Maamulka cusub Caasimada Hargeysa ma guulaysan doonaan inay Dab-demisyo u sameeyaan khatarta Meheradaha & Guryaha ku gubta Magaalada

Ascww,

damdamisyaal Hargeysa1Waxaa markasta dhacda in masiibo dab ahi ka kacdo ama ay ku habsato guud ahaanba S/land gaar ahaan caasimada hargeysa , ka ddib uu dab qabsado meherado iyo guryo dad deganyihiin oo nooc kasta ka sameysan, iyadoo aanay jirin wax gurmad ah oo dabkaasi markasta lagu dembinayo, hase yeeshee dabka kasta oo yimaada ayaa iskiis u dama , halkaasi oo ay ku bas beelaan dhammaanba meheradaha iyo guryaha halkaasi ku yaala iyo alaabooyinkii ku jiraaba.

Hadaba waxaan u sheegayaa golaha degaanka hargeysa siiba duqa iminka caasimada md yusuf xasan siciid  inaysan hargeysi weli helin wax gurmad ah oo lagu daminayo dabkasta oo kaca , taasina waxa ay keentaa in dabku u sii gudbo meheradaha iyo guryaha kale,isla markaana uu khasaare badani ka dhasho.

Dhinaca kale dadka degan magaalada hargeysa ayaa si aad ah ula yaaba, waxaa magaalada intaa leeg ee maalin kasta cashuurta laga qaado , loogu keeni waayey ilaayo 10xabo oo damdamis ah , madaama magaalada caasimada ah dadka degan lagu sheego qiyaas ahaan tiro ku socota 2milyan oo qof , sidaa daradeed ay dadku wanaagsan yihiin halka markasta dabku ka kacayo iyo waliba dadka ruuxooda ku aaminay magaalada intaa leeg ee aan wax dab bakhtiiye ah lahayn , waxayna dadka sida weyn ula socdaan isbedelka ka dhacay Somaliland sadexdii sano ee u dambeysay ay sheegeen in gurmad la’aantii weli lagu jiro , xukuumada kulmiye aanay waxqabkeeda iyo miisaaniyadeed ugu jirin arintaasi ka hortgeeda leh.

Hadaba golaha degaanka ee cusub waxay la socdaan in magaalada Hargeisa oo maalinba-maalinta ka dambaysa sii ballaadhanaysa ayaan lahayn wax dab-demis ah oo ka qayb-gala gurmadka haddiiba Gubasho dhacdo, marka laga reebo hal baabuur oo ay leedahay Shirkadda Dahabshiil, taas oo ay dadweynuhu walaac ka muujiyaan.

Waxaana la sugayaa inay arintaa Duqa cusub Md, Eng, yusuf Xasan Siciid uu qorshiisa ugu horeeya ku darsado, sidii arintaas uu xal ugu heli lahaa, magaalada ku kordhinlahaa baabuur tiro badan oo xaafadaha magaalada diyaar ku ahaada , marka loo baahdo in dab ka kaco caasimadaa intaa leeg , oo muga dadkaasi ku noolyihiin oo cashuurta ay dadka ka qaadayaan , muhiima kowaad siyaan in cashuurta lagu qaado , dadku xaq u leeyihiin in loogu gurmado , magaalada hargeysana yeelo ilaayo 12xabo damdamisyo ah si ay run u noqoto, dhaartii ay dhaarteen ,umadduna way ka sugaysaa.

 -Allaa mahadleh-

By, Daahir Caraale

Hargeysa , S/land