LABA DARANLEY (MAANSO)

LABA DARANLEY (Maanso)

Waxaad ku duceysateen,

Wuxuu geystaa ka daran,

Waxaa ka duceysateen.

Intuu daad qaaday shalay,

Ayaa dar Allee ka badan,

Abaartu intay dishee,

Miyaan la dareensanayn.

Weliba aan kuugu daro,

Dorraad ma ahoo qudhee,

Tan iyo dura waa sidaa.

Wixii shalay Dila ka dhacay,

markuu dayrtii dhowayd,

Toggaa Dacar-budhuq ka dhacay?

Miyaanu duqey la tegin?

Hadraawiba daadku sigin?

Haddaan belo idin durreyn,

Ibleyskii idin derderin,

Duruustaa soo marteen,

Maxaa u liqdeen durtaba?

Dushiisa biriish la maro,

Dariiqyo miyaa dhistaan,

Aqoonta daliishataan,

Damiirka adeegsataan,

Dedaal isku biirisaan,

Gacmaa isku duubataan,

Digtooni miyaa gashaan,

Intaa moos dayrataan,

Miyaa dabartaan biyaa,

Miyaa dooxyada xidhaan,

Dabeed dalag beerataan,

Duunyada aad raacaysaan,

Intaa ku dareerisaan,

Barwaaqada daajisaan.

 

Miyaa sahan sii dirtaan,

Hayaankaa doonaysaan,

U sii degel xaadhataan.

Sidii doqontii la yidhi,

Daankay meermeerisaa,

marnaba ka ma durugto qiiq,

Masiibada soo degtaa,

Dadkeennii labada door,

Abaar iyo waa u daad

Siday diinteennu tidhi,

Daruurihii hoori laa,

Cirkii soo di’i lahaa,

Dunuubteennaa xidhee,

Ilaahay nama dulmiyin.

Danbigu wuu badanyahee,

Wixii uu Daayin nacay,

Inaad doontaa ka mida,

Wixii aan daw ahayn,

Inaad dugsataa kamida,

Aqoon-darradaa kamida,

Dedaal-li’idaa ka mida,

Wanaag iyo daacadnimo,

Is-diidsiintaa kamida.

Haddii danta guud la wado,

Maxaa isu duubaysaan,

Markay danta gaara tahay,

Maxaa u dinnaahisaan,

Durbaanka u qaadataan,

 

Markay sheekadu dal tahay,

Maxaa isu diidaysaan?

Markay diinnaarka tahay,

Maxaa isu doonaysaan?

Markay daan daanta tahay,

Maxaa isu dayrisaan?

Markay doonyaysi tahay,

Maxaa isu diirataan?

 

Maxaa deriskii ku neceb,

Walaal uga doorataan?

Dalkeenani waa masnee,

Dad iyo xooloba dhammaan,

Wuxuu idin deeqi laa,

Haddaa ku dartaan aqoon,

Sidii loo degi lahaa.

 

Dayr iyo jiilaal abaar,

Dhirtiyo deegaanka guud,

Waxaa lagu doogsan laa,

Barwaaqo la daaci laa,

Haddaa ku dartaan aqoon,

Sidii loo daaqi laa.

 

Nimcadu way duugantee,

Shiidaalkaa dihin cabdoow,

Wixii dahab iyo macdana,

Waxaa lagu diirsan laa,

Haddaa ku dartaan aqoon,

Sidii loo dooxi laa.

 

Dadkeenna intii xumayd,

Intii aad diideyseen,

Haddii aad doorataan,

Sidee u dawoobaysaan?

 

Kuwaa shalay doorateen,

Haddii ay daalimiin,

Dillaaliin wada noqdeen,

Maxaa u daliishateen,

Inaad dib u doorataan?

Dunidu way horumartee,

Haddii aad daba marteen,

Dambaynta ku faanaysaan,

Dorraato halkii la yiil,

Ayaa degaysaan hadhoow.

Waxaa qaaddeen dariiq,

Dadkii maray uu ku jabay.

 

Waxaan deelkii ku xidhay,

Haddaanay is doorinayn,

Marnaba duul Eebbahay,

Ma dooriyo say yihiin.

 

Aadan Daahir Cabdilaahi (Aadan Cadde)

Taariikhda curinta: 9/4/2016

*********************************************************************

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Q