Maalinta Qarannimada Jam. Somaliland 18-ka May & SHANTA QAARADOOD

Mahad oo dhammi waxay u sugnaatay Rabbigeenna Weyn ee inaga dhigay dad Muslim ah ee weliba inaga dhaliyey ummadda aynu nahay ee Jam. Somaliland. Xuska 23 guurada maalinta Qarannimada JSL waxaan hambalyo iyo bogaadin baaaxad leh u dirayaa dhammaanba ummadda Sharafta iyo Karaamada leh ee Jam. Somaliland, gudaha dalka iyo daafaha duniba, taasoo aan ugu hambalyeynayo sida dadnimada iyo dal-jacaylkuba ku dheehanyahay ee ay u xurmeeyaan una weyneeyaan maalinta Qarannimadeena ee 18-ka May. Waxaan Ummadda Jam. Somaliland meel kasta oo ay joogaanba ugu baaqayaa inaynu furitaanka Xaflad kastaba ugu ducayno Qarankeena iyo dadkii naftooda u huray.

Muwaadin, waxa ah dhacdo caajaa’ib ah habka iyo qaabka ummadda Jam. Somaliland ay u xusaan una xurmeeyaan maalinta Qarannimada ee 18-ka May taasoo ayna cidna la wadaagin oo ay gebi ahaanba kaga duwan yihiin ummadaha kale. Bal u u fiirso muwaadin, ummadda Jam. Somaliland waa ummadda keliya ee awoodda u leh inay maalinta qarannimadooda uga dabaal-degaan SHANTAQAARADOOD ee Dunidu ka kooban tahay!! Arrintani waxay ka dhigtay 18-ka May inay noqoto dhacdo ummadeed oo caalami ah (Worldwide National Event).Tusaale ahaan sannadkan 2013-kii waxaa qabsoomay in ka badan 70 xafladood oo looga dabbaal-degayo laguna xusayo 18-ka May, kuwaasoo ka dhacay in ka badan 48 dal oo ku yaal daafaha dunida oo dhan:

Africa:           Somaliland, Djibouti, Ethiopia, Sudan, South Sudan, Senegal, Ghana, Uganda, Kenya, Tanzania, Zambia, South Africa iyo Egypt & Somalia (for the 2nd time!!!).

Asia:             Malaysia, Indonesia, Philipine, China, India, Pakistan, Turkey,

                      Saudi Arabia, Kwait, Qadar, UAE, Bahrain, Yemen.

Europe:      UK, Republic of Ireland, Portugal, Spain, France, Belgium, Holland, Germany, Switzerland, Austria, Italy, Ukarain, Malta, Finland, Norway, Sweden iyo Denemark.

North America:            USA iyo Canada

Autralia & New Zealand:  Australia iyo New Zealand.

 

Haddaba, awoodda iyo kartida intaa leeg ee ummad iyo dal aanay dunidu weli aqoonsani ay u leeyihiin inay maalinta qarannimadooda sidaa u weyneeyaan waa arrin muujinaysa Kartida, Talo-wadaaga iyo Tayada sare ee ay leeyihiin ummadda Jam. Somaliland taasoo u suurto gelin karta inay qabsadaan wax kasta oo ay u dhaqaaqaandan oo ay moodaanba.

 

Dhinaca kale, ha noqoto u diyaar-garawga, abaabulka, isku duba ridka iyo kharashka ku baxaya xuska maalinta Qarannimada ee 18-ka May, ma jirto cid ka caawisa ama ka taageerta ee dhammaanba iyaga ayaa bixiya. Ku darsoo weliba, mudnaanta iyo karaamada ay leedahay maalinta 18-ka May waxa ka markhaati ah waa maalin waxtar iyo dhaqaale badanba laga helo gudaha dalka iyo dibaddiisaba, oo xataa ummadaha kale ee aan Somaliland u dhalani ay ka si dadban iyo si toos ahba uga faa’iidaan.

Tusaale ahaan waxaa suuq xaamiya leh iibka astaanta Calanka, dharka kala duwan rag iyo haweenba ee ay ku xardhan yihiin astaamaha qaranka, maabka dalka, renjiga (casaan, caddaan iyo doog), warqadaha lagu dhejiyo baabuurta iyo gidaarrada (stickers), renjiga saddexda midab ah ee wejiga la mariyo, madbacadaha iyo xarumaha wax lagu daabaco iyo waxyaabo kale oo badan.

Sidoo kale, meel kasta oo ay tahayba, waxa iyaguna suuq aad u weyn leh baabuurta iyo basaska la kiraysto, Hoteellada iyo Hoolalka (Party Halls) xafladaha lagu qabto, meelaha haweenka iyo habluhu isku qurxiyaan. Xuska Maalinta Qarannimada Jam. Somaliland ee 18-ka May waxaa kobca suugaanta iyo hal-abuurnimada oo heeso, gabayo iyo geeraaroba ay abwaanadu u hibeeyaan maalintan qiimaha leh. Waxa iyaguna daba-qabsi noqda heesaaga, codeeyaha, kuwa muusiga tuma iyo inta ku xeeran.

Ha ka tegin, warbaahinta nooc kasta oo ay tahay 18-ka May (dhawr cisho ka hor iyo ka dib-ba) waxay u tahay fursad dahabi ah oo ay dhaqaale badan ka helaan, kuna muujiyaan kartida iyo xirfaddooda warbaahineed. Ugu dambayntii, shirkadaha telefoonnada ayaa iyaguna hela suuq wanaagsan maadaama uu isticmaalka telefoonnadu kor u kaco (gudaha dalka iyo dibeddaba).

Ummadda awoodda intaa leeg leh ee maalinta qarannimadooda dunida oo dhan uga dabaal-degaya, fikir ahaan waxaan aaminsanahay inaanu aqoonsigu waxbaba kala maqnayn, mar haddii ay iyagu isku aqoonsan yihiin inay yihiin Qaran iyo Ummad jirta oo la yidhaa JAMHUURIYADDA SOMALILAND.

 

TALO SOO JEEDIN:

Muwaadiniinta sharafta iga mudan, garanay oo is hoga tusaaleynay inay ummadda Jam. Somaliland ay yihiin ummaddaa leh awoodda intaa leeg ee suurto gelisay inay Shanta Qaaradoodba uga debaal-degaan maalinta Qarannimada. Haddaba miyaanay habboonay in awoodda intaa leeg si kalena looga faa’iideysto oo fikirka loo bedelo ficil oo loo jeesto dib u dhiska dalka hooyo oo loo wada dhan yahay. Haddaba, fikirkayga iyo aragtidayda qof ahaan, waxaan talo ahaan u soo jeedin lahaa in sannad walba 18-ka May ka hor, shanta qaaradood laga abaabulo saddex (3) maalmood oo kala duwan (tusaale ahaan 3-dii biloodba mar) oo loogu magac daro Maalmaha Waxtarka iyo Taageerada Qaranka Jam. Somaliland, sida tusaale ahaan:

 

Maalinta taageerada Waddooyinka Dalka

Maalinta taageerada Waxbarashada JSL,

Maalinta teegeerada Caafimaadka JSL,

Maalinta taageerada Ciidamada iyo Naafada Qaranka JSL.

(Ama wixii kale ee kolba la isla af-garto)

 

Ogsoonow muwaadin, sida xuska 18-ka May oo kale, ka qayb qaadashada waxtarka dalkaagu waa arrin kugu waajib ah meel kasta oo aad dunida ka joogtaba, aakhiro iyo adduunkana waxtar kuu leh.

 

ALLAA MAHAD IYO MUDNAANBA LEH,

 

Wa Billaahi Tawfiiq, Somaliland Guul iyo Horumar

 

By Architectural-Eng Hussein Adan Igeh |Hussein Deyr| | Birmingham UK|