Looma Ooyaan! Qeybtii 1aad

Waxa uu uu ahaa qof caaddi ah,kaas oo leh dhammaanba awooddaha go’aan qaadasho ee uu leeyahay qof kasta oo  ALLAH Caafimaad siiyay,kuna nool dunidda guudkeedda,waxaana uu lahaa hadafyo iyo himilooyin horumarneed,kuwaas oo dhammaantood iskugu soo biyo-shubanaya in hayaanka dheer ee nolasha uu kaalin ka gallo.Waxa u tirsan saacaddaha iyo maalmaha Nolashiisa.Waxa adag inuu wakhti badan ku lummiyo goobaha lagu nasto  ama dhallinta filkii ahi ay ku dheellaan,kuna mado-daashaan. Dad badan oo uu aqoon toos ah iyo mid dadban ba  u leeyahay ayuu arkaa oo nolasha meel ka gaadhay,qiimo iyo karaammo la mahad-diyona isu sameeyay,kuwaas oo ay hore usoo marreen duruufo iyo waayo nololeed oo adag. Fikir ahaan waxa uu aamminsan yahay inay talladdu gacantiisu ugu jirto,isla-markaasna uu isagu go’aan ka gaadhi karro waxay nolashiisu noqonayso iyo muuqaalka ay yeellanayo.

Waxa uu leeyahay baaddi-sooc badan, taas oo uu kaga tilmaaman yahay dhiggiisa,waxaana lagu majiirtaa karti,dedaal iyo inuu yahay qof ay meeli u caddahay oo rabba inuu hilaacaas bidhaamaya gaadho,isla-markaasna uu wadada dheer ee uu sii marayana uu adkaysigeedda lahaado,waayo waxa inta badan Maankiisa ku jirta Odhaahda ah ‘ waxaan dhib lahayni,dheef ma laha’. Si kasta oo ay dhib,kaddeed  iyo culaysba usoo fuullo,waxa uu ogyahay,una cad dheefta  iyo macaanka nololeed ee kusoo fool leh.Arrin kale,ayaa iyana jirtaa,taas oo ah;inuu ogyahay inay halkani (addunyadda) ay tahay goobtii halganka iyo rafaadka nolasha oo uu uu la mid yahay oo kale qof safar ku jira oo aanu niyadda iyo maankaba gashan inuu gallayo raaxo lagu nagaanayo,balse ay abaal-marintu ay tahay Daarta aakhiro oo uu wax kasta oo aakhiraddiisa wanaajinayana uu ku dedaalo.Inta uu  adduunyadda joogana waxa ka go’an inuu ku noolaaddo si cisi iyo sharafi ku jirto oo  uu ka maarmo guud ahaanba gacan bini’aadam iyo inuu qeyrkii wax ka suggo. Waxa uu  u shaqeeyaa oo isku dayaa inuu mustaqbalkiisa nololeed uu wanaajiyo inta ay dadka kale hurdaan. Waxa uu nuska danbe ee habeenkii usoo kacaa cibaaddo iyo cilmi uu rabbo inuu aakhiro iyo adduunba uu intifaacsaddo. Dad badan ayaa usoo jeediya inuu iska nasto oo  aannu naftiisa dhibbin,balse waxa uu u arkaa inay yihiin qaar aan ogayn waxa uu higsannayo ama aan iyagu hammi iyo higsi nololeed toona lahayn.

Dhinaca kalena,waxa la dhacsan dad badan oo u arka inuu ku-dayasho mudan yahay,isla-markaasna ay tahay in wax badan laga barto,lalana rafiiqo.

Muddo yar gudeheed,ayuu sammeeyay horu-socod la taaban karro,waxaana uu kasbay ummad badan,taas oo uu hal-beeg iyo higsiba u noqday. Waxa uu noqday qof isku fillan oo aan ILAAHAY mooyee aadmi kale u baahnayn,waxaana uu sii wadday halgankii iyo horu-socodkii nololeed.

Hadda waxa uu dirtaba hordheceeddii hayaa riyooyin badan oo maankiisa ku duugnaa,kuwaas oo uu wakhtiyo badan ku taami jiray inuu gaadho,ILAAHAY-na ka baryi jiray inuu ku simmo wakhtigaas isaga ah. Taasi waxay sii gallisay han iyo himilo hor leh oo uu rabbo inuu ku sameeyo qorshayaal kale oo uu mustaqbalka ka rajo qabbo inay u hirgalaan.

Intaas waxa u bar-bar socda turun-turooyin iyo caqabaddo badan oo kolba ka hor-imanaya,balse waxa uu ku laab-qabawsaddaa inay carqalad kasta oo ka hor-timaadda ay tahay hordhicii guusha iyo isku-daygii ugu horeeyay ee hawsha uu guntigga u xidhay,waxaana uu  aad iska ilaalinayaa inuu marnaba niyad-jabbo oo ka hadho dhammaan hawlaha uu faraha kula jiro,isaga oo aamminsan inay taas macnaheeddu tahay inuu isku dhiibayo  Nolasha dib-u-dhaca iyo horumar la’aanta.

Lasoco….

W/Q: Mohamed Hassan Daacad

Bahda HAL-REEB

Â