MA KULMIYE MISE KA-LUMIYE?

Ma kulmiyay kulmiye balanqaadadii uu shacabka u samaynayay wakhtigii doorashada? Ma kulmiyay kulmiye guud ahaanba umaddii reer Soomaalilaand oo ma ka dhigay mid qudha? Mise shantii sanno ee ay xukuumadda xisbigani layliyaysay talada iyo maamulka shacabweynaha Soomaalilan waxay ahayd shan sanno oo ka luntay guud ahaanba dalka iyo dadka reer Soomaalilaan!

Xisbi siyaasadeedka talada dalka haya ee Kulmiye waa xisbi ka mid ah axsaabtii siyaasadda ee foolaadka u ahaa gundhiga iyo samaysanka xisbiyo qaran oo ku yimid hab dimuqraadi ah taas oo ay ururo badani tartan u wada galeen sidii ay u noqon lahaayeen xisbiyo qaran. Waa xisbi siyaasadeed fac weyn, inta hadda xisbiyo ka jirta Somaliland oo ah saddex ururna waa xisbi ka mid ah kuwii la sameeyay 2002dii.

Xisbiga kulmiye waxa uu ahaa xisbi kasbaday rabitaankii iyo doonistii tiro badan oo shacabka Soomaalilaan ka mid ah kuwaas oo codadkooda kusoo saaray xisbigan, una suurtogeliyay Alle ka sokow inuu hogaamiyo talada dalka. Samaysankii xisbiyada siyaasada Somaliland iyo xisbiga kulmiye oo aynu soo tibaaxnay inuu xisbi ilaa waagaas shaqaynayay ahaa, bal aan is weydiino maxay dadka reer Somaliland ugu codeeyeen xisbiga Kulmiye doorashadii la galay sannadkii 2010kii? Doorashadaas oo xisbiga uu murashax madaxweyne ka ahaa Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ilaa hadda ah madaxweynaha dalkan Somaliland, murashax ku xigeena uu ka ahaa Mudane Cabdiraxmaan Ismaaciil (Saylici) oo isna haatan ah madaxweyne ku xigeenka Somaliland.

Marka laga yimaado nidaamka beelaysan ee ay ku salaysan tahay doorashada iyo habkeena codbixineedba, waxa marag ma doon ah in xisbiga Kulmiye watay buug uu kusoo qoray barnaamijka iyo siyaasadda uu xisbiga Kulmiye ku hagi doono dalka iyo meelaha u qorshaysan inuu wax ka qabtaba.

Hadaba iyada oo aannuu waxqabadka ay xisbigan iyo xukuumadiisu ku hadaaqdaa ahayn kaliya nabad lagu naaloodo iyo ammaan uu Alle inagu galaday oo ay u haystaan inay iyagu dhaliyeen, ayaa waxaan waxogaa ka tibaaxi doonnaa ma fulisay xukuumadii ka dhalatay xisbiganni waxyaabihii ay balanqaadayeen masuuliyiintiisu wakhtigii ololaha doorashada lagu jiray ee ku qornaa buuggii xisbiga ama ay fagaarayaasha kaga beerlaxawsanayeen shacbiga? Mase ka jawaabeen baahiyo badan oo ay dadku ka rajaynayeen wax ka qabashadooda?

Madaxweynaha Soomaalilaan ayaa mar uu labada gole ka hor jeedinayay khudbad sannadeedkii 2012 waxa uu yidhi:

“Ballanqaadyadaa fulintooda waxaanu u soo kala horreeysiinay sidii ay u kala muhiimsanaayeen ee ay baahida dalku ahayd ,isla-markaa ay awooddu dhaqaale inoo saamaxaysay, waxaanan idiin sheegayaa in balanqaadyadaa 85% kaa mid ahi qabsoomeen, oo ay sidii loogu talo galay u fuleen, halka 10% gacanta lagu hayo oo aanu ku rajo weynnahay inay maalmaha soo socda dhammaadaan 5% keliya ayaan filaynaa waxa aan noo qabsoomin ku talogalkayagii.”

Madaxweynaha Soomaalilaan ayaa mar uu labada gole ka hor jeedinayay khudbad sannadeedkii 2014 waxa uu yidhi:

“Ballanqaadkayagii iyo Barnaamijkii Siyaasadeed fulintooda waxaanu u soo kala horreeysiinay sidii ay u kala muhiimsanaayeen ee ay baahida dalku ahayd, isla-markaa ay awoodda dhaqaale inoo saamaxaysay. Waxaanan idiin sheegayaa in balanqadayadaa qiyaas ahaan %85 ka mid ahi qabsoomeen, oo ay sidii loogu talo galay u fuleen, halka %12 gacanta lagu hayo oo aanu ku rajo weynnahay inay maalmaha soo socda dhammaadaan, %3 keliya ayaan filaynaa waxa aan noo qabsoomin ku talogalkayagii.”

Waxa ay labadaa hadal oo iyaga oo qoraal ah aan kasoo xigtay mareegta baarlamaanka Soomaalilaand ay si toosa u muujinayaan qorshe la’aanta aan qiyaasta macquulka ah ku salaysnayn ee ay xukuumadu u balan qaadayso dadka. Inkasta oo lasoo kala minguuriyay labada qoraal ama lasoo kala koobiyeeyay oo ay isku kelmado ku qoran yihiin, hadana bal u fiirso suurtogal miyay tahay sidii uu madaxweynuhu sheegay in 2012kii ay balanqaadkii xisbiga 85% qabsoomeen, 10% gacanta lagu hayay, 5% aanay qabsoomin, 2014 kii laba sanno kadibna uu madaxweynuhu isla goobtii hore kaga khudbadeeyay in balanqaadkii xisbiga ay 85% qabsoomeen, 12% gacanta lagu hayo, 3% aanay qabsoomin. Hadaba su’aasha qofka caqliga leh is weydiinayaa waxay tahay mar haddii 2012 kii waxa hadhsanaa ahaayeen balanqaadkii xisbiga 5%, labadii sanno ee ka danbeeyay ma 2% ayaa la qabtay, hadana kumay biirin inta la fuliyay oo labada jeerba waa isku mid une waxay ku biirtay labadaasi inta gacanta lagu hayo. Cajab!

Hadaba waxaan soo qaadan doonaa kaliya 10 arrimood oo u badan arrimaha bulshada, taas oo aynu eegi doono waayahooda waxqabad muddadii 5ta sanno ahayd ee masuuliyiintii kasoo baxday xisbigan loo dhaariyay hogaaminta dalka Soomaalilaan, waxaanay kala yihiin:

Caafimaadka iyo Nadaafadda
Deegaanka, xoolaha nool iyo Beeraha
Biyaha, Laydhka iyo Waxbarashada
Amaanka guud iyo nabadgelyada dadka
Dhaqaalaha iyo Maalgashiga
Wadooyinka, Ilaalinta hantida qaranka iyo Dhulka danta guud
Shaqo la’aanta, Dhalinyarada iyo Ciyaaraha
Siyaasadda arrimaha dibedda iyo Ictiraaf raadinta
Habka maamul, Saxaafadda iyo Xoriyatul qawlka
Musuqmaasuqa, Eexda iyo Qabyaaladda
Qaybaheena danbe ayaynu kusoo qaadan doonaa qodob kasta faahfaahintiisa insha Allah.

La soco qaybta labaad

Qore: Maxamed Fu’aad Xasan Dhago-cadde

Law (LLB) and Development Management