Maanta Iyo Halka Aan Ka Taagnahay Somaliland – W/Q: Mohamed Hagi Mohamoud

Mohamed Hagi MohamoudHordhac

Somaliland waa dal madaxbanaan oo xor ah sida ay goosteen ummadda ku nooli, marka loo eego shuruucaha dhaqan siyaasadeed ee adduunyaddu ku heshiisey wixii ka dambeeyey Dagaalkii Labaad ee Adduunka. Somaliland waa dal markii uu dhashey ee xornimadda dalalka adduunku maanta ku naaloonayaan uu ka helay gumeystihii Ingiriiska, ay dib u tuureen siyaasiyiintii wakhtigaa joogtey yagoo ku heshiin kari waayey hogaanka iyo wax wada lahaanshiyaha siyaasadeed. Wallow dadka intiisa badan loo tuso in dadkii shacabka ahaa ee wakhtigaasi ay rabeen in midnimo Somaliyeed oo shan ah la helo. Waxase qof wal oo wax ka bartey Culuunta Siyaasadda iyo Nidaamka Dawliga ah (Political Science and Public Policy), ay ka warqabaan in aaney marnaba adduunka aynu ku kor noolahay aaneyhore uga dhicin, haddana ka dhici karin in dad shacab ahi jiheeyaan siyaasiyiin. Waase loo wada joogay dhibtii siyaasiyiinta ilduufay ka soo gaadhey madaxbanaanidii ay ku tuureen hogga dheer, ee ilaa iyo maanta baadi doonkeedii aynu ku jirno.

Waxase markhaati ma doon ah in isla siyaasiyiintii afka dhulka darey ay isku day xeeladiisu hooseyso sameeyeen halsano ka dib midnimadii Somaliweyn ee lagu hungoobay. Waase shacabka reer Somaliland oo mar labaad ugu hiiliyey in ay dhiigooda, dheecaankooda iyo dhaqaalahoodaba u huraan baaqa siyaasiyiintii baxarka galiyey ummadda masiirkoodii ku aamintey 1960 ee ay meesha baas kala dhaceen. Halgankii hubaysnaa ee SNM, waxa ku naf iyo maalba waayey in ka badan 50,000, waxa ku baaba’ay hanti baaxad weyn sida magaalooyin waaweyn iyo dhaqaalihii hoos yaaley. Dhaqaale iyo hanti lunta waa laga soo kaban karaa e, waxa la huray oo kale waxa adduunka ugu qaalisan oo ah dadnimadda iyo dhaqanka suuban. Waxa aan sidan u leeyahay haddii ummadduhu dagaal galaan waxa halista ugu weyni tahay baaba, a dhaqanka suuban, kala dambeynta, cadaaladda iyo musuqa iyo maamul-xumadda oo gaadha meesha ugu sareysa.

Daar duntay waa la dhisi karaa, nidaam dawladeed oo shaqeeyana waa la unki karaa, se waxa aad u adag in dib loo soo celiyo dadnimadda iyo anshaxa wanaagsan. Culimadda Siyaasaddu waxa ay tan ku sheegaan haddii uu burbur ku yimaado umad iyo qaran hal sano kaliya waxa ay ku soo kaban karaan toban sano, haddii ay dadaalkooda libin laabaana intaa badhkeed oo ah 5 sano ayey ku soo kaban karaan. Nasiib wanaag dagaalkii reer Somaliland ay la galeen nidaamkii kali taliska ahaa ee ku dhisnaa isir nacaybka, iskana horkeenay qabaa’iladdii Somalida ee koonfurta kuwii waqooyigana in uu baabiiyo gudoonsadey waxa ay iskaga dul qaadeen muddo gaaban oo 3 sano ah. Waxa aan ka hadlayaa waa bilowgii dagaalka 1988 ilaa iyo dhamaadkiisii 1991. Si kastaba ha ahaatee, qaxoontinimaddii Somaliland waxa ay dhamaatey 1991, wallow ay jireen dagaalo sokeeye oo kale haddana marnaba lama aysan mid ahayn kan qaran burburka ah ee aynu taariikhda ku hayno.

Maanta waxa laga joogaa wakhtigaa 24 sano, oo ay ku dhismeen dhamaan magaalooyinkii Somaliland intii burburtey, waxa kale oo horumar balaadhan sameeyey tuulooyin iyo waliba degaano aan markii hore jirijirin oo ku abuurmay 24 sano ee Somaliland madaxbanaanida haystey iskeedna isku maamuleysey. Waxa kale oo ku abuurmay dawlad iyo nidaam sharci oo kala dambeyntiisa leh iyo waliba heer dawladnimo ku saleysan dimuqraadiyad casri ah oo huwan dhaqankeedii iyo afkaarteedii siyaasadeed. Dhaqaalaha dhinaciisa marka aad eegto waxa sameysmey horumar aad u balaadhan oo muuqda si toos ahna loo taaban karo.Wallow ay jiraan goldoloolooyin aad u fara badan oo ka yimid dhinaca nidaamka xukuumiga ah ee jirey 24 sano. Waxaana laga tilmaami karaa nidaamka cashuuraadka dalka iyo Wasaaradda Maaliyadda iyo waliba shuruucda dhismaha dhaqaale oo aan gabi ahaanba abuurneyn, tasaale ahaan shuruucda nidaamka bangiyada oo ah rugta abuurista dhaqaalaha qaranka, iyo waliba nidaamka soo jiidashada iyo abaabulka ee looga faa’ideeyo dhaqaalaha jira in shaqo lagu abuuro.

Wali xisaabtii burburkii 3 sano oo u dhigma in lagaga soo kabto 30 sano ayeynu ku guda jirnaaye, marka la kala jaro 30 iyo 24 waxa soo hadhay waa 6 sano. Waana inta ummaddi ku soo noqoto, waxa la xisaabinayaa waa jiilashii xiligaa kacay iyo intii talada haysey ee halganka ku jirtey inta ay taladu gacanta ugu jirto in aan horumar balaadhan laga sameyn karayn dhinacyada dhaqaalaha, siyaasadda iyo arrimaha bulshada oo dhamaantood u baahan fikir cusub oo ka fayow argagax colaadeed iyo xusuus balaayo. Dhanka kale, haddii aynu eegno walaalaheen Somaliya oo colaad iyo dagaal ku jiray 24 sano in ay dad caadi ah ku soo noqdaan oo la helo ummad habeysan oo garaneysa waxa ku xeeran iyo sida la isku badbaadiyo waxa u dhiman 240 sano oo kale. Yaa nool yaa dhintey, waxase hubaal ah haddii ay aad u dadaalaan waxa lagaga soo kaban kara intaa haafkeed oo noqoneysa 120 sano. Cilmi baadhistani waa mid dhab ah oo Culimadda Adduunka ee jiray ay ku sameeyeen in ka badan 40 wadan oo adduunka ka mid ah. Waxa rajada wanaagsani tahay in Somaliland ay kaliya u dhiman tahay 6 sano haddiise ay dadaalaan waxa lagu hagaajin karaa waxa ka qaldan nidaamka dawladnimo oo ah kan lagu hagaajinayo fikirka dadka iyo hab-dhaqankoodaba, isla markaana lagu abuurayo jawi degan oo siyaasadeed iyo horumar dhaqaale 3 sano. Haddaba, akhriste aan u daadago mawduucayga maanta iyo waxa aan u holadey qalinka in aan kor ugu qaado oo ah:- Xaaladda siyaasadeed ee maanta dalku uu marayo iyo sidii looga gudbi lahaa.

Nidaamka Dimuqraadiga ah

Somaliland 13 kii sano ee u dambeeyey waxa dawladnimadeedu ku shaqeyneysey nidaamka dimuqraadiga ah ee xisbiyadda badan. Waana sida ay ku heshiiyeen shacabka iyo dawladiisu, oo ah in shacabka ay awoodda dawladnimo gacanta ugu jirto, si ay u badalaan cida aan u shaqeyn sida ay rabaan isla markaana u doortaan cida ay rabaan.Waxa madaxda iyo siyaasiyiinta Somaliland ku waajib ah in ay ka soo baxaan waajibkaa iyo balanka u dhexeeya yaga iyo shacabka shaqaaleysiiyey.

Arrinta Doorashooyinka

Golayaasha qaranka oo ka kooban Dawladddaha Hoose, Madaxtooyadda iyo Aqaladda Sharci-Dejinta waxa dastuuriyan la doortaa 5 sano.Lakin nasiib daro waxa dhacda in marwalba ay muddo dhaafaan. Sababaha ugu weyn ee keenaa waa laba ammuurood oo waaweyn, oo aan marnaba siyaasiyiinta isqabqabsataa hore uga fikirin. Arrinta koowaad waa dhaqaalaha ku baxa doorashooyinka oo ah mid aad u balaadhan marka loo eego awooda dhaqaale ee dalka. Inkasta oo hadda ay European Union 75% bixiyaan, haddana mustaqbalka dhaw waxa ku waajib ah dalku in uu iska bixiyo doorashooyinka, ilaa iyo haddana cid diyaar u ahi ma jirto. Dhinac kale haddii laga eegana dhicitaanka seddex doorasho ee Heer-Qaran ahi waxa ay culays ku yihiin dhaqaalaha dal uu leeyahay oo ah in loo adeegsado hirgelinta horumarka dalka iyo dadka ee dhinacyada kaabayaasha dhaqaalaha iyo arrimaha bulshadda. Arrinta labaadna waa habka iyo nidaamka sharci iyo farsamo ee loo hirgeliyo qabsoomida doorashooyinka.

Tusaale ahaan, doorashooyinku waxa ay marwalba u baahan yihiin shuruuc iyo xeerar heshiis lagu yahay. Sidoo kale waxa lagama maarmaan ah farsamooyinka iyo agabka doorasho oo dheelitiran isla markaana heshiis ay ku yihiin dhamaan daneeyayaasha doorashooyinka, sida Golayaasha Qaranka, Komishanka Doorashooyinka iyo Axsaabta Siyaasaddu. Nasiib daro wali Somaliland oo 13 sano doorashooyin ku soo jirtey kuma ay guuleysan siyaasiyiinteedu in ay si wada jir ah iskula meel dhigaan arrimaha kor ku xusan. Waxana sida ay runtu tahay marwalba eedeeda yeelanaya dawladda markaa talada gacanta ku haysa oo baylihisay doorkii hogaamineed ee ummaddu u igmatey. Illaa iyo hadda labada xukuumadood iyo Golle ee arrintani ku dhacdey waa Xukuumadihii Rayaale iyo Golihii Barlamaanka ee wakhtigaa iyo Xukuumadan iyo Golaha Barlamaanka ee xiligan, waa haddii ay doorasho xiligeedii ku dhici weydo e.

Xogta Muwaadiniinta (Biometric)

Dawladdaha adduunka waxa ay masuul ka yihiin ilaalinta abniga iyo xogta muwaadiniintooda. Waxase maanta dawladda Somaliland iyo axsaabta qarankaba ceeb laf-jab ah ku ah sida aaney marnaba war uga hayn waxa adduunyadda maanta ka socda. Si doorasho loo galo waxa ay siyaasiyiinta Somaliland dhamaantood u arkaan in la helo nidaam lagu ilaaliyo in cod-bixiyayaashu aaney ku celcelin codka wax ka badan hal mar. Mucaaridku kama baqayaan in codka lagu celceliyo ee waxa ay u doonayaan Biometric system kan in aaney dawladdu ku shuban doorashadda. Halka ay dawladdu lafteedu ku ilaalineyso in aan codka shacabka cadheysan ee is-badal doonka ah oo inta badan ka dhiiran kan muxaafidka ah aanu ugu celcelin codka.

Nasiib-daro se waxa meesha ka baxdey foojignaanshiyaha khatarta ay leedahay xogta muwaadinka oo si dhib yar shirkad shisheeye ahi u maamusho. Waxa ay la mid tahay adiga oo muwaadinkaagii lagaala wareegay. Ma jirto adduunyada meel kaliya oo Biometric laga isticmaalaa doorashooyin oo aan ahayn Somaliland iyo wadamo dilaaliini qaadatey. Wadamadda Europe iyo USA kama jiraan nidaamkan noocan oo kale ah waayo xogta dadka waxa kaliya oo hayn kara waa dawladooda, xisbi loo codeynayo Biometric System cidina xogteeda ugu sadqayn mayso. Waxaan ku baraarujin lahaa dadka iyo siyaasiyiinta Somaliland in ay arrintan ka feejignaadaan isla markaana dawladda iyo axsaabta qarankuba masuuliyad dheeri ah iska saaraan in la xafido haddii laga maarsan waayo xogta muwaadinku in aaney dhaafin gacanta dawladda.

Siyaasiyiinta Madaxa Banaan

Siyaasiyiinta madaxa banaani waa kuwa iskood isku magacaaba ee aan ku jirin Golayaasha Qaran, Xukuumad iyo Axsaabta siyaasiga ah midna. Xaaladdaha keena siyaasiyiintani waa xaaladaha burburka waana masiibooyin iyo aafo qaran oo ku habsata ummaddaha taagta daranee colaadaha iyo dagaaladda ka soo doogsada. Waxa ay ummaddaha iskaga dhigaan in ay ehel u yihiin oo ay danta qaranka iyo tan shacabkaba illaalinayaan, waase ay uga daraan xaalad wal oo guracan oo jirta, marnaba daawo uma noqon karaan cakirnaanshaha siyaasiga ah. Sababta oo ah, cid wakiilatey oo ay mataalaan ma jirto xaqiiqatan, waxaana ay leeyihiin afkaar iyo fikir kala duwan waayo ma jirto ahdaaf iyo Institution mideynaya oo leh siyaasad cad oo dastuuri ah. Dalalka adduunyada ee horumaray, iyo kuwa hadda u diyaarka ah in ay sameeyaan horumar abni, dhaqaale iyo siyaasadeed ee sida fiican u soo koraya kama jiraan siyaasiyiinta madaxa baanaani. Meel ummaddi ku heshiisey oo shuruuc iyo qawaaniin dawli ahi yaaliin suuro gal ma aha baahi loo qabaana ma jirto in calooshood u shaqeystayaal ka manfacsada siyaasadda qaranka ay jiraan. Sababta ugu weyn ee looga diiday dimuqraadiyadda iyo nidaamka dawliga ah ee caalamiga ahi waa in aaney cidna u wakiilan in ay matalaan.

Dhinac kale marka laga eegana waxa ay noqon karaan cid loo adeegsan karo burburinta iyo hurinta khilaafaadka siyaasiga ah ee dalka, waxaana ku soo dhuuman kara cadawga dibada. Somaliland waa ay leedahay siyaasiyiinta madaxa banaan waana khatar qarsoon oo haddii aan si dhakhso ah wax looga qaban dhalin karta masiibo siyaasadeed oo hor leh. Siyaasiyiintan wax ka mid Mujaahidiin waaweyn oo dalkan u soo dhintey isla markaana jecel horumarkiisa sida Xasan Ciise, Ibrahim Dhagaweyne, Maxamed Xaashi, Xasan Guure iyo qaar kale oo badan. Waan dareemi karaa in ay dalkan jecel yihiin wanaagiisa, lakin waxa ay ceeb ku yihiin dawladnimada aynu sameysaney iyo qaranimada aan rabno in aynu ka midho dhalino. Waxaan ka codsan lahaa siyaasiyiintaa madaxabanaan in ay ku kala biiraan Axsaabta Qaranka ee jirta. Bal isweydiiya oo halkeed adduunka ku aragteen siyaasi madaxbanaan oo ka garab hadlaya Xisbi Qaran, miyaaney tani ceeb ku ahayn qaranimadeena iyo nidaamkeena dawladnimo. Mase aragteen dalalka jaarka ah iyo adduunka intiisa kale falal siyaasi ah oo noocan oo kale ah, wali waxaynaan kala saarin dawladnimo iyo nidaamkii jabhadnimada. Insha Allahu 6 sano ee inooga hadhsan in ay 30 sano inoogu buuxsamaan dib u noolaanshiyaha dadnimo ayeynu ku kala baran dawladnimadda iyo jabhadnimadda.

Axsaabta Qaranka ee Sedexda ah

Axsaabta siyaasadda ee Heer-Qaran, wali ma aha kuwo si dhab ah ugu bislaadey nidaamka siyaasiga ah ee Heer-Qaran. Ma aha Xisbiyo Qaran oo la wada leeyahay ee waa Xisbiyo Qabiil ama shaqsi oo siyaasadoodu ay ku dhisan tahay waa markeenii. Haddii aan yaga odhan lahaa muddada 6 sano ah ayey ku kori doonaan, taas werwer weyn baa iga haya oo waatan la yidhi 10 kii sano ba jaantaa rogan ha loo cararo. Taas oo siyaasadda ka dhigaysa mid aan sal-dhigan oo aan deganeyn, waayo waxa laga ilaalinayaa qaangaadhnimada iyo in ay wax ka bartaan wakhtiga oo ah macalinka waayo aragnimada. Haddii axsaabta la siin lahaa wakhti waa ay ku kori lahaayeen wax badan baana iska badali lahaa.

 

Haddase, waxa la ogolaadey in siyaasiyiintu guurguuraan oo mabaadiidu lunto, iyo in aynu ka kori weyno nidaamka qabiliga ah ee dhaqankeena ku jira. Tusaale ahaan, haddii la yidhaa kaliya 3 Xisbi Qaran ha jireen waxa yaraan lahaa guurguurka siyaasiyiinta oo marka uu siyaasi walba soo maro sedexda Xisbi marka dambe meel uu ku qalajisto ayaa jiri lahayd, ama in uu ka fadhiisto siyaasadda. Mar haddii ay 3 Xisbi jiraana waxa ay qabaa’illada Somaliland ku qasbanaan lahaayeen in ay laba xaalo mid sameeyaan oo is huwan:- waa ta hore e, in ay isgaashaanbuureysi siyaasadeed sameeyaan 5 ilaa 15 sano ee hore ka dibna ay gartaan dantooda oo ay fahmaan in ay u wada baahan yihiin biyo nadiif ah, waxbarasho, caafimaad, nabad-gelyo, shaqo iyo nolol wanaagsan halkaana ay ka duusho aragtidoodu oo ah tan labaad.

 

Dawladda ama Xukuumadda

Sidii aan marar badan warbaahinta iyo qoraalo aan sameeyeyba ka sheegay dawladduwaa meesha ay dad meel ku wada nooli dhaqaalahoodo, caqligooda, aqoontooda/garashadooda, maalkooda, farsamadooda/xirfadooda, xoogooda/awoodooda iyo aragtidooda siyaasiga ah isugu geeyaan. Si ay nabad iyo horumar ugu sameystaan isla markaana sharafkooda iyo jiritaankooda dadnimo ku ilaashadaan, dadyawga kale ee adduunyadda kula noolna ula macaamilaan iyagoo isaga difaacaya dawladnimaddan wax kasta iyo cidkasta oo wax yeelo ku ah jiritaankooda qaranimo yaguna ku kala badbaadaya. Haddaba, cidkasta oo masuuliyadeeda ummaddu u garato in ay u mataalaan nidaamkaa dawliga ah waa in ay garataa waajibka saran ee runta ah waxa uu yahay.

Kaas oo noqonaya daryeelida ummadda isla markaana waxa ku waajibka ah iyo masuuliyadda saaranba garanaya culayska ay leedahay. Dawladdan oo aan anigu u arko in ay tahay dawlad horumarineed (Developmental State), isla markaana aan la inkiri karin horumarka balaadhan ee ay dalka ka sameysey. Haddana, ceebta ugu weyn ee ay leedahay waa waxa Cilmiga siyaasadda lagu yidhaa Public Relations. Isku xidhnaanshiyaha dawladda iyo shacabkeedu waa furaha koobaad ee miyirka dawladnimo, nasiib-daro se waxa aad moodaa in arrinkani maanta yahay dhibta ugu weyn ee jirta. Waxaan ugu baaqi lahaa dawladeena maanta talada dalka gacanta ku haysa in ay dib u soo celiso Public Relations ka oo ah mawduuc aad u balaadhan oo sharaxaadiisu iga qaadaneyso in ka badan 10 bog. Waxase aan u dhaafay waa ay garanayaan dawladda iyo siyaasiyiintuba macnaha balaadhan ee Public Relations leeyahay. Waayo waxa u sameysan Wasaaraddaha Arrimaha Guddaha, Waxbarashadda, Dhalinyaradda iyo Cayaaraha, Warwaafinta/Wacyi-gelinta iyo Arrimaha Bulshadda, oo dhamaantood ka shaqeeya Public Relations.

Saxaafadda Somaliland

Saxaafadda Somaliland waxa ay soo qabatey shaqo aad u balaadhan, horumarka dadlkana qayb weyn bay ka soo qaateen dhalinyarada wakhtigooda u huray in ay xogta jirta la wadaagaan shacabkooda. Sidaas oo ay tahay wali waaxa jira dhaliilo kale oo in la taabto u baahan. Dhaliisha ugu weyn ee aan u hayo saxaafadda madaxa banaan ee Somaliland waa kala raacista Axsaabta siyaasiga ah iyo la xisaabtan la’aanta siyaasiga. Haddii uu siyaasigu yahay dhakhtarkii daweyn lahaa dhibanaha, Saxaafaddu waa askarigii ama xaakimkii fari lahaa in dhakhtarku shaqadiisa qabsado. Waxaadse moodaa in irbada suuxisada ah ee lagu muday shacabka yagana si ay wax uga soo gaadheen. Waxaan saxaafadda sharafka leh ee madaxabanaan haddii ay tahay, Mareegaha Internetka, Wargeysyada iyo Telifishanadaba in ay u soo jeestaan badbaadinta shacabkooda. Waxaan hubaa in warbaahinta Somaliland ay ku guuleysatey badbaadinta dalkeeda, waxa hubaal ah in ay ku guuleysan doonta badbaadinta siyaasadda iyo horumarka dalka.

Shacabka Somaliland

Ugu dambeyn waxaan ugu baaqayaa shacabka Somaliland in ay fahmaan awooda ay u leeyihiin in ay kula xisaabtamaan siyaasiyiintooda, si wax looga qabto baahiyahooda iyo tabashada dhaqaale iyo abni ee ay u baahan yihiin. Tusaale ahaan, siyaasiyiintu waa dhakhaatiir yaga kaliya ayaana daweyn kara cudurka bulshada iyo dalkaba haya, waase haddii ay gartaan shacabka oo ah kuwa u baahan in la daweeyo in ay u sheegtaan meesha xanuuneysa ee laga hayo. Shacabka waxa ku mudan irbad suuxiso ah oo aan u saamaxayn yaga in ay dareemaan xanuunka haya. Irbadaa suuxisada ahi waa qabyaaladda oo ka indho tirtey labada xaafadood ee Burco ama labada daamood ee Hargeysa in ay fahmaan waxa ay u baahan yihiin. Tusaale ahaan labada daamood ee Hargeysi waxa ay u baahan yihiin in ay helaan biyo nadiif ah, in ay helaan waxbarasho, nabad-gelyo, horumar dhaqaale iyo jawi siyaasadeed oo degan, waayo waxa ay bixiyaan cashuur.

Burco intaa in le’eg ayey u baahan tahay, sidoo kale dhamaan goboladda iyo degmooyinka Somaliland waxa wada haysta dhib isku mid ah, waana in ay fahmaan in ay uga bixi karaan si isku mid ah. Awoodda la xisaabtanka siyaasiyiintu waata keenta horumarka dhabta ah ee wadamaddu ay gaadhaan. Jawigan waxa abuura kaliya waa shacabka oo sunta ay ku mudayaan siyaasiyiintu fahma. Waxaan ugu baaqayaa siyaasiyiinta in damiirkooda dadnimo ay soo celiyaan, waayo waa dhakhaatiirta nolosha iyo dhaqaalaha dadka. Waxaynu ognahay in xisbi ama siyaasi siyaasi kale dhaama aanu jirin maanta, waxa aan taa u leeyahay waxa aynu ka arki lahayn damiirkiisa iyo ahdaafta siyaasiga ah ee uu ku shaqeynayo. Waxaan tusaale u soo qaadataan haddalada maalin walba aad warbaahinta ka maqashaan ee siyaasiyiintu isku durayaan. Waxay heshiis ku yihiin oo badan baa jira idina shacabow waad u sabcineysaan oo waliba aad kala taageersan tihiin. Waxaan idiinku baaqayaa in aad garataan meesha idin xanuuneysa si ay idiin daweeyaan. Una diida in ay idinku duraan suntan idin ilawsiineysa xanuunka idin haya. Wabilaahi Tawfiiq.

 

 

Mohamed Hagi Mohamoud. Department of Politics and International Studies. The University of Warwick. Email: m.hagi-mohamoud@warwick.ac.uk, mohamedomar1@hotmail.com.