MA DHABAA DAWLADII XAARAAME-CUNNE ICTIRAAF BAY INOO RAADINEYSAA

Nin ka mid ah dadkan Qaadka sida xooga ah u cuna oo Qaad qamax ah, baa isagoo saaxiibadii la qayilaya yidhi ” waar niman yahow markaan yaraantaydii ordo/cararo waan dheerayn jirey dee imminkana waxaan ahay 25 jir, markaas haddii aan boodhka iska tumo miyaanan ciyaaraha Olympic-ga ka qayb geli karin si aan Usain Bolt kan Jamaykaanka ah ula beratamo, oo aan anigu bilada uga qaado”. Mid ag fadhiyey baa ku yidhi horta fikirkan annagaa kaaga horeyney oo waad naga xaday, laakiin annagu waxaanu samaysanay koox kubada cagta ah oo aanu islahayn ciyaaraha koobka addunka ha uga qayb galaan Somalilland. Cajiib!

Waxaan maqli jirey “Habar fadhida legdini wax uga fudud”. Ictiraaf aynu raadsano oo beelaha addunka aynu ku biirno ma xuma, laakiin dariiqooyin loo maro bay leedahay. Ta kowaad, ummad wax wada rabta oo Axdi-Qarameed loo dhan yahay wada gasha ( Social contract) oo wax wada leh, oo waxaas ay wada leeyihiin ilaashanaya oo isku kalsoon, sow tan Kurdiyiintii Bariga ay badhkood maqan yihiin. Ta labaad, maamul ku dhisan sinnaan, cadaalad,xornimo, iyo horuumar la iska wada dhex arko, oo leh dawlad aan lahayn muusuqmaasaq, eex, iyo hantidii ummada oo la boobo. Ta saddexaad, dawlad dimuquraadi ah oo doorashada waqtigeeda u qabata si xor ah oo xalaal ah. Maaha inay beesha caalamku ay innaga bixiso boqolkiiba Shan iyo todobaatan( 75%) kharash ka aynu ku galno doorashooyinka. Ta afraad, dawlad dhaqaale ku filan leh oo aanay adduunka kale marba caawimo la dul taagneyn, imminka intii yarayd ee meesha kasoo baxdayba rag baa jeebka ku shubta, ee Eesh qiyaasak. Ma sidaas bay idiin la tahay in ictiraaf lagu helayo?

Ma laga yaabaa inay nimankaas qayilayaa ay ka fursad fiican yihiin dawladan ictiraafka raadineysa. Siday u adag tahay inaan ciyaaraha addunka looga qayb gali karin iyadoon sharuudihii ay lahayd la buuxin, bay u adag tahay in beesha caalamkana Qaranimo ahaan loogu biiri karin iyadoon sharuudihii dawladnimo laga soo bixin. Maroodi cadhoole, haddii col la sheego, cadaada-ku-meere, hashii cosob waa tan. Xukuumada Kulmiyow maad horta shilinta dabada kaaga taala iska goysid intaad ictiraafka beenta ah eryaneyso?………………..

Cali Kubad