Ma Xukuumaddaa, Ma Xeer-dejintaa, Ma Xirsi baa, Mise waa Xisbiyada? – W/Q. Garyaqaan Barkhad Jaamac Xirsi

BarkhadWaa su’aal ka mid ah su’aalaha ugu waaweyn ee toddobaadkan aynu ku jirno iyo kii ka horreeyey la isku weydiinayo madalaha ay bulshadu ku kulanto, haddii ay tahay makhaayadaha,

marfishyada, meheradaha iyo miisaska barlamaanka. Dhanka kalena waxaa si weyn araarahooda iyo aragtiyahooda isku dhaafsanayey saxaafadda iyo barta ay bulshadu inta badan  ku kulanto ee internet-ka in ka badan kumannaan ruux oo u badan dhalinyarada reer Somaliland, kuwaas oo ku niqaashayey khilaafka ka taagan golaha baarlamaanka Somaliland oo qof kastaba dhan gaar ah iska taagay.

Waxaan haddaba jecleystay inaan is dul taago bulshadana u iftiimiyo su’aasha jawaabteeda oo kooban kuna dhisan aragti sharci kana dheer mid shaqsi, sharci markaan leeyahayana ma adeegsanayo xeerar balse waxaan soo qaadanayaa qodobbo Distoori ah oo ku jira Distoorka Jamhuuriyadda Somaliland maadaama uu uu distoorku yahay xeerka ugu sareeya dalka marka laga imaado shareecadeenna suubban.

Waa qeyb kamid ah sunnada nolosha inuu jiro khilaaf markasta, kuna yimaaddo dhanka awood qeybisiga, adduun qeybsiga, aqoon qeybisga iyo waliba aragtid qeybsiga. Mar kasta oo uu khilaaf imaadana waxaa hubinti ah in la helo khad lagaga baxo laguna xalliyo khilaafkaas. Haddaba aan ku horeeyo xukuumadda iyo xanteeda xallinta khilaafka baarlamaanka.

Dhib kasta oo dhacda cida masuuliyaddeeda madaxa loo saaraa waa xukuumadda hadba markaas talada waddanka gacanta ku haysa iyo cidda hoggaaminteeda wadda. Xukuumadda waxaa waajib weyni ka saaran yahay Ilaalinta ammaanka waddanka, xuduudaha dalka, daryeelka bulshada; sida adeegga ilaheeda aasaasiga u ah noloshooda oo ay ka mid yihiin caafimaadka, dhaqaalaha, Waxbarashada, Waddooyinka, biyaha, beeraha, badaha, ilaalinta kheyraadka guud ee dalka.

Faa’iido ugu jirtaa khilaafka Barlamaanka xukuumadda horta ma jirto – wax aan culeys iyo ciil aheyn –mana faro galin karto, awoodna uma laha faragalinta arrimaha baarlamaanka, sida uu dhigayo distoorka dalku Madaxweyne Siilaanyo na ka sheegay madaarka Hargeysa kadib markii uu ka soo laabtey safar uu ku tagay dalka England, mar uu la hadlayey saxaafadda Somaliland doorka xukuumadduna waa xal u helida khilaaf kasta oo dalka soo wajaha milgaheeda iyo masuuliyaddeedana maaha hurinta dhib aan loo baahneyn.

Dhanka xeer dejinta ama baarlamaanka dabcan anigoon cidna si gaar ah u dhaliileyn waxaan shaqsiyan la yaabaa markaan saxaafadda ka maqlo qaar ka tirsan xildhibaannada golaha wakiillada oo aan u hayo ixtiraam iyo qadarin badan balse aan dhibso mararka qaar hadalladooda isna waydiiyo xildhibaannadu maaney aqoon u laheyn shuruucda ay ummadda u dejinyaan iyo distoorka waddanka? Iyaga oo  dhanka xukuumadda si gaar ahna farta ugu fiiqa in khilaafka ka aloosan golahooda daba ay ka riixayso xukuumaddu!

Baarlamaanku waa golaha matala am ka wakiilka ah Bulshada Somaliland oo dhan waxaaney leeyihiin awoodo badan oo uu siiyey distoorku sida uu dhigayo qodobka 53aad oo ka hadlaya awoodaha iyo waajibaadka golaha wakiillada.

Isla qodobka 37aad ee Distoorka firqadiisa 2aad ayaa sheegaysa madaxbannaanida uu siiyey barlamaanka distoorku iyada oo firqadaasi 2aad leedahay:

Dhismaha Qaranku wuxu ka kooban yahay saddex waaxood oo kala ah: Xeer-dejinta, fulinta iyo garsoorka. Kala xadeynta awoodaha saddexda waaxood waxay noqon doonaan sida distoorku dhigayo iney waax waliba u madax banmaan tahay awoodda distoorku u gaar yeelay.

Waxaynu qodobkan ka fahmeynaa madax bannaanida uu distoorku kala siiyey sadexda waaxood ee qaranku ka kooban yahay sida Baarlamaanka, Xukuumadda iyo Garsoorka kuwaas oo midna mida kale aanu si sahlan u faro gashan Karin hawlihiisa qarank uu u hayo ilaa duruufo gaar ah oo reeban mooye.

Marka ay haddaba sidaas tahay waxaa nusqaan ku ah xildhibaanada qaarkood iney yidhaahdaan xukuumadda ayaa faraha kula jirta baarlamaanka balse aaney arkeyn awoodooda distooriga ah iyo madaxbanaanida uu hayso barlamaanku.

Xirsi waxaa uu kamid yahay golaha wasiirada xukuumadda waxaanu sidoo kale caan ku yahay canaanta ficil kasta oo ka dhaca dalka iyada oo si gaar ah loogu badhtilmaameedsado waxyaabaha dhaawaca ku ah xukuumadda iyo khaladaadka ka dhaca hawlaha maamul ee maalinkasta la fuliyo balse aan marnaba lagu xasuusan horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha waddanka ee uu gacanta ku hayo iyada oo aanad arkeynba cid si gaar ah ugu ammaaneysa dhalan gaddiska ka muuqda waddooyinka dalka ee halbowlaha u ah isku xidhka waddanka iyo kor u qaadista dhaqaalaha waddanka, sidoo kalena muuqaalka qasriga madaxtooyada oo ah muraayadda waddanka isla markaana uu ka yahay masuulka uu madaxweynuhu u igmaday wanaaga ka muuqda. Waxaan u arkaa inuu yahay qof fir fircoon oo shaqadiisi qaranka uu u hayey intii tamar iyo taagi dhigteyba wada balse aan ku haysan amaanteedii iyo ammaankeedi waxaana canaanta badan iska leh masuuliyada ama kursiga oo ah dhinbiil naar ah.

Xubnaha leh Xirsibaa ka danbeeyey khilaafka barlamaankana waxaan leeyahay Xirsi waa wasiir kamid ah wasiirrada xukuumadda ee xilkooda gudanaya balse idinka Ayaan idin dhaafi awoodda distooriga ah ee uu khalkhalka ku galinyo baarlamanka barta uu distoorku ugu qoray ee uu ku idhi Xirsi ayaa ayaa xaq u leh farogalinta barlamaanka?

Ugu danbeyntii waxa cad oo marag madoonto ah in xilaafka ka taagan baarlamanku yahay mid dhexdooda ah oo aan xukumad iyo Xirsi toona shaqo ku laheyn balse ay tahay mid ku kooban xildhibaannada golaha baarlamaanka oo ay jiraan masaalix xisbiyada dhexdooda ah maadaama oo xildhibaan kastaba ka imid xisbi xukuumadda iyo xisbiguna waa 2 kala duwan sida uu distoorku dhigayo.

Xalkuna kuma jiro in 2ba dhinac oo golaha kamid ah guddi loo saaro balse waxaa uu xalku yahay in loo yeedho guddi dhex dhexaad ahna loo sameeyo khilaafkan baarlamanka maadaama oo ay iga gudahooda xalki xalinta khilaafkooda waayeen haayadaha kala:

1.     Golaha Culimada Waddanka oo distoorku qeexayo balse aan sameysnayn jiraana culimo badan oo muxtarim ah kalmadoodana la dhageysanayo

2.    Akademiga Nabadda iyo Horumarka

3.    Mahadka Xalinta Khilaafaadka Jaamacadda Hargeisa

4.    Dalladda ururrada dhalinyarada Sonyo

5.    Dalladda Ururrada aan dawliga aheyn

6.    Salaadiinta Waddanka

7.    Ururka Qareennada Somaliland

8.    Ururka Suxufiyiinta Somaliland

9.    Akademiga Horumarka Bulshada laga tiradan badan yahay

10.  Golaha Guurtida Somaliland oo kaashanaya Madaxweynaha Qaranka maadaa oo uu yahay xubinta ugu sareysa waddanka.

Alla Mahad leh.

Somaliland Guul iyo Gobonimo

Haldoor, Barkhad Jaamac Xirsi Batuun

Email: barkhad909@live.com