Maansadan uu magaceedu yahay “Hal-door”, waxa curiyay Siciid Maxamuud Gahayr “Hargeysaawi”, waxaanay soo baxday 13/06/2011. Siciid waxa uu si mug iyo miisaan leh u akhriyay gabay uu magaciisu yahay “Hal-maal” oo uu Allifay Abwaan Maxamed Aw Cali Cartan “Hal-deeq”, oo ka warramaya halgankii dib-u-xoreynta qaran ee ay SNM hormoodka ka ahayd oo uu Hal-deeq allifay xilli la sheegay in SNM laga saarayo manhajka waxbarashada Somaliland. Gabayga Hal-maal waxa ku suntan magacyada in ka badan 70 ka mid ah mujaahidiintii ugu caansanayd, horseedkana ka ahayd SNM oo isugu jira siyaasiyiin, saraakiil milatari, abwaanno, madax-dhaqameed iyo heesaa. Waxa kale oo ku ladhan dhacdooyin iyo gobo muhiima oo ku ladhan halkan SNM. Isaga oo Abwaanku la yaabay ka saarinta manhajka xusayana muhiimadda taariikhda.
Siciid kolkii uu gabaygaas akhriyay waxa ay la noqotay in uu bogaadiyo Abwaan Maxamed Aw Cali Cartan “Hal-deeq”, oo allifay gabay taarikhi ah iyo in uu xuso dhacdooyin xus leh hal-door badan oo isugu jira Siyaasiyiin, Guurti, Suldaanno, Aqoonyahanno, Ganacsato, Suxufiyiin, Abwaanno, Qoraayo, Haween, Ganacsadeyaal, Ururro iyo askhaas uu u arkay in ay Somaliland u qabteen dhacdooyin mudan in taariikdu xusto, oo aan gabaygaa ku xusnayn. Hal-doorkaas oo isugu jiraa kuwo nool iyo kuwo geeriyooday, oo kala noolaa qarniyadii 19aad, 20aad iyo 21aad ee Miilaadiga. Ugu Dambayn, Siciid waxa uu xusayaa in aan marnaba bulshada iyo taariikhdu illaawi doonin halyeeyga u hagar-baxa ciidda hooyo. Toloow ma laga yaabaa inay meelo badan iska waafaqaan tixdaas Hal-door iyo natiijada ka soo baxda barnaamijka Qiimee Qofkaaga oo cidda ku guuleysata loo aqoonsanayo Hal-door? Waa la eegi haddii Alle idmo.
Maansada Hal-door waa tan:
Sooyaalku wax buu hufaa’e
Dhacdaba magac baa ka hadha’e
Dadkuna kala haybad roone
Haddiyo qudhu way baxdaaye
Hadduu ifka xay ku noolyay
Amay ajashiisu haaddo
Halyeegu xusuus leh gaara
Qofkaan hagran ciidda hooyo
Bulshadu ma halmaanto goorna
Hal-maal waa gabay mug weyn leh
Halyeeyo muclaa ku duuggan
Kolkiii halgankee dagaalka
SNM heeryada ka maagtay
Raggii heersare ka gaadhay
Hoggaanka siyaasaddeeda
Hujuum iyo weerar loollan
Ma-jeeste hayaamay duurka
Hormoodka abwaan gabyaayay
Hantida faxalkii ku kaabay
Intii hinjiseen hadh joogsan
Habeenkana seexdan wayday
Markaan halacsaday tixdaada
Garaadku wuxuu higgaadshay
In aan hambalyiyo salaamo
Hal-deeq kuman goor bogaadin
Ku saaro hu’gii sharfeede
Hal-doorkan gardaardshay uunka
Intuu ka haleelo maanku
Halmaal ku labee boggiisa
Hilaad qarnigii la dhaafay
Midkii kaba sii horreeyay
Markuu hungureeyay ciiddan
Heshiis ingiriis dabraaya
Hoggaan dhaqan baa badweynta
Hargaha kaga guud saxeexay
In Diiriyeyaal harqoodka
Markay hakiyeen Jasiirad
Xabsiga u hoydaay la seexshay
In Faarax caddaan huleeshay
Intuu hadafkiisa qeexay
Hagoogta warkii ka qaaday
Bashiir hadhcad weerar gaalka
Xaraama-cunii hilaadda
Sidii hilib laysu boobay
Jugtii Herer dhiig dareeray
Hormood Madar baa nabdeeyay
Tacliin Maxamuud u hawlgal
Aqoon u hillaaci maanka
Walaw xinjir looga hoorshay
Hirkii Qabillaan ka baaqan
Dadkana himir iyo naq siiyay
Higsiga libintaan yaraanin
Hirgeli Guuleed cammuudna
Runtii Mahad baa ah hawlkar
Halkeer dugsiguu bilaabay
Sidii haro loogu doolo
Harraad ardaydii ka biiyay
Halyeeygu xusuus leh gaara
Qofka hagran ciidda hooyo
Bulshadu ma halmaanto goorna
Hal-doorka gardaadshay uunka
Intuu ka haleelo maanku
Hal-maal ku labee boggiisa
Hawaa lixdankii na qaadday
Hashii milaygii u fooftay
Dhul aan hiddaheedu oollin
Garaad “hakiyaay” ku dooday
N.U.F hubsiimo yeedhay
Hoggaanka sarkaal an leennay
Qacdii derej hoos la geeyay
Mid aan khibrad haybsannayna
Hu’gii xiddigaha la saaray
Raggii hammigoodu keenay
Haleelada loo sinnaaye
Hadhuubka bah ay dhamayso
Inaan halacsiga la fiirin
Ku biimay halaag af-tuura
Kongii han-yaraanta diiday
Lugooyo halsaa badheedhay
Hortaba Xasan-Kayd guddooma
UFAA hanaqeen ku taalla
Dhulkeenna kolkii habsaanka
Hagaas la qorsheeyay reeba
Aqoonyahan horuumarkeenna
Waysiyo u biyaystay haanta
Kolkii hanjabaadda toogad
Hulluuqin garsoor dhawaaqay
Hubkaan gurtay baan qarsoomin
Cismaan iyo, Baashe heellan
Baruud iyo Madar halyeey dhe
Halyeeygu xusuus leh gaara
Qofkaan hagran ciidda hooyo
Bulshadu ma halmaanto goorna
Hal-doorka gardaadshay uunka
Intuu ka haleelo maanku
Hal-maal ku labee boggiisa
Markii Burco lagu heshiiyay
Inaan hanaqaad dhaqaaqno
Ammaan ma huraan ahaaye
Dadkeennu inuu is heero
Inay holcamaan colaado
Halbawle inaan is-goyno
Rabbaa u hanuunshay guurti
Hafeefta rasaas bakhtiisa
Ibraahin halkiisa buuxi
Hagaag taladeed ma seegin
Cabdaa hiirtiyo allayka
Hubkaa dhiga noogu waanshay
Garaadki horseed nabdaynta
Heshiisyo samee badbaado
Si aan haqab-beel ku taamno
Aw Muuse dabiib hurguunka
In hoos qabaw lagu negaado
Suldaan hanad Maxamed Faarax
Hanaayo nacaybka kow gal
Hub-dhigid wuu ugu horreeyay
Xoraynta hal sheeggan gaysay
Ergayn hidi oo dedaalna
Suldaan Cabdi baa halyeey ah
Hanfiga uga joogsan khayrka
Inaan hirdannoon is-layno
Gadaalna in loo hijroodo
Saleeban horjoogsay aafo
U haadi gacmaa rug doog leh
Go’aan u habboonna qaaday
Halyeeygu xusuus leh gaara
Qofkaan hagran ciidda hooyo
Bulshadu ma halmaanto goorna
Hal-doorka gardaadshay uunka
Intuu ka haleelo maanku
Hal-maal ku labee boggiisa
Dalkeenna hal-door siyaasi
Halyeey hagayaa tisqaadshay
Habayn qaramaynta ciidan
Dadkoo hal ah oo midooba
Hantida lacagteenna khaasa
Cigaal hinji oo abaabul
Inaan hog ku aasno guusha
Rayaale hankii ka weecay
Markii Awdal lagu hadlaayay
Hannaynta Cartaa jideeyay
Halkuu ka masuulyay jeerba
Hubaal Cali baa ka muuqday
In uu hal-adayg lahaado
In haayad xisaab la taago
Ammaan Sanyaraa ku hosystay
Aqoonsi inaan haleelno
Hir dheer u dul fuul Siciidki
Hoseeg Fagadhaa ka giigay
Marnaba ka hollodin dalkiisa
Qacdii xilka loo hibeeyay
Hab fiican Ramaax ku caan bax
Higtii birta gaadhi hooyay
Markuu weriyuhu higaadshay
Huq iyo naxdin baanu jaarnay
Haddiisa ayaa idlayde
Caluu hodo Eebbe saaray
Halkeer sixid Dawlad Hoose
Jiciiryo Xuseen hannaan dhig
Komiishan rag baa habeeyay
Rag baa hadimada ka leexday
In Ciise halyey yay loo qir
Rashiid himilKeen wanaaji
Difaac jara haan shisheeye
Muwaadinka heego geeya
U heegan shirqool cid qooli
Hurdada ku ledaay na seexshay
Markay hirigtahay dhan raacin
Tiraan la helaynin koobta
Horseedkiyo Nuuxna ii qor
Hanuun Culimaa u taagan
Yatiin huqda uu ka biiyay
Intuu hiil fidiyay Geeddi
Intuu masjid Haadi taagay
Isheennu halaalac dhawrtay
Sidii hayinkuu u qaaday
Baxnaanshay dar hayntu wiiqday
Hawl iyo hadal toosinoo san
Haddaan daljir Aadan siiyo
Waddani hambalyuu i leeyay
xaquu Dirir “haa” ku qeexay
Intuu Haaruun caddeeyay
Intuu Almis hoga-tusaayo
Gobtiyo Berberaawi halista
Halsaa intixaar fadwooday
Halyeeygu xusuus leh gaara
Qofkaan hagran ciidda hooyo
Bulshadu ma halmaanto goorna
Hal-doorka gardaadshay uunka
Intuu ka haleelo maanku
Hal-maal ku labee boggiisa
Tixdiyo hal-abuurka maanso
Horfule qalin-maal ah diirran
Horscod badan baanu leennay
Cigaa hadimada sharaystay
Harraati labkoon cid heerin
Halyeey qarankeen u hiishay
Hoggiisu cadda dheh Muumin
Inaan horor loo ciyaarin
Hawraar waddanoo dareen leh
Hun uunka habaabsha laalid
Abwaan Barkhad loogu hay xus
In aan habrashada gumeyste
Halkuu rabo loola aadin
In aan kufri loo hadaaqin
Langadhe cadaw baa ku hiifay
Inaan heensaha qabiilka
Marnaba lagu haybsan yoolka
Hillaab Cabdillaahi fayday
Habkii farta loo dhigaayo
Hummaaga ekeyn qurxoon leh
Galaal habigiisu keenay
Qallooc hubiyaay waxsheegga
Hawaal-warran waayo maanso
Mar waa halgamaa cajiiba
Kol waa qalin-maal hufnaan leh
barbaar hilin buu u jeexay
Haddeerto asteeyay Boobe
Dhab Jaamac qoraa hareergal
RED SEA hammigay kor yeeshay
Warbaahin kol uu ka hiisho
Hawraarta maqaal gargaara
Jamaal diric weeye hoo leh
Hilfaa hangash buu u laabay
In aan u hadaafno gooni
Abwaan Canbalaash u hayb ah
Halaanhal buraanbur jiifto
Hayaay Faadumo digniin leh
Halyeeygu xusuus leh gaara
Qofkaan hagran ciidda hooyo
Bulshadu ma halmaanto goorna
Hal-doorka gardaadshay uunka
Intuu ka haleelo maanku
Hal-maal ku labee boggiisa
Haween waxtarlaanu leennay
Hayaan dhinacooda giijay
Cusbital huqda lagu daweeyo
Ednaa hindisiha ku keentay
Hargeysiyo Jaamacaadka
Haddeer Foosiya xarriiqa
Berbera cilmi lagu habaayo
Barbaar hibaloo la muujo
Hantaaq dibadyaal la ciidmo
Hormoodnimo Faadumaa leh
Daryeelka dhallaan hantaaqan
Suhuuri hubaal u doodday
Habayn bandhig loo han waynyay
Horseedka Ayaan Cashuur dhe
Markuu dal-sankii hiqleeyay
Halaagga dhirteenna gaabshay
Degaan Shukri baa u hiil ah
Agoon hagardaamo gaadhay
Dhis hooy Weris baw yagleeshay
Milgaan samo hiifin goorna
Halyeeygu xusuus leh gaara
Qofkaan hagran ciidda hooyo
Bulshadu ma halmaanto goorna
Hal-doorka gardaadshay uunka
Intuu ka haleelo maanku
Hal-maal ku labee boggiisa
Hantina Rabbibaa na siiyay
Markay horumarin ahaato
Hab wacan Dahabshiil tilmaaman
haadyada waddadiyo dhiskooda
Telsoom dan guud u heellan
Cabdaan hal-qabsaday samaanta
Cismaan Geellaha Hargeysa
Holkiyo dhisay Jaamacaadka
Hoyaay amintii Biriishka
Hantida Oomaarki dhiibay
Hirgelin Axmedbaa u ciidmay
Run khayr Baxsanaa horyaala
Hal-muceed Khadar baa kalkaasha