Maanta Oo Kale Sanad Ka Hor – W/Q: C/Raxmaan C/Laahi (Wirdaani)

‘’…Geeriyeey xishoodlaay

Xejiyaay fogeeyaay

Xaashee aftahanimo

Abwaankii xidigin jiray

Kol haduu xabaal galay

Yaa xarafka hoos dhabi…’’

WIRDAANIMaalin waliba waayaheed , subax waliba warkeed, waxay ahayd arbaca, maanta oo kale sanad ka hor 01-10-2012, maalin uu godka galay oo Rabi aduunka ka oofsaday marxuum maxamed xaashi dhamac gaariye, subax arbacaad maalintii loo dareerey aaskiisa, Rabi godka ha u nuuree, hadaba waxaan tilmaami doonaa xusuustaydii macalinkaygii gaariye, anoo soo qaadan doona taariikhdiisii iyo shakhsiyadiisii macalin maxamed xaashi dhamac gaariye.

TAARIIKH NOLOLEEDKII ‘’GAARIYE’’

Alle ha u naxariistee macalin abwaan maxamed xaashi dhamac gaariye waxa uu 1950kii ku dhashay magaalada hargaysa, hooyadii qaman jaamac xuseen waxay la dhashay oo la walaalo ay ahaayeen wiil iyo afar hablood, abwaanku waxa uu waxbarashadiisii dugsiga hoose/dhexe iyo sare-ba ku qaatay magaalada hargaysa iyo sheikh.

Muddadii u dhaxaysay 1960kii ilaa 1970kii, kadib waxa uu abwaanku galay kulliyadii lafoole, sandkii 1974kii halkaas oo uu ka qaatay shahaadada loo yaqaano BSC, isla wakhtiyadaas abwaanku isagoo dhalinyaro ah wuxuu bilaabay curinta maansooyinka iyo hal abuurnimadda, waxa uu abwaanku dhalay afar hablood, abwaanku wuxuu guursaday laba haweena, sahra maxamed xuseen naaleeye oo ahayd xaaska weyn iyo muna qawrax oo iyadan guursaday 02-12-2004.

Abwaanku isagoo ilaa wakhtigii uu geeriyoon doono ku dhex jirey badweynta curinta maansooyinka iyo sugaanta kala duwan, abwaanku sidoo kale waxa uu ka qeyb qaatay riwaayado kala badan, oo ay ka mid ahayd riwaayaddii caanka ahayd ee aqoon iyo af-garad.

Alle ha u naxariistee macalin gaariye waxa uu ka qayb galay oo waliba ahaa shamacyadii ugu iftiinka badnaa ee maansooyinkii taxanaha ahaa ee siinley-da, taso dalka ka curatay sanadkii 1973kii, Eebe janadiisa haka waraabiye marxuum gaariye waxa uu ka mid ahaa guddigii qoraalka af soomaaliga, sanadkii 1976 waxa uu macalin ka noqday dhawr dugsi oo sare, sanadkii 1980kii waxa uu abwaanku ku wareegay akadamiga cilmiga fanka iyo sugaanta ee muqdisho.

Eebe godka ha u nuure hal-abuur gaariye waxa uu 1982kii ku biiray urrurkii SNM, wuxuu lahaa abwaanku diwaan uu ku ururiyey maansooyinkiisa, marxuum gaariye wuxuu ku guulaystay miisaanka maansada soomaliyeed kadib markii uu tartan u galay kaalinta koowaadna ku soo baxay, 1996kii sidoo kalana wuxuu taratan sugaaneed afka carabiga ah ku guulaystay kaalinta kowaad, marxuum gaariye wuxuu macalin ka ahaa jaamacado kala duwan, qaar dalka ku yaal ama ha ahaadaan kuwa dibada ku yaalba.

Marxuum gaariye wuxuu ku geeriyooday dalka norwey, waxaana lagu aasay caasimada dalka ee hargaysa, 01-10-2012/ maalin arbaca ah, Eebe koreeye waxaan ka baryayaa inuu godka u nuuro xawdka nabigana (NNKHH), ka waraabiyo, macalin, mujaahid, abwaan, hal-abuur, maxamed xaashi dhamac gaariye.

KUMA AYUU AHAA ‘’GAARIYE’’

Maxamed xaashi dhamac gaariye, wuxuu ahaa ubax ka soo dhex baxay bulshadiisa, maajaahid ka dagaalamay dulmi iyo dhac lagu hayey umadiisa, halyey jiif iyo joogba u diiday cadawgii ku habsaday dalkan, hal-abuur murtidiisu falaadh ku ahayd kalidii talyihii wadankan baabiiyey, geesi hurdada uga caagay sidii dhalinta manta joogtaa u noqon lahayd qaar qurux badan, abwaan martudiisu gaadhay daafaha dunida, maansayahan ku talaxtagay afkiisa hooyo, murtiile ku gabyi jiray afaf kala duwan, gaariye qof hanuuniye u noqday dadkiisa, hal-abuur aan ogalaan jirin hadalo daalqaafleh, halyey aan aqoon waabasho iyo baqasho markuu arko qalooc, godka lagu janee guul dhashuu ahaa hal-abuur, abwaan maxamed xaashi dhamac gaariye.

Marxuum gaariye wuxuu ahaa qof intuu Eebe ku simay u joogay inuu wax soo kordhiyo, dadkiisa ku baraarujin jiray inay noqdaan umadd hore u socota, aan dib ulaabsho lahayn, tartan la gasha dunida manta horumartay, gaariye isgoo dadka goobaabinaya umaddisa wuxuu lahaa ‘’ hanoqon iska dhashe, iska cune, iska seexde, iska noole, iska dhinte aan xoolaha ka duwanayn…. Noqo qof wax soo kordhiya, noqo qof wax laga dhaxlo…’’, marxuum wuxuu ahaa qof buuxiyey kaalintii ay bulshadiisu uga baahnayd.

Marxuum maxamed xaashi dhamac gaariye wuxuu barbaar badan u ahaa walidkooda labaad, wuxuu ahaa macalin, wuxuu ahaa shakhsi ay in badan jeclaayeen dhaliyarada Somaliland, wuxuu ahaa macalin soo saaray abwaano da’yar, wuxuu ahaa macalin dhexdda u xidhay sidii u kor ugu qaadi lahaa afkiisa hooyo, wuxuu ahaa bare jaamacado kala duwan dhigi jiray, ha ahaadaan kuwa dalka ama qaar dibada ku yaalaba, macalin u socdaalay in dhaxal ug tago dhalinta usoo baxaday dadkan iyo dalkan, macalin u hurdo seegay siduu ubadkiisa uga dhigi lahaa qaar jecel wadankooda.

marxuum gaariye wuxuu ahaa nin hami dheer leh, dantiisa ka horeysiin jirey ta umadda, wuxuu ahaa nin la saaxiiba dadka ay isku fikirka yihiin, wuxuu ahaa oday xaliya marka ay timaado in la is maandhaafo, wuxuu ahaa shakhsi aan ka baydhin dariiq saxda ah, wuxuu ahaa run sheeg oo ka waabsho lahayn, wuxuu nin indheer garada oo meel fog wax ka eega, ehelkiisuna wuxuu ahaa qof si wax ula arkaaya.

‘’…Abkuu doonto ha sheeg’tee

Waxa uun ehel ii ah.

Dad ninkaan af aqaanee.

Si wax iila arkaayee.

Na mideyso u jeedo…’’

Intaas ayaan kusoo afmerayaa intii yarayd ee aan ka odhanayey marxuum maxamed xaashi dhamac gaariye, Rabi waxaan ka baryayaa inuu janadiisii ka waraabiyo, inagana inooga daba naxariisto, inagana yeelo qaar u duceeyo kuwii iyaga ka horeeye, aynaan noqon qaar habaara kuwii ka horeeyey.

Rabaw kuu naxariiso maxamed xaashi dhamac ‘’gaariye’’.

wirdaani@hotmail.com

Hargaysa Somaliland

Alpha Universty