ahmed

khadar-axmedMarka laga hadlayo halganka iyo sooyaalka siyaasadeed ee Cabdicasiis Maxamed Samaale waa taariikh inta badan laga wada war qabo balse waxaan si yar oo kooban u eegi doonaa saddexdii marxaladood ee u dambeeyey ee uu soo maray Cabdicasiis Samaale.

Bishii March sanadkii 2012-kii ayaa Madaxwaynaha Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale u magacaabay wasiirkiisa maaliyadda, Muddo saddex sano ah oo uu Cabdicasiis Samaale xilkaas hayay waxa uu ka mid ahaa xubnaha ugu cad-cad golaha wasiirada, sidoo kalena waxa uu ka mid ahaa shakhsiyaadka madaxwaynaha ugu dhaw.

Cabdicasiis Samaale sidoo kale waxa uu ka mid ahaa xubnaha kooban ee sida waalida ah u difaaci jiray Madaxwayne Siilaanyo, isagoo goob kasta iyo goor kasta ku dedaali jiray inuu daahiriyo Madaxwaynaha, iyadoo la odhan karo Cabdicasiis waxa uu qaatay saddex sano oo xusuus leh oo ay ku xeeran tahay guulwadayn isagoo caan ku noqday odhaahyo ay ka mid ahayd “Markii uu Siilaanyo Haakah yidhaahdo ayaan tartamayaa”

Balse sannadkii 2015-kii bishii March ayuu soo afmeermay xidhiidhkii saaxiibtinimada iyo kalgacalka lahaa ee u dhexeeyey Madaxwaynaha iyo Samaale, kadib markii xilkii wasaaradda maaliyadda laga qaaday loona bedelay wasaaraddii waxbarashada, Cabdicasiis Samaale isagoo tirsanaya godob hore uu Madaxwayne Siilaanyo ka galay oo ahayd inuu ku qanciyey inuu Muuse Biixi uga hadho guddoomiye-nimada xisbiga KULMIYE ayuu dareemay inuu Madaxwaynuhu godobtii labaad ka galay isagoo u arkayay inuu siqiirinayo hankiisii murashaxa Madaxwayne-nimo ee xisbiga KULMIYE.

Waraysi uu BBC-da siiyey ayuu si dad ban u sheegay in talada xilka lagaga qaaday aanu Madaxwayne Siilaanyo kali ku ahayn oo lagu weheliyo, waxaana uu si cadho leh uga hadlay sida uu madaxwaynuhu u xumeeyey saaxiibtinimadii dhexdooda taalay, sidoo kale Cabdicasiis Samaale ayaa maalintii uu xilka wareejinayay weerar ku qaaday marwada Madaxwaynaha Aamina Waris Sheekh Maxamuud Jirde, waxaana ay arrintaasi sii kordhisay dareenka u dhexeeya qoyska Madaxwaynaha iyo Cabdicasiis.

Markii uu soo dhawaaday shirkii golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE Madaxwayne Siilaanyo-na si toos ah ula saftay Muuse Biixi Cabdi, Cabdicasiis Samaale waxa uu la midoobay kooxdii xukuumadda iska casishay ee uu Maxamed Biixi Yoonis hogaaminayay, waxaana ay ku dhawaaqeen garabkii isbahaysiga dimuqraadi doonka ah ee KULMIYE, mudadii uu garabkaas ka mid ahaa waxa jiray dhaliilo iyo hanjaabdo badan uu Madaxwayne Siilaanyo u jeediyey isagoo aad moodo inaanu ahayn Samaalihii Maaliyadda joogi jiray.

Ugu dambayn waxaa soo baxay warar sheegaya inuu Cabdicasiis Samaale heshiis la gaadhay Guddoomiyaha KULMIYE, Madaxwaynah Somaliland iyo qoyskiisa, iyagoo wararku sheegay intaas ku daray  bedelkeeda loo magacaabi doono madaxa ololaha xisbiga kULMIYE.

Waxaanay xantaasi soo shaac baxday kadib markii uu Samaale weheliyey safarkii Madaxwaynaha iyo guddoomiyaha KULMIYE ku tageen gobolada bariga, waxaana baraha bulshada lagu dawaagay sawirro muujinayo Samaale oo farxad waali ahi ka muuqato iyo isagoo muujinaya inuu diyaar u yahay inuu Muuse Biixi dhiso.

Waxaa jirta odhaah ingiriisi ah oo tidhaada “Don’t love too much, don’t hate too much, don’t help too much, because every too much may harm you too much” oo micnaheedu yahay “cidna aad ha u jeclaanin, cidna aad ha u nicin, cidna aad  ha u caawin, waayo wax kasta oo aad xoog u samaysaa waxa laga yaabaa inuu xoog kuu dhaawaco”,waxaan uga socdaa qof kasta oo shaqo idinka dhaxayso ama saaxiibtinimo aad wadaagtaan maaha inaad si xad dhaaf ah u aaminto.

Hadaba waxaan Cabdicasiis Samaale odhan lahaa ha daaline raxlaynta kaydso, haddiii hore laguugu bartay ammaanta Madaxwaynaha, Hadana aad u xadhko xidhatay dhaliisha Madaxwaynaha markii aad isa seegteen, fadlan markan yaan lagaa maqlin Muuse Markuu Haakah yidhaahdo ayaan tartami doonaa iminkana isaga ayaan dhisayaa.. inaad dhisto oo aad tanaasushay waaba raganimo laakiin inaad mar kale Muuse u raxlaysaa waxa ay hoos u dhigi doontaa qiimahaaga qofnimo.

Khadar Hassan H.Ahmed

Khadar2424@gmail.com