Magacaabistaydii iyo Maagistaydii: Laba Isku Lammaanaa: “Boobe Yuusuf Ducaale – Qormadii 30

Boobe Yuusuf Ducaale
Boobe Yuusuf Ducaale

Qormooyinkaygan taxanaha ahaa ee kooban waxaan ku qaadaa-dhigayay oo ummaddan tabaalaysan ku hoga-tusaaleynayay:

  • Ku-takri-falka awoodaha kala duwan ee Dastuurka iyo xeerarkuba siinayaan Madaxda kala sarreysa ee Qaranka,
  • Adeegsiga ay dadka ama Madaxda qaarkeed adeegsanayaan awoodo aanay xeer iyo xaagaan midnaba u lahayn,
  • Hab-sami-u-socodka maamulka hay’adaha Qaranka gaar ahaan Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta iyo qalin-daaridda joogtaysan ee ku socota,
  • Sida aan habboonayn maamulkana hagardaamada ku ah ee loo magaacabo madaxda xilalka kala duwan loo igmanayo, iyada oo inta badan loo cuskado abaal-marin loo siinayo adeegyo qarsoon oo ay madaxda igmanaysa u fuliyeen amaba u fulin doonaan. Abaal loo hayo waxa kaliya ee u soo raaca ee lagu cugtaa waa qolannimo madhan oo aan macno sidaa u sii ridanba lahayn,
  • Musuq-maasuga iyo qaab-darrida loo maamulo ama loogu danaysto hantida qaranka,
  • Qaabka tebinta warbixinaha oo aan Madaxweynaha/Madaxtooyada ku gaadhin oo keliya ama u marin tubaha rasmiga ah, bal se mararka qaarkood qaab war-sheeko ah looga qaato dad baydhsan oo Wasaaradda ka hawl-gala,
  • War-is-gaadhsiinta iyo war-isu-tebinta Xubnaha Golaha Wasiirrada oo aan isu gudbin tilifoonnadana la iska qaadin, arrintaas oo go’aan-qaadashada iyo fulinta hawlaha Qarankaba dhantaalaysa oo ragaadinaysa,
  • Isku-xidh-la’aanta iyo kala go’doonsanaanta dadka xukuumadda ku wada jira ee ku qaybsan danaha gaar ahaaneed iyo kooxaysiga sadheeyay maamulka jira,
  • Wadaag la’aanta xukuumadda ee dhacdooyinka dhacaya iyo wararka ay tahay in la isu gudbiyo si ay cid waliba xogogaal u noqoto, go’aammana uga qaadato,
  • Illowsanaanta madaxda qaarkeed ay illowsan tahay in ay xukuumadda ka tirsan yihiin oo aanay ahayn in ay isla xukuumaddii ay ka tirsanaayeen dacaayadeeyaan ama ay jabkeeda ku diirsadaan haddii aanay ku wiirsanba,
  • Idaacadda Siddeedaad iyo saamaynta taban ee ay ku yeelan karto habsami-u-socodka hawlaha radio Hargeysa iyo amniga Qarankaba kol haddii aanay sifo sharci ah ku soo gelin kuna dhex oollin xarunta Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta,
  • Aamminasanaan-la’aanta madaxda Qaranka qaarkeed oo aan adeegsan war-baahinta qaranka bal se u iisha inta badan war-baahinta gaarka,

Hanti-dhowrka iyo Hanti-dhowraha Guud:

Waa mowduuc kale oo aad iyo aad xiiso u lahaa oo aan ku soo qaatay Qormooyinkaygan koobnaa ee taxanaha ahaa waxaana ka mid ah: Faro-gelintii Hanti-dhowrka iyo hawl-galka Hanti-dhowrka laftiisa. Waxa lama-huraan ah in aynu mowduucan iyo ‘Hanti-dhowraha Guudba’ ku yar hakanno oo cabbaar ku raasukhno. Faham kala duwan ayuu dadku ka haystaa Hanti-dhowrka iyo Hanti-howraha Guudba. Waxa kale oo iyaduna meesha ku jirta oo aan ka madhnayn sababihii loo abuuray hay’addan Qaran iyo qaababka aan la jeclaysan ee ay u hawl-gasho.

Subaxnimadii hore ee 30/7/2012ka oo maalin Isniin ah ahayd, ayaa waqti ay saacaddu ku beegnayd ilaa 7.10 ee aroortii hore, ayaa la ii soo sheegay in Hanti-dhowrihii Guud xidhay oo baadhayo xafiiskii Agaasimaha Maamulka iyo Xisaabaadka ee TV-ga Qaranka. Marka uu tilifoonkaasi igu soo dhacayay waan quraacanayay. Markiiba dhankii xafiiska ayaan u boqoolay. Waan iska garanayay in aanay ahayn baadhis caadiya ama aanu Hanti-dhowraha Guud iskii u iman bal se uu ku jihaysnaa Xasan Maxamuud oo ay hadal-hayntiisu aad u badnayd in badanna la igala hadlay. Waa tii aan hore idiin ku sheegay in maalintii warqadda Magacaabista la ii dhiibay la igala dardaarmay sidii aan ninkaa u kharaajin lahaa. In badan oo danbena hadalkiisa iyo sida aan meesha looga rabinba waan maqlayay.

Waxaan soo xusuustay maansadii ugu horreysay ee Timacadde tiriyay 1969kii markii ay ciidammadii millaterigu taladii dalka Soomaaliya af-genbiga ku qabsadeen. Tixdaas oo aan ‘Rabaab’ (Violin ama dhex-yar) u bixiyay, tuduc ku jiray ayaa ahaa:

“Riig looxaan ah nin qaatay,

Oo Raadyowgan ceelal ka baadhay,

Kola rays kama gaadho e’,

Rash uun buu yidhaaye,”

Si kale kuma garataan e’, Maxamuud Dheere waxaan u haystay in uu subaaxdaa Riiggaa Looxaanta ah noola yimid. Wixii ka gaadhayna waaba loo wada joogi.

Uma aan qaadin baadhis caadiya. Xafiiskaygii ayaan gal is-idhi. Mise waa mid bilays ah oo indho iyo dhegoba xidhan oo sidii noobiyadda ku hor qallalay oo qori la hor taagan. Yaab ayaan labada gacmood dhabanka saaray. Dhowr iyo labaatan askari oo bilays ah oo wasaaradda ilaaliyaa, qoryo lama soo galaan Xafiisyada, lamana hor fadhiistaan oo waa ka mamnuuc. Waxay qoryaha la hor-joogsadaan labada albaab ee waaweyn ee laga soo galo Wasaaradda: baabuur iyo dadba.

Anigu weligay bilays iyo ciidan I ilaaliya ma kaxaysan mana yeelan. Xataa intii yareyd ee aan Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta ahaa, ma aan yeelan ciidan I ilaaliya. Gurigayga ma ay joogin. Xaafiiskayga ma ay joogin. Baabuurkaygana weligood iyo waqood ma ay raacin. Xataa mararka aan gobollada u baxayo aniga iyo dirawalka oo keliya ayaa bixi jirnay. Ilaahay baa wax ilaaliya, anna dhagar cid I disha la iga ilaaliyo iskuma aan ogeyn oo saskaa iyo cabsidaa ma aan qabin.

Askarigii Maxamuud Dheere (Hanti-dhowraha Guud) watay ee xafiiskayga hor taagnaa ayaan ku idhi: “Bal xafiiska iiga hor dhaqaaq, oo halkan qori lalama soo galo e’, dibadda ula bax. Haddii kale ciidankaa ammaanka ayaan kuugu yeedhayaa.” Sidii ayuu ku baxay aniguna aan ku fadhiistay xafiiskaygii oo la haysto, oo uu weliba mas’uul aanu dawladda iyo xukuumaddaba ka wada tirsan nahay oo aan I soo war-gelin in uu xafiiskayga baadhayo, ama Wasaaradda aan mas’uulka ka ahay kormeer ku samaynayo.

Saaxiibkeen Maxamuud Dheere igama foga oo waan arkaa isaga oo sii jeedaa oo Xasan Maxamuud wax weydiinaya. Albaabkayga iyo ka Xasan Maxamuud waa ay iska soo hor jeedaan, waxaana noo dhexaysa oo keliya Fadxiya oo ah Xoghaynta Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta.

Waan garan karaa in aanu Madaxweyne Siilaanyo soo dirin Maxamuud Dheere oo ah Hanti-dhowraha Guud. Cid ka hooseysa ayaa soo diraysa sida ay nala tahay, maxaa yeelay Mudane Siilaanyo sida dadka qaarkii maanta iyo waqti u dhow midna ma aan baran. In badan ayaan aqaannay, dhaqammadanna qaar uu lahaa ama yeeshay ma aha e’ waa qaar ay caadaysteen inta ku xeersan ee nasteexa iskaga dhigaysaa.

Hanti-dhowraha Guud wax ogeysiin ah ima siin intii aanu Wasaaraddii aan mas’uulka ka ahaa shanta la soo gelin. Haddii laga tegi waayo, markii uu malahayga todoobaad joogay ayuu maalin ii soo galay oo igu yidhi wax u ekaa waa baadhis caadiya oo sannadle ah. Kulankayaguna intaas ayuu ahaa, run ahaantiina dhaqanka caynkaas ah ma aan jeclaysan. Waan ogaa, mararka qaarkoodna goob-joog ayaan u ahaa in uu si joogto ah warbixinta ugu geyn jiray Madaxtooyada, gaar ahaan Wasiirka Madaxtooyada, bal se aniga wax lur ah iguma hayn. Meeshaba saddex bilood ma aan joogin. Waxaan u malaynayay in qorshe soo socda shaxdiisa la sii dhigayay.

LA SOCO…………….