Libaaxoow Waxaad I Cuntay Maalintii Aad Dibigii Casaa Cuntay! (Khilaafka Kulmiye)

HAMSEAan Salaamo dhamaan akhristayaasha Sharafta iyo qadarinta leh oo marlabaad aan ku soo dhaweeyo maqaal kamid ah Qoraalkaygii aan ku soo gudbin jiray falanqaynta xaalada taagan, oo aan ku soo dhawaano qoraal kooban oo ka hadlaya khilaafka ka dhex aloosan Xisbiga talada dalka ahaye ee Kulmiye, Oo aan  dhigno khilaafkan meelaha runta ah ee uu taabanayo.

“Goblan talo aduunyooy

Nina tii magaadhee

galdalolo hoosiyo

Gabad lagama waayo

Arintaad gorfaysaa

Meshii ka guurto

Galabtii iyo habeenkii

Hadhku gelinaba waa cayn”

Kalmadahani waa kalmaddo muujinaaya arin da’a weyn oo qabsatay ninkan abwaanka ah ee ku cataabay heesta, tani waa aduunyo oo xaalku maaliba sida uu yahay noqon maayo berri oo waaga cusubi arimo kale ayuu wataa.

Waxaa khilaaf meel xasaasi ah gaadhsiisan oo dadka iyo bulshada shacabka ahina fahmi Karin uu ka dhex  abuuranyahay Xisbiga Talada dalka ahaya ee KULMIYE, aan si sir ah u taabto inta aan ka ogahay khilaafkan oo aan sheego waxa aan ka dhex maqlaayey bulshada iyo hadalada labada garab ee kulmiye is weydaarsanayaan, oo aan idhaahdo Khilaafkani Malaha waxa uu Abuurmay Markii Gudoomiyaha Xisbigu Mr. Muuse biixi uu ku dhawaaqay in uu yahay musharax u taagan xisbiga Kulmiye, Mise dadka aan weydiiyo oo ma waxaa jiray khilaaf hoose oo u dhexeeyey Madaxweynaha iyo Muuse biixi, kaas oo horeba u suurto gelin waayey in uu shirka saddexaad ee Xisbiga kulmiye Muddo baddan dib u dhaco? Aan la kaashaddo maskaxdayda oo aan idhaahdo Dastuurka u yaal kulmiye dhexdiisu ma dhigayaa in maddaxweynuhu uu saddex jeer Xisbiga iska dhex sharaxo? Mise Dastuurkan dalka ayaaba dhigaya in kabaddan laba jeer in uu maddaxweynhu is sharraxo?

Kulmiye waa Xisbiga ugu shacbiga baddan Jamhuuriyaddan Somaliland waxa uu ahaa Xisbigii ugu weynaa dhanka Mucaaradka marka lasoo haddal qaaddo Wakhtigii taladda dalka ay hayeen Xisbigii kale ee UDUB, waxaa Muddo baddan oo gaadhaysa 8 sanno Gudoomiye ka ahaa Maddaxweynaha Md. Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo, Kadib furitaankii Axsaabta baddan ee Jamhuuriyada Somalilnad waxaa iskugu soo hadhay saddex xisbi oo kala ahaa UDUB, KULMIYE IYO UCUD, Doorashadii wakhtigaasna Kulmiye oo uu Garwadeen ka ahaa Md. Axmed uu ku guul daraystay taladii waddanka oo waxaa qaaday UDUB, taageeryaashii iyo hogaamiyeyaashi kulmiye waxay talo ku gaadheen in ay samirka ciirsadaan oo ay calool aday ku gadhaan doorshada dambe, in kasta oo dib u dhaca ku imanaayey Handdan Kulmiye wuu gaadhay halkuu doonayey oo wuu ku gulaystay taladii dalka, isla wakhtigaasna waxa Uu Md. Axmed Maxamed siilanyo maddaxweynuhu ku wareejiyey Xilkii gudoomiyenimo ee Xisbiga Muuse Biixi oo ahaa Xubin firfircoon oo katirsan xisbiga.

Shacabka Somaliland waxay u qaateen Hadii uu Maddaxweynuhu wareejiyey xilkii gudoomiye nimada xisbiga in uu u calool xaadhan yahay in qof kale oo kamid ah xisbigu uu isisoo sharixi doono, Laakiin su’aashi waxay tahay taasi ma dhacaday?

Waxay qaadatay Wakhti dheer in lasoo xullo ergooyinkii ka qayb geley shirka kulmiye iyo in uu qabsoomo shirku oo in baddan la isku maandhaafay,

Laakiin waxaa suurto gashay in uu kama dambaystii qabsoomo shirkaas saddexaad ee Kulmiye, Mise gudoomiye iyo Kuxigeenkii Xisbiga oo ah Maddaxda Xisbiga aan la dooran ee taladii loo daayo cidii hore u haysay oo kala ahaa Gudoomiey Muuse Biix iyo G.xigeen Maxamed Kaahin,  halkaas waxaa ka muuqda oo shacabka iyo taageeryaashu ka tirsanayaan khalada ah in wax lugu heshiiyey oo ay ahayd in isbedel ku dhaco xisbiga si Muuse Biixi u suurto gasho in uu isla goobtaas kula tartamo Axmed Siilaanyo Maddaxweynaha iyo cidii kale ee diyaarka ahba

Aan dib u fiirino khilaaf kan lamid ah oo soo kale dhex galay Gudoomiye ku xigeenkii hore ee xilka laga qaaday Cabdi raxmaan c.qaadir oo si sharaf dhac ah oo milgaha dimiquradiyada iyo sharafta wacan ka fog lagaga qaaday Xilkii uu hayey ee lugu soo doortay shirweynihii kulmiye ee wakhtigaas, Muuse biixi waxa uu kamid ahaa Nimankii wakhtiga C/raxmaan c/qaadir ganafka u buuray ee u xaqiisii duudsiyey misana wax ka dhicin waayey, Wakhtigaas lagasoo bilaabana dadka iyo taageeryaasha Xisbiga kulmiye waxay Aminsanayeen in Nafsiga Ina cabdiqaadir uu soo if bixi doono goor aan fogayn,

Maanta waxa uu Muuse Biixi ogaadey in Xisbigan Kulmiye aan loogu talo gelin kusii jirkiisa wakhtigii xilka laga tuuray Ku-xigeenkii Sida sharafta leh loo soo doortay ee Ina Cabdiqaadir ahaa,

‘Axmed Siilaanyo waxa uu I eryey oo xilka iga qaaday markii uu waddo meriyey Ina Cabdiqaadir,’ sidaas waxa ka dhigan waa sidii dibigii Madoobaa ee Gartay in uu Libaaxan uu la heshiiyey ee uu saaxibadii siiyey uu maanta diyaar u yahay in uu cuno oo ku cataabay “Waxaad Libaaxoow i cuntay Maalintii aad cuntay Dibigii Casaa”.

 

HAMSE BASHE MUHUMED (H.SHAADHEY)

BBA-DEPARTEMENT OF ACCOUNTING AND FINANCE

E-MAIL: XAMSE18@GMAIL.COM

HARGIESA SOMALILAND