Ma anigaa waalan mise Cadan baa laga heesayaa, Ma xukuumaddaa Koonfur ku xidhan, Mise Wall-weyntii baa inaga adkaatay?

Ma anigaa waalan mise Cadan baa laga heesayaa. Ma xukuumaddaa Koonfur ku xidhan. Mise Wall-weyntii baa inaga adkaatay? Halkay salaaddu ka xidhmi la’dahay? Ma petrol ka Norway loo saxeexay baa laynaga raacay? Ma waxa haboonayd inaynu ingiriiska u xil saarno inay petrol keena Iyo macdanteena u saxeexno inay iyagu soo saaraan bay ahayd? Ma siyaasad xumada arrimaha dibada ee dawlada ayaynu eednay? Waayo, dhowr xambaaro oo isku dhow dhow baa innagu dhacay? Ma ka maaranaa sadaqada laynagu ciqaabayo? Ma la soo baxnaa Kaluunkeena Iyo khayraadkeena? Beeraheenaa ma falanaa? Macdanteena Iyo nimcadeena kale cidda aynu doono ma u dhiibanaa inay soo saaraan? Ilaah ma isku xidhnaa oo ma kaaftoonaa cid walba, sideese lagu gaadhi karaa inaynu ka kaaftoono cid aan Illaahay ahayn? Sidaynu bal horta dhibta intan le’eg eed moodo in lagu burburinayo wixii aynu 22 sano dhoobdhoobnay ee aynu soo dhisnay uga bixi karnaa horta? Rally ma samaynaa lagaga soo horjeedo dhibtan iyada? Ma Petition baynu dhamaan galnaa inagoo dhan? Ma Emails baynu u diraa ingiriiska? Ma Twitter baynu u adeegsanaa?

Waxaan odhan lahaa shir loo dhan yahay hala qabto. Community Somaliland iyagoo Hal cod ah dagdag ha isugu yimaadaan si looga go’aansado talaabada ugu haboon ee aynu bulsho ahaan qaadi karno una gudbin karno dacwaddeena.

Ahmed-yasin

Aymjama@hotmail.co.uk