Maansada ‘’BAAHA’’(Cali Ileeye)

Maansadan Baaha, waxa tiriyay abwaan Cali Sheekh Maxamed Cabdi (Cali Ileeye), waxaanu ka hadlayaa xaaladda abaareed ee dalka ka taagan isagoo shacabkana ugu baaqaya in la is caawiyo oo la sameeyo gurmad. Abwaan Cali Ileeye, wuxuu maansadiisa ku yidhi sidan:

1

Waa baahi qaran
Waa beelo jabay
Waa xoolo ba’ay
Waa nugul bakhtiyay
Waa gaajo ba’an.
Waa Baaha iyo
Bayl aan la arag
Boqolaal sannoo
Oday booshcaddaa
Wuxu yidhi Biloow
‘’Bahalnimo darteed
Tani waa balee
Jiitami bikh iyo
Bashar bay ahayd’’
Giriyaad bankii
Boodh baa ka kacay,
Dhulka Booramee
Indho beegsadeen
Qiiq baa ka baxay.
Duunyada ba’daay
Uma booyayee
Ubad beerraqoo
Baahida ledaan
La baroortay CIIL.
Beeraha Galbeed
Biqilkii Wajaal
Kama baxo hadhuudh
Boqolaal sacoo
Bayhoof lagdaay
Dadku waa bestii.
Baligubadle iyo
Gaaroodi bilan
Hawd iyo banaan
Biya-dhaamis iyo
Baaq baa ka yimi.
Xeebaha Berbera
Hanfigii baddoo
Jiilaal barkaday

Guban laga baqool
Burco iyo Madheedh
Dadku waa balanbalkii
Baxsad bay galeen.
Buuhoodle iyo
Cayn iyo bartii
Balidhiig ka Oog
Sool wuu balbalay.
Buuraha Calmadaw
Halka lagu baxsado
Warku uuma bogin
Deegaanki baday
Jiilaalku ‘Baah’
Boqoroow Alloow
Baryo noo ajiib
Beerkaanu nee,
‘Dhibicdii Barwaaq
Heegiyo bilkhayr
Biyo nagu xilfuro’.
Bandarjoogta
Kuwa balad shishiyo
Baariis jiroow:
‘’Baaqeenu waa
Bulshada u gurmada.
Balanteenu waa
Hala bixiyo maal.

Baaqeenu waa
biyo-dhaamiseey
Balanteenu waa
Baabuur la raro.
Baaqeenu waa
Berri laguma simo.
Balanteenu waa
Hala baxo dhamaan.
Baaqeenu waa
Baad iyo caleen.
Balanteenu waa
Dadka oo birmada.
Curiye:
Cali Sh. Maxamed Cabdi
(Cali Ileeye)
e-mail: caliileeye@gmail.com
063- 4776153
Hargeysa- Somaliland