Magacaabistii, Melafsigii Iyo Xil Ka Maroojintii Boobe: Saddex aan wada socon – Qormadii: 21aad

Guddoomiyaha DAWAN

(Maalin-qorka “Mucjisadii nagu soo martay Wasaaradda Warfaafinta: 19/3/12ka-4/9/12ka) Qalinkii Maxamed Cismaan Mire (Sayid) Guddoomiyaha Dawan Media Group.

E-mail: dawanchairman@gmail.com

Guddoomiyaha DAWAN

Hadii aynu shalay Qormadii 20aad ee  taxanaheenan ku aragnay.  Sidii indho-adayga,  jar iska tuurnimada iyo damiir xumada  ahayd ee Wasiir Boobe u difaaci jirey jiritaanka iyo sii socoshada heshiiska tuugada iyo musuq maasuqa ku dhisan ee satellite-ka Thaicom. Haddii aynu qormadii 15aad ee qoraalada Boobe ku soo aragnay sida cadaanka ah ee  uu Boobe laftiisu uga markhaati furay. In tan iyo maalintii  wasiirnimada loo magacaabay ay jirtey inay had iyo jeer  dad  faro badan  oo uu ka mid yahay Madaxweynaha Qaranku.  Kala hadli jireen, una sheegi jireen in lacag aad u faro badan oo Qaranka culays dhaqaale iyo dhiig bax ku ahi dul saaran tahay  heshiiska satellite-ka ee Thaicom. Taas aawadeedna ay u soo jeedin jireen, mararka qaarkoodna ay cadaadis iyo  culayba ku saari jireen in uu  heshiiskaa joojiyo. Isaguna  arintaas aanu waxba ka qabanin, ee uu is weydiin jirey oo keliya sababta isaga loola sugayey joojinta heshiiskaas.

Hadaba marka arintu sidaas tahay, sababta uu   wasiir Boobe inoo sheegay inuu ku diidayey joojinta heshiiskaas.  Ma waxaynu  u qaadanaa  inay ahayd sabab sax ah oo uu gar ku lahaa?. Mise waxaynu u  qaadanaa in ay ahayd mid khaldan oo aanu wax gar ah ku lahayn?.  Dabcan waxa aynu u qaadanaynaa sida ay arintu sax ku tahay oo keliya.  Taasina ma aha mid muhmal iyo mad madoow ku jiro, oo aynu muran iyo dood ka geli karno. Balse waa mid sida cad ceeda iyo dharaarta u cad, oo aan cidna ka dednayn. Sidaas awgeed waxaynu cod dheer ku sheegaynaa in sababta uu wasiir  Boobe ku saleeyey doodiisa ku saabsan. Wax ka qabasho la’aanta  heshiiska xaaraanta ah ee hantida Ummada lagu dhacayey tahay mid aad u jaban oo weliba raqiis ah. Maxaa wacay  sababta ugu weyn ee wasiirnimada loogu magacaabay ayaaba ahayd. In uu saxo oo wax ka qabto wax kasta oo ka xumaa iyo khalad kasta oo ka jirey wasaaradda masuuliyadeeda loo dhiibay. Kolka xaalku sidaas yahayna waynu dareemi karnaa, waanay  inoo muuqataa, oo waynu aragnaa  in qaylada Boobe  ka dhigantahay  tii laga yidhi “Baroortuna Origaga ka weyn”. Waxaana dhab ah in ay meesha ku jireen arrimo kale oo uu Odaygu xaqiiqadooda inaga qariyey. Balse ahaa kuwii ku kalifayey inuu si indho la’aan ah u difaaco, oo aanu waxba  ka qabanin heshiiska tuugonimada ku dhisan ee boqolaalka jeer loo sheegay inuu wax ka qabto.

Hadaba iyada oo ay faro badnaayeen arimihii  Oday Boobe u diiday, ee uga dhaartay inuu xilkiisa u guto  si hufan oo ay daacadnimo iyo wadaniyadu ku dheehan yihiin. Ayaa waxaan in aan farta idiinku fiiqo dhawr ka mid ah arimahaase bal hada u dayno lahaada.

  • Waxaa jirta    Boobe maalmihii  ugu horeeyey ee uu noo yimid  in uu aad u nebcaan jirey, si aad u xuna  ugu kacsanaan jirey  Agaasimaha maamulka iyo lacagta ee Tv-ga Xasan Maxamuud, kaasoo  uu  markasta si weyn noogu caayi jirey,  naguna  odhaan jirey waa bahal xun oo corruptionist. Waxyaabaha  aan sida fiican u xusuusanahay ee uu had iyo jeer Boobe nagu odhan jirey, marka uu ninkaas ka hadlayo waxaa ka mid ahaa   “Kol haddii Xasan ilaa maanta wasaaradda iyo Tv-gii dhex joogo wax isbedel iyo doorasho ah oo dalka ka dhacayba ma jiro”.  Marka intaas laga yimaado waxaa iyana jirey oo aanu aniga iyo qaar ka mid ah Agaasimeyaasha kale ee wasaaraddu goob joog u ahayn. Ugu yaraan laba maalmood oo uu wasiir Boobe ku amray Agaasimihii hore ee Tv-ga Mr Dhuxul in uu Xasan Maxamuud ka eryo Tv-ga. Iyada oo labadaas maalmoodba uu Dhuxulna ugu jawaabay Xasan waa Agaasime aniga ila simane miyaan eryi karaa.  Hadiise Boobe noo yimi isaga oo sidaa aan soo sheegay Xasan-yare u neceb, maxaa taas ka dambeeyey?. Waxa ka dambeysay in aanu mudo yar ka dib aragno ninkii Boobe oo magaca Xasan ku werdiyaya. Waxaanu aragnay ninkii Boobe oo  aan Xaaji Xasanoow waxaan ahayn ugu yeedhayn, inankii Xasan yare ee uu sida la ogyahay u nebcaan jirey. Waxaanu u soo joognay ninkii Boobe ee wasiirka ahaa oo marka aad hawl ula tagto. Aan waxba kaa odhan karayn hawshii aad ula tagtay ee  ku odhanaya Xaaji Xasan inoogu yeedh, isla markaana anu jirin wax go’aan ah oo uu gaadhi karaa ilaa uu Xasan la tashado. Cajeb Tolow Xasan goor muu  dadkoo dhan ka wanaagsanaaday?.  Ka caqli badanaaday?.  Ka daacadsanaaday?.  Ka  faarriidsanaaday?. Ka ragganimo badanaaday?. Ka aqoon bdnaaday?. Mise wax kale ayaa jirey?. Maxaase ilaa xadkaa bedelay ninkii Boobe ee la wada ogaa heerka uu nacaybka Xasan ka gaadhay?. Wax kale ma dhicin. Xasan yarena dadka kama duwaneyn. Hase ahaatee Xasan-yare waxa uu la hadlay, oo uu si wanagsan u hantiyey jeebkii madhnaa ee wasiirku noola yimi. Kaasoo uu markiiba  si fiican ugu hagar baxay daboolidii baahidiisii oo dhan. Dabadeedna ma waxaanu ninkii weynaa ee wasiirka noo ahaa Xaaji Xasan, Xaaji Xasan, Xaaji Xasan, Xaaji Xasanoow ku tasbiixsaninbaa…!!! Ma waxaan ilaa maanta ninkii Boobe  Xasan Maxamuud waxaan ahayn afkiisa laga waayinbaa.

Isku soo wada duuboo Xasan yare iyo  Boobe waxay ku heshiiyeen lunsigii iyo ku tagrifalkii dhaqaalihii Tv-ga wax loogu qaban lahaa. Isla mar ahaantaana Xasan yare waxuu si kalsooni iyo daacadnimo ah wasiirka u tusay, uguna sheegay meel kasta oo ay dhaqaale ka heli karaan. Maadaama uu ahaa nin mudadii  dheerayd ee uu  gacanta ku haystay, keligiina maamulan jirey.  Miisaaniyada iyo dakhliga Tv-ga  khibrad fiican u yeeshay sida wax loo musuq maasuqo iyo farsamooyinka wax lagu lunsadoba. Taasina waxay keentay in Boobe Xasan yare ka dhigto gacantiisa midig, ila mar ahaantaana uu carruurtiisa xitaa ka jeclaado.

  • Tan  kale ee Boobe ugu wacnayd in uu dhegaha ka furaysto, indhahana ka daboosho wax ka qabashada arin kasta oo musuq maasuq iyo hanati lunsi ku saabsan  ayaa waxa la rumaysan yahay in ay ahayd. Mid la xidhiidha aqoon koobni dhinaca diinta ah. Maxaa  yeelay marka aynu eegno hadalka hoos ku xusan ee uu Boobe inoogu sheegay qormadii 30aad ee qoraaladiisa.  Waxa aynu si fudud u dareemi karnaa sida ay Boobe iyo diintu isku yihiin. Waanakan  ee bal u fiirsada hadalkii uu Boobe ina yidhi.

Subaxnimadii hore ee 30/7/2012ka oo maalin Isniin ah ahayd, ayaa waqti ay saacaddu ku beegnayd ilaa 7.10 ee aroortii hore, ayaa la ii soo sheegay in Hanti-dhowrihii Guud xidhay oo baadhayo xafiiskii Agaasimaha Maamulka iyo Xisaabaadka ee TV-ga Qaranka. Marka uu tilifoonkaasi igu soo dhacayay waan quraacanayay. Markiiba dhankii xafiiska ayaan u boqoolay. Waan iska garanayay in aanay ahayn baadhis caadiya ama aanu Hanti-dhowraha Guud iskii u iman bal se uu ku jihaysnaa Xasan Maxamuud oo ay hadal-hayntiisu aad u badnayd in badanna la igala hadlay”.

Waxaa run ahaantii xusid mudan oo aan hoosta ka xariiqayaa in maalinta uu Boobe tilmaamay ee 30/7/2012.  Ay ahayd maalin Ramadaan ah, oo ay dadka muslimiinta ahi soomanaayeen. Boobese waxuu inoo sheegay maalintaas in uu quraacanayey markii telefoonka loogu sheegay in Hantidhawrku xidhay xafiisii Agaasimaha Maamulka Tv-ga.

La soco……………………………………