Ma xor baad tahay mise xayirane?

Adoonsi iyo adoonimo waxey si cad oo aan caad saarneyn u jireen wakhtiyadii hore ee lasoo dhaafay, imika way tirtirmeen oo wax aad odhanaysid waa hebel adoonkiisi amaba adoontiisi majirto oo sheekona kuma maqal shaahidna kuma arag suuq lagu kala gato adoomaha wakhti xaadirkan oo laysla aqoonsanyahay way dhacdaa in suuq madaw jiro.

Taa badelkeeda waxa yimi adoonsi siyaasadeysan oo aanay duulbadani dhaadaneyn, qaaradiba qaaradbay adoonsata amaba guumeysataa, wadanba wadanbuu adoonsadaa, qofba qofbuu adoonsadaa, miyaad yaabtey aankuu faahfaahiyee bal hadda u fiirso oo bal adna ka dheego inaad ciduun u xidhantahay.

Asalkeedaba aadamuhu wuxuu dhashaa isagoo xor ah balse deegaanka ku gadaaman ayaa ka dhiga mid la adoonsado/guumeysto amaba isagu wax adoonsada/guumeysta, waxa laysku adeegsada maskax iyo qorshe dadka quluubtooda, caqliyadooda iyo jidhkoodaba lagu hanto ilaa ay gaadhay heer aad amarada kasoo baxaya hadba cida aad u xadhko xidhantahay aad ugu dhago nuglaatid.

Aduunyada horumartey sida ay ku andacoonayaan weeyaane, waxey guud ahaanba saameyeeen aduunyooyinka saddexaad amaba wadamadda soo koraya waa siday iyagu wax ukala qaad qaadane waxey usameysteen godad badan oo ay subixii mudh soo yidhaahdaba kasoo abaabulaan kagana baqaan wixii ay doonistoodu tahay. Waxey maxkamadeeyaan madaxdooda waa dunida saddexaade, kii kayara leexda ujeedadoodana xabsiyabay u taxaabaan, waxey ay yagleeleen barnaamijyo iyo aalado cidaa iyo camaarka ka badan oo qofka ka ilaalinaya inuu maskaxdiisa ka shaqaysiiyo tusaale dhalinyartii waxa kala goostey kubbad, faceboog, whatsapp, musalsalo, filimaan iyo taar-gacmeedka looyaqaan xariifka (Smart-Phones) oo aan marnaba fooda laga qaadeyn cajaaib!!! waa heer ay gaadheene waxba yaanan ku fogaan duulkaase aan ujeedada abaaro.

Waxa foolxumo iyo wax laga wiswiso ah in aad u rarnaato amaba aad dabaqableeye u ahaato ruux kale oo kula siman oo maskaxdaadi iyo jihadaadiiba isagu gacanta ku dhigay oo sidii uu rimuud kugu wadwado ama kombiyuuter wax lagu shubtay hadba siduu doono iyo dhankuu doono kuu leexleexsado, markaan taa leeyahay uma jeedo in gabi ahaanba in aanay habooneyn in qof aad la aragti noqoto, oo halka aad mabda,aaga u garato inaad ku hirgalineysid haybtiisa inad raadiso way kula gudboontahay.

Waa inaad xor u ahaata cid aad dooranaysid iyo cida aad diidaysid, maankana aad ku haysaa sidii aad ugaadhi laheyd hankaaga, afkaaguna waa inuu intaanu wax aanad kasoo kabsan ku dhawaaqin aad ka fiirsata waxkasta oo uu ereyga afkaaga dhaafayaa ku jihaysanyahay iyo xikmada u xambaarsanyahay ileen watii horeba laynooga digey midhaase “hadal afdhaafey albaab dhaaf” oo daaraduu doonu iyo kambal doonu ka caweynayaaye.

 

Qalinkii Hibo Ciise Maxamed (basbaaso)

hibafaakhir@gmail.com