MAGAC BOOB LAGUMA HELO!

 

Bal hadda ka fikir adiga oo ka soo degey garoonka diyaaradaha ee Hargeisa oo markaad diyaaraddii ka soo degtay ad aragtey iyada oo ay ku qoran tahay Gegeda Diyaaradaha Caalamiga ah ee Daahir Riyaale. Markaad madaarka ka soo baxdeyna ad aragtay iskuulkii la odhan jirey Mohamoud Ahmed Ali oo loo bixiyey dugsiga hoose dhexe ee Suufi Warsame oo adoo yaabban aad magaaladii soo gashey oo ad aragtey kheyriyadii oo loo bixiyey golaha Mudane Silaanyo. Waxad markaba ka fikireysaa tolow waa maxay inqilaabkan dalkii ka dhacey!. Markii laga soo noqdey dagaalkii dunida ee labaad ee dhamaadey 1945kii ayaa Kabtankii magaalada Hargeisa xukumayey, Mr. Fisher, uu shicibkii ku soo rogay cashuur dheeraad ah oo uu rabey in la ururiyo si loo dhiso iskuulkii u horeeyey ee ay Soomaaliland yeelato. Shicibkii way ka mudahraadeen oo wey diideen cashuurtaa balse Mr. Fisher, dad badan ayuu xidhxidhey oo uu ku qasbey iney kala doortaan iney xidhnaadaan ama ay bixiyaan cashuurta oo ugu danbeystii bixiyey. Lacagtii la ururiyey wey gaadhi weydey wax lagu dhiso afar fasal iyo xafiiskoodii. Mr. Fisher waxa uu tegey jeelka Hargeisa oo uu ka soo kexeystey tiro maxaabiis Talyaani ah oo lagu soo qabqabtey dagaalkii dunida ee labaad, oo ay ku jireen maxaabiis dhismaha wax ka taqaan. Lacagtii uu ururiyey iyo maxaabiistii talyaaniga ahayd ayuu ku dhisay afar fasal iyo xafiiskoodii oo ah dugsiga iminka la yidhaa Sheikh Bashiir ee magaalada Haregisa ku yaal. Afarta fasal ee uu markaa dhisay waa kuwa u jeeda dhinaca wuqooyiga oo nashqaddooda ayaa laga garan karaa inu talyaani dhisay, oo waxa u eegyihiin “Roma Architect”. Markaa iskuulka la dhisayey waxa meesha ku yaaley hal fasal oo geed hoostii ah oo lagu soo wareejiyey ood. Ardeydii fasalkaa ooda ah ku jirtey oo ah fasalkii wax barasho ee u horeeyey ee Soomaaliland laga furo wax aka mid ahaa Dr. Ali Qaadi oo markaa Rool Nambarkiisu ahaa “1” oo macniheedu ah inu ahaa qofkii u horeeyey ee Soomaaliland la qoro iskuul. Waxa kaloo isna fasalka ku Jirey AHUN Abdirahman Ahmed Ali “Tuur” iyo AHUN Mohamed Haji Ibrahim Cigaal. Markii uu dhamaadey dhismihii cusbaa, caruurtii waa laga soo khexeeyey geedkii oo fasaladii cusbaa ayey galeen. Iskuulkiina waxa loogu magac darey ninkii dhisey oo ahaa Mr. Fisher. Mr. Fisher xaaskiisii ayaa sannad dabadeed u dhooftey ingiriiska gaar ahan gobolka Wales si ay uugu soo umusho. Markii ay umushey ayay dadkii magaaladeeda dhex gashey oo ay ka codsatey in lacag loo ururiyo si ay uugu dhisto rug caafimaad oo dumarka uurka leh ee Hargeisa loogu daweeyo. Lacagtii ayay soo qaadey oo waxa ay ku dhistay rug caafimaad oo ku tala meel u dhow maxkamadda Hargeisa dhabarkana ku heysa dhakhtarka qaaxada. Rugtiina waxa loo bixiyey magaceedii oo ahaa “Ruth Fisher Clinic”. Waxa jira dad badan oo kale oo muwaadiniin iyo ajinabiba ahaa oo is xilqaamey oo mashaariic fuliyey oo iyagii loogu magac darey. Ha noqoto Iskuulkii Riis ee uu Dhisey Sir Gerald Reece iyo Iskuulka Ahmed Gurey oo uu dhisey nin la odhan jirey Sir Thomson.

Markii gobanimada aynu qaadaney 1960 ilaa maantadaa an joogno jiilba jiilka ka danbeeya ayuu taariikhdii badh masaxayaa oo libin dad hore sameeyeen inta uu ranji soo qaato masaxayaa oo uu magac kale ku qorayaa. Iskuulkii Fisher magacii waa laga bedeley iyadoo xamaasad xornimo ina haystay oo waxa loo bixiyey dugsiga Sheikh Bashiir, Iskuulkii kale ee Sir Thomson dhiseyna waxa loo bixyey Ahmed Gurey.

Iskuulkii la odhan jirey Yurubyan iskuul, markii kacaanku dhashey waxa loo bixiyey Dugsiga Shacabka wiilasha. Haddana dhamaadkii sideetamadkii ayaa loo bixiyey dugsiga Hussein Giireh, maantana waxa la yidhaa Dugsiga Sheekh Madar. Biyo dhacey oo magaacaa ku soo caano maaley waxan u maleynayaa in iminka la yidhaa Dugsiga Shekh Ali Ibrahim. Dugsigii Riis waxa la yidhaa dugsiga Sheikh Ali Cisman.

Waxa iyana aan meesha ka madhneyn qabyaalada, gaar ahaan intii ka danbeysey 1991 kii. Magacyadan cusubi ee loo bixinayo meelaha qaarkood waa Mujaahid ama sheekh xaafaddaas ah oo loogu magac darayo oo meel hore loogu magic darey dad soo kifaaxey oo shaqo soo qabtey. Taasina waxa ay u eekeysiineysaa inu xaalku yahay “Ku qabso ku qadi meyside”. Waxa jira dhul iskuulo badan iyo wadooyin badan iyo meelo kale oo badan oo la dhisey intii ka danbeysey 1991 oo loo bixin karo magacyo dad dalka taariikh ku leh. Waxa la isu raacsanyahay in Mujaahid Mohamed Ali (AHUN) iyo Mujaahid Lixle (AHUN) ay ahaayeen tiirarkii adkaa ee hoggaankii SNM. Waxa ay aheyd iney maanta jirto meelo muhiim ah anma wadooyin labada mujaahid loogu magac daro si loogu xasuusto iney ahaayeen muwaadiniin naftooda u waayey dalka oo dhan. Waxey aheyd in Hassan Madoobe (AHUN) oo ka dagaalgaley Ceel-Afweyn magaciisa loo bixiyo meelo ka mida Gabiley si ilmaha ku soo koraya Gabiley u garto in Mujaahidkaa Ceel-Afweyn ka soo jeedaa u dhintey Gabiley.

Waxyaabaha guusha laga gaadhey wax aka mida magacyada Xaafadaha Ahmed Dhagax iyo Koodbuur. Waxa sheedaha lagaga faanayaa magaca Koodbuur oo ah mujaahid masalaha ku dhashey halka ay xaafadda siinay ku faaneyso Ahmed dhagax oo ah mujaahid ka soo jeeda Xaraf balse mabda’a uu u dhintey saameyn ku leeyahay meel kasta oo dalka ah.  Arrimahaas ayaa u baahan in la dhiiri geliyo si looga baxo in xaafad kastaa isku meereysato. (.).

Iminka waxa xaalku u muuqdaa in jiilba jiilkii ka horeeyey uu masaxayo taariikhdiisa. Waa inan ogaadnaa iney dhici karto iney iman doonaan jiil inaga danbeeya oo waxan an iminka wadno masixidoona haddii aan loo sameyn sharci iyo nidaam qeexa sida magac loogu bixinayo wixii dan guud ah. Inta la xusuusto Bile Rafle waa Mayorka lagu tilmaamo inu magaalada Hargeisa ka danbeeyey nidaaminteeda oo waxa uu jiixay waddooyinka waaweyn  ee magaalada, waxa uu baabi’yey xaafadihii isku raranta ahaa, waxa maamulkiisu dhisey dhismaha iminka ay ku jirto wasaaradda Daakhiliga ee Hargeisa, saldhigga weyn ee Bileyska ee Hargeisa iyo Tiyaatarkii. Xaqu wuxu ahaa in meelo magaalada ka tirsan loogu magac daro oo aan lagu daadifeyn qabiilkiisa oon la odhan wuxu ka soo jeedaa Qabridahare iyo Gunnogado amase aan la odhan waa nin la shaqeynayey dawlad aynaan jecleyn.

Haddii ad dooneyno inaan dad taariikhda magac ku lahaa meelo uugu magac darno, waxa waajib ah inan uugu magac darno wax an inagu dhisaney ee aynaan noqon qurux boob ku magac doonata wax dadkale u soo dhisteen.

Bile – Aqoonta U Adeegta Nolosha

 

Email:Bileaqoontaiyonolosha@gmail.com