Mahadho (Gabay) – W/T: C/Rashiid Khadar Jaamac

LobyWaa gabay aan ugu talo galay munaasibada sanad guurada 22 aad ee 18 ka may

Waa maalin gabaygaan marshaa maangal uu yahay

Waa maalin tixihii mudhnaa maamka qorayaane

Waa maalin  maamuus lahoo laga mabsuudaaye

Waa maalin maankiyo qalbigu maansha uu yahaye

Waa maalin magaceena guud muuqday laba jeere

Waa maalin  maamuus hanliyo mahadho taariikhe

Waa maalin cadawgii maqlaa cadho maleegtaaye

Waa maalin iyo maalin iyo mahadho yaab weyne

Waa maalin iyo maalin ay muustay cadhadiiye

Waa maalin ciid soo gashiyo maanac xumihiiye

Waa maalin muruqii snm maaxday  godolkiiye

Waa maalin  iyo maalmaheed  midow arwaaxeede

Mar mujaahidiintaan ducada mawle uga tuugay

Mar masuulka qarankaan ufuray magan xasuuseedka

Marna magaca qiimaha leh ee dawladnimo muujay

Ayaan mininkan  soomaliland meel la dhigayaaye

Afartaa intaan maanta  idhi miim ma ka higaadhsay

Macnaa gabaygu kala leeyahee maw makaga siiyey

Afar kalena waa maanta iyo maydan loo kacaye

Farxad baa mabsuudlee in badan mahad ilaahay’e

Waa maalin eraygaygu milay magane  taariikhe

Waa maalin iyo maalin iyo maalmo  iyo guule

Waa maalintaan maalmo badan uga  madiixaaye

Waa maalintaan maalmo galay kor u maleegtaaye

Waa maalintaan awr mugliyo faras  maquunshaaye

Milgahaygu samadaa ha maro mawle idankiiye

Cadawgaygu meeshuu fadhiyo murug itaalkiiye

Calankaygu madashuu lulmado maahir sharafeed dheh

Hal abuur: C/Rashiid Khadar Jaamac Qabile

Adress: h-halac@hotmail.com