Ma-hadhooyinka Xukuumadda iyo Maalmihii Tegay – W/Q: Sayid-Maxamed Cabdilaahi ~ Qaybtii 5aad

Waa qormooyin taxane ah oo aan ku iftiimin doono ma-hadhooyinka xukuumada ee 913kii maalmood ee la soo dhaafay kuna beegay 27/januarey/2013 oo ay  laba sano iyo badh(2 ½ )jirsatay xukuumadani .

sayid-Maxamed3-Cabudhintii Saxaafada 
Waqtigii mucaaradnimada kulmiye, dabaysha isbadal doonka ahina socotay, xisbigu wuxu saaxiib dhaw la ahaa saxaafada madaxa banaan.sida uu kusoo bandhigay barnaamijkiisa siyaasadeed, Isla mar –ahaantaana uu madaxweyne siilaanyo ku qiraayo khudbad sanadeedkii u horaysay ee uu ka jeediyo labada aqal ee baarlamaanka (wakiilada iyo guurtida)
Xisbiga kulmiye waxa uu ga-rwaaqsanaa xiligaa muhimada ay saxaafadu u leedahay tisqaadka qaranimada iyo maamul wanaagga.sidoo kale dhibaatada ay leedahay marka aanay jirin warbaahin madaxbanaan oo looga qaateen ah oo si joogto ah u ilaalinaysa hab dhaqanka saraakiisha dawladda iyo siday u maaraynayaan qaranimada, waxa kale oo ay maanka ku hayeen awoodaha aan la dhayal san Karin ee warbaahinta noocyadeeda kala duwan .
Maaadaama ay warbaahintu tahay meesha laga jiheeyo afkaarta dadweynaha, waxa uu uga faa’idaystay olalihiisii doorashada, wuxuu kusoo bandhigay barnaamijkiisii, kulanadiisii iyo talaabo kasta oo hore u qaado.
1-July-2010. Maalintii lagu dhawaaqay natiijadii doorashada waxay saxaafada madaxa banaani u arkaysay in waa san u barayay laakiin hadday ka war heleen in gabal baas u dumay .afartii bilood ee u horeeyay xili xafiiseedkiisa waxa uu xidhay tafatirihii wargayska WAAHEEN, sidoo kale waxa dacwado ay ku oogeen(xukuumadu) warsidayaasha SAXAFI,STAR,OGAAl iyo YOOL, waxaa jeelasha magaalooyika Boorama,Gabilay, Gargaysa, Burco iyo Laascaanood lagu guray tiro weriyaal oo gudanayay hawl-maalmeedkooda,waxaa kaloo 14-jan-12. albaabada loo laabay oo hawada kamaqnaa saacado HCTV.
TV-gan madaxa banaani waxa keliya uu tebiyay khudbadii taariikhiga ahayd ee madaxweynihii hore Daahir Rayaale ka jeediyay xafladii xil wareejinta. Isagoo barbardhigaya dalkii midaysnaa ee loo dhiibay, iyo kadib 1 ½ sano; kala fogaanshiyaha shacbigii gacmaha is haystay iyo inta dawlad goboleed ee ka jira.
Waxay se dhimatay xoriyatul-qawlkii iyo madaxbanaanidii saxaafadu markii la dhaqan galiyay xeerka haayada siroonka qaranka oo xafiiska madaxweynuhu hagayay.
Madaxweynuhuna waxa uu ilaaway halgankii dheeraa ee ay saxaafadu la soo galeen xiliguu mucaaradka ahaa iyo siday uga hiiliyeen Daahir Rayaale.
Ninbaa beri waxa uu qabay gabadh kulul oo la odhan jiray Ina Jabali, maalintii danbaa lagu yidhi “waar heedhe gabadhan kulul iska fur” taladii ayuu qaatay oo gabadh kale ayuu guursaday, gabadhuba ka daran tii hore oo kulaylka waxaa usii dheer huguri iyo dab-shaanimo ,muddo kabacdi ayaa laweydiiyay oo layidhi “bal kawaran gabadhan cusub” markaasuu intuu madaxa is qabtay yidhi “ Ina Jabali Janno” Maanta waxaa madaxa is haya dadkii doortay iyo kuwii u hawlgalay siday siilaanyo kursiga usaari lahaayen warbaahintuna ay kamid tahay,isla mar ahaantaana u hillooba hab-maamulka xukuumadii tegtay oo leh dawladii horaa dhaantay nimankan gaagaban ee siilaanyo u dheeryahay.
Akhriste waxaan halkan kuugu soo gudbinyaa, paragraph-kii oo madaxweynuhu kaga hadlyay saxaafada khudbad iisii u horay ee ka jeediyo baarlaanka iyo qodobo kamida xeerka sirdoonka qaranka ee uu dhaqan galiyay, bal hadda dhuux isbadalka weyn eek u dhacay :

Xukuumadaydu waxay ku timi hanaan dimuqraadi ah iyo•
doorasho xor iyo xalaal ah, waxaanay mar walba
ixtiraamaysaa xuquuqda iyo xorriyaadka asaasiga ah ee
xorriyatul-qawl. Aniga waxaa igu taqaaneen in aan
marwalba difaaco xorriayadda saxaafadda iyo madax
banaanida fikirka muwaadinka. Maantana waxaan la
taaganahay oo aan dalkana ku hogaaminayaa dhaqankaas.
Waxaanu dul qaad u leenahay dhaliilaha, toosinta ah ee
naloo soo jeediyo. Hase yeeshee, saxaafadda laftigeeda
waxaa looga baahanyahay masuuliyad iyo bisayl xirfadeed.

Hadaba haddii madaxweyne siilaanyo uu ku baanayay in lagu yaqaano difaaca
saxaafada madaxa banaan iyo fikirka muwaadiniinta. Waa maxay sababta keentay inuu inuu qalinka ku duugo oo ansixiyo xeerka sirdoonka qaranka oo ku jiraan qodobo si aan gabasho lahayn u ogolaanaya cabudhinta saxaafada iyo xoriya-tul qawlka?
Waa kan mid kamida qodobada xeerkaasi: Qodabka7 aad, faqradiisa 11aad oo tilmaamaya Xilka iyo Waajibaadka Hay’adda.
La socodka qalabyada warbaahinta, qoraalada iyo meel kasta oo ay ku wajahanyihiin iyo in la hubiyo ujeedooyinka ay xanbaarsanyihiin iyo waxkasta oo ku duugan (publication press and propaganda)

Qodobkani waxa uu awood usiinayaa xubnaha haayada sirdoonka inay faaf-reeb (censorship) ku sameeyaan faafinta iyo qoraalada warbaahinta. ……..Lasoco…….

S/Maxamed C/laahi Xasan

Burco, Somaliland.

Sayidmaxamed22@gmail.com