Madaxwayne Wasiirka Ciyaaraha Ku Celi Madbacadii Qaranka – W/Q: Axmed Maxamed Qalinle

Maqaalakan waxaan kaga hadli doonaa codsi ku socda madaxwaynaha Somaliland inuu wasiir ka dhalinyarada iyo ciyaaraha uu ku celiyo madbacadii qaranka oo uu hore uga ahaa maareeye .

Waxaan halka ku cadaynayaa in wasaarada dhaliyarada iyo ciyaarahu ay tahay wasaarada kaliya ee ay dhaliyarada soomaaliland ku leedahay wasaarada dalka.

Waxaa muuqata marka qof loo xulayo hawl waxaa la eegaa hawshan wax khibrad ah ma u leeyahay waxaa cadaatay in wasiirka dhalinyaradu aanu lahay cirfad ciyaartoy nimo ama mid maamul oo xaga dadka ah waayo aduunyadda waxaa ugu adage ee la maamulaa waa dad waxaana ugu dagdag badan dhaliyarada oo wax badani seegaan hadaba waxay ahayd in wasaarada cuslayska intaa leeg leh in loo magacaabo nin ka dabaalanaya ciyaaraha na saamayn ku ma aqoon dheeraad ah u leh dagan oo dulqaad leh .

Waxaan halku cadaynayaa in wasiirka ciyaarahu aanu u qalmin xilka uu hayo ee lagu celiyo madbacadii uu hore u maamuli jiray waayo waxaan la soconaa in tii uu wasiirka ahaa inta dhacdo ee uu sameeyay oo la yaab ku noqotay dhaliyarada soomaliland waxaa kow ahayd inuu kala diray xidhiidhkii ciayaaraaha waxaa laba ahayd shaqo ka fadhiisintii isku duwaha wasaarada gobolka tog-dheer .

Wasaaradani waxay u baahan tahay shaqsi dulqaad iyo aqoon dheeraad ah leh oo ku saabsan ciyaaraha waayo ciyaarahu waxay u baahan yahiin waayo aragnimo dheeraad ah .

Waxaa dhacday dhacdadii somaaliland ugu xuamayd xaga ciyaaraha taasina waxay ahad ciyaar toygii gobolka tog-dheer oo ka hadhay ciyaarahii khilaaf soo jiitamay oo ka dhexeeyay ciyaartoyga waxan halkan  ka tacsiyaynayaa dhamaan dhalinyarada soomaliland gaar ahaan gobolka tog-dheer waxaasi waa wax laga xishood oo aan wanaagsanayn

By   AHMED MOHAMED QALINLE