Maanso Baroor diiq ah oo loo sameeyey Xoghayihii ururka saxafadda SOLJA Maxamed Rashiid Muxmed Faarax

Abwaan AbdixakiimMaanso Baroordiiq ah oo uu curiyey Abwaan:Cabdixakiim Yuusuf Cali, soona baxday 29/12/2014.

“Maansadani waxa uu igu dhashay ka dib markii aan maanta maqlay geeridda ku timid xogyihii ururka saxaafadda Somaliland ee SOLJA, Waxaanay naftaydu igu dhalisay inaan wax ka yidhaahdo u dagaalanka xoriyatul qawlka iyo difaaca saxaafadda madax banaan oo uu hadh iyo jeer heeganka u ahaa;

Waxaanay ku bilaabantay:

  • Inaan geeri iyo mowd
  • Maxkumiin u nahayoo
  • Mahuraanka aakhiro
  • Ruuxba  maalin tagayoo
  • Macno lahayn adduunyadu
  • Waa mid aynu idilkeen
  • Muran li ‘I ogsoonahay
  • Hayeeshee midbaa daran
  • Maqalkiyo warkeeduna
  • Magli kaaga daran yahay
  • Ruuxba waa muggiisiyo
  • Magacuu lahaayee
  • Saamayta mahadhadu
  • Tani weeye maantee
  • Nagu kadisay murugada
  • Siduu yidhi macbuudkeen
  • Samir baa muhiimoo
  • Xaqu waa madhaafaan
  • Muuminkana ku waa jiba
  • Marxuumkana ilaahbaan
  • Naxariis mug weyn iyo
  • Maqfir uga baryeynaa
  • Maamuus iyo karaamiyo
  • Meeqaam sarreeyuu
  • Kamudnaa dalkiisoo
  • Milaygay ahaataba
  • Sooyaalku waa marag
  • Aan la maydhi karinoo
  • Midhihii ubeeriyo
  • Dhaxalkiisa muuqdaa
  • Lagu Milicsan doonaa
  • Dal muraayaddiisiyo
  • Mihnad qaran ku faanaa
  • Waa miidhiyaha’ee
  • Halkay maanta joogtee
  • Caalamkuna ka marag kacay
  • Raggii soo mudh bixiyee
  • Mijaha ay ku socotiyo
  • Midigta u ahaabaa
  • Maxamed lagu xasuustaa
  • Qalin aan marooriyo
  • Marin habow aqoonoo
  • Runtu tahay maciisaa
  • Maxamed lagu xasuustaa
  • Maamul iyo hogaaniyo
  • Mayal iyo aftahannimo
  • Margashada aqoonbaa
  • Maxamed lagu xasuustaa
  • Geesi aan mildhaabinoo
  • Ka maagayn xaqiiqdoo
  • Meeshii tabaysaba
  • Qalin ugu miciinaa
  • Maxamed lagu xasuustaa
  • Muwaadin xaqiiqoo
  • Noloshiisa mudo dheer
  • Ku macsuumay qarankoo
  • Guusha mahadin jiraybaa
  • Maxamed lagu xasuustaa
  • Miisaan caddaaliyoo
  • Magac iyo qabiiliyo
  • Marna eex aqoonoo
  • Usinnaa mujtamacaa
  • Maxamed lagu xasuustaa
  • Marinkii rasuulkiyo (SCW)
  • Addoon diinta maloo
  • Martabeeya khayrkoo
  • Muujiya samaantaa
  • Maxamed lagu xasuustaa
  • Muggii uu lahaa iyo
  • Maanso kaalintiisii
  • Marna koobi maysoo
  • Hadal waa mid iyo laba
  • Hadaad socotay maantoo
  • Rashiidow min aakhiro
  • Kaa yeelay mawluhu
  • Ducaan maca salaamee
  • Magan kaaga dhigayaa
  • Marka iilka lagu dhigo
  • Mawleheen su’aashiyo
  • Macnaheeda kuu sahal
  • Marinada jannada iyo
  • Lagu mari dariiqii
  • Ahlu muuminiintoo
  • Inta meel lajoogtee
  • Maxamedow rasuulkii (SCW)
  • Madashiisa lagu simay
  • Kamid noqo insha allaah