Kuma ayaa uu Noqon karaa Hogaamiyaha Wanaagsan?

 

Hadii aad doonaysid in aad shaqo kor uqaado ama aad rabto in aad bilawdo ganacsi aad leeday mahawlyara dariiqada iyo wayga aad uhoyaaminaysaa,waayo waxaa dhicaysa wakhiti fudud oo aad waxku qaban karto iyo wakhtiyo adag oo ay adagtay sida aad wax uqabataa,kaagana baahan juhdi iyo kartideed,laakiin hogaamiyaa wanaagsan marwalba wuxuu awood uleeyay in uu kooxda ama umada uu hogaaminayo ku hogaamiyo guusha,midakale waxaad ogaataan in qabashada jago aanay cidna kadhigin in uu noqdo hogaamiye wanaagsan,laakiin sida runta ah hogaamiyaa wanaagsan waxa uu fahmi karaa siyaabo kala duwan oo uu uhogaaminkaro cida uu hogaaminayo,sidookale waxa uu ku caawiyaa oo uu ujiheeyaa sida ay ugaadhi lahaayeen hadafkooda, taasina waxay marwalba horumarisaa naftooda in ay yeeshaan aragti iyo hiigsi dheer oo midaysan.

Hogaamiye nimadu waa mawduucyada ugu hadal haynta badan ee ay qoraan,boogaatu,maqalada iyo meelaa wax daabaca ee kaladuwan,hadii ay tahay arin aad umihiim ah oo aduunka meelkaste laga raadinayo hogaamiye wanaagsan,su’aashu waxay tahay sidee ayaan ku dooran karnaa hogaan wanaagsan? Waxay aynu ku dooran karnaa hadii laga helo hogaankaas arimaha hoosku xusan.

1)      DAACAD NIMO.

Asaaska ama seesk hogaan kasta oo wanaagsan hanoqoto dadnimadiisa  ama qaabkiisa waa daacad.daka oo dhami waxay rabaan in ay lasheqeeyaan hogaamiye  la’aaminikaro,kaas oo anshaxiisa,qiyamkiisa iyo daacadnimadiisaba la’ isku halayn karo.sidoo kale dadka oo dhami waxay jeceljiin in ay kashaqeeyaan shirkad ama wasaarad soosaarta anfac ama adeeg wanaagsan oo la isku halaynkaro,oo leh sumcad iyo qiyam sare.nin carab ah oo la odhanjiray Abdiraham Lincoln waxa uu yidhi:midka mida madaxwaynayaasah ugu waawaynaa ayaa waxa uu damcay in uu xukumo dakayga laakiin kumuuguulaysan manuu helin hadafkii uu lahaa waayo waxa uu ku suntanaa daacad la’aan. Hadaba shaqalahaagu waxay rabaan in aya dareemaan  wanaag ku saabasan shaqadooda,in aad soobandigto waxyaabaa ugu muhiimsan ee qiyamka asaasiga ah  ee naftaada iyo shaqadaaduba waa hogaan nimo.taasina hadii aad kunla noolaato oo aad kuhogaamiso qiimahaas wanaagasn waxay tusaale iyo kudayasho unoqonaysaa shaqaalahaaga.

2)      XIDHIIDH SAAFIYA.

Hadii aanay shaqaalahaagu kaa helin xidhiidh saafiya kulama fahmi doonaan hawlgalkaaga,hadafkaaga iyo aragtidaada midna,shaqaaluu waxay rabaan in ay ushaqeeyaan xaga ay wax karumayanyihiin,waa muhiin in shaqaalahaagu ay kula fahansanyihiin shaqada ay qabanayaan ujeedada iyo hadafka aad ka leeday,oo aad noqon kartaan qaar isku yool iyo hiigsi ah,xidhidhku waxa uu joogteeyaa in aad hesho waxyaabaa aad shaqada ka rajaynayso,sidoo kale waxay ina siisaa in aad helno warcelin ku saabsan shaqada iyo shaqaalaa taasi oo utababarta shaqaalaa in ay siwanaagsan wa ugutaan,sidoo kale xidhiidhka wanaagas ee ay leeyeen shaqaalaha iyo hogaamiyuu waxay keentaa in uu hogaanku kuqanco sida uu shaqaaluu waxa uqabanayaan oo uu ku amaano hawsha ay wadaan.

3)      KALSOONI KU FILAN.

Marka ay waxkhaldamaan shaqaaluu waxa uu kaasugayaa oo ay kaarabaan jawaabo iyo xal aad arinkaas khaldan kaga jawaabayso,xaataa hadii ay shirkada ay kuyimaadaan hoos udhac wayn,sidaas darteed marwalba waakuu muhiim in aad hesho kalsooni,daganaansho iyo habwanaagsan oo aad soodhigto. Xataa hadii aanad ku kalsoonayn xaalka ururkaaga waa in aad noqotaaa midkukasoon xirfada hogaamiye nimo ee aad leeday,tana waxay kuu sahashaa in aad mid dagan kadhigto shaqada shirkada,waxaanad sii hogaamin kartaa in ay shaqaaluu shaqadooda ugutaan si joogto ah.

4)      DHIIRI GALIN  

Hadii aad doonayso in aad bilawdo ganacsi cusub ama aad hogaamiso koox hore ugujirtay ganacsiga ,Aad ayaa ay muhiim utahay in aad hesho shaqaale aad fikrada iyo aragtida wanaagsan ku maalgashan karto oo aad ku dhiirigalin karto, mustaqbalka shikaduna waxa uu nogonayaa mid wanaagsan,waa in aad  tustaa oo aad ku hagataa  maan koodana galisaa diirigalin iyo xiiso ay uqabaan in ay qabtaan shaqadaas,oo aad maalgashataa cagliga dadka kale kuna ilhaamisaa  ,sida gabadhihii la odhanjiray Larry  and Sergey Brin kuwaasi oo aasaasay googalka(google)midhihii ay kaheleen tusidii iyo ku dhiiranaantii  waxay ay tuseen oo ay ku dhiirigaliyeen  kumanaan ku kalanool aduunka,sidoo kale waxay gaadhsiisay aragtidoodii aduunka aan imaka kunoolnay oodhan,ilhaamintu waxay badanaa eegtaa mustaqbalka kahoreeya,sidoo kale muhiim ayaa ay utahay qofka,waxay siisaa shaqaalaa sabab ay ku guulaystaan,oo ay qabtaan waxa ugu wanaagsan ee ay qaban karaan,taasina waxay samaysaa dareen maalgashi oo shirkada,taasina way noqonayaan shaqaaluu qaar daacada oo si adag ushaqeeye.

5)      MARWALBA XAGA WANAAGSAN WAXKA EEG.

Inaga oon u eegayn xaaladu sidaytahay marwalba waa muhiim in aad xaga wanaagasn ka istaagto,taasina waxay keenaysaa in aad gaadho xal iyo natiijo muhiim ah oo ka farxisan shaqaalaa iyo deegaanka ay ku taalo shirkadaadu,xataa hadii ay tahay arin aad ukhatar ah waa in aad adigu ka istaagtaa xaga wanaagsan,waxaad tahay qof ka shaqaalaa kala wada sidaa darteed dabeecadaadu waxay si qumaati ah usaamayn kartaa shaqaalaa kale,in aad siiso talo iyo waano ama in aad tusto ama usheegto waxyaabaa kuhaboon nafahaantiisu waxay si muhiima u taabataa in ay hagaagto shaqadiisa maalinle.

6)      QABASHADA SHIR AMA KULAN.

Hadii uu jiro mashruuc aad umihiim ah oo ku adagshaqaaluu in ay kaantroolaan ama ay maareeyaan hadii aad ufududayso oo aad usheegto sida looga gudbi karo,waxay xoojisaa hogaanimadaada,waxaanay rajo wayn kaqabaan aragtida ay kaa haystaan,marka aad isugutimaadaan shir waxa aad sheegi kartaa awooda iyo hawlkarnimada uu leeyay qofwaliba,awooda iyo shirka aad isugu imanaysaan waxay kor uqaadaa tayada iyo waxsoosaarka shirkada.

7)      GO’AAN

Waxba maaha in aad go’aankaaga iyo isdhuldhigaaga aad qabato shaqooyinka ugu liita ee ay katageen shaqaaluu marka ay shaqaynayaan,oo aanad ka faanin adigu,taasina waa go’aan iyo tusaale ay kaaga daydaan shaqaalaa kale,waxyna sababaysaa in ay daacadnimo iyo xushmayn kusiiyaan hogaamintaada,noqo mid go’aamiya waxkasta oo laqabanoyo ha ahaato in aad samayso fasayo malin ama bilo, amaba kulamo,sidaas darteed waxay kuusheegaysaa in aad go’aan meelmar ah leeday oo ay kugu raaci karaan kuwakale.

8)      DADNIMO.

Dadnimadu waa shaymuhiim ah oo isfahansiinkarta dadka ,dadnimadu waa dabeecada aad leeday ,kolba sida ay tahay dabeecadaadu ayuunbaad adiguna tahay ama ku sifaysantay, dabeecada wanaagsan waxay u kaadhigtaa in aad ku hogaamin karto shakhsiyaad kala dabeecad duwan oo ku hawljira shaqda aad hogaanka katahay,dabeecadaadu waa in ay mareer isugu xidhi gartaa dadkala duwan kana dhigu kartaa isku mabda iyo rayi,waxaanad ogaataa dabeecada iyo dadnimadu waxa kaadhigtaa qof xun oo adadag oo aanay dadka wada joogikarin,ama waxay kaadhigtaa qof dabacsan oo isfahka iyo dadnimo leh ,sidoo kale dabeecad wanaaga waa wax if iyo aakhiroba aad ku liibaani karto.

9)      HAL-ABUUR.

Go’aamada qaarkood waxay ubaahanyihiin in aad si dagdaga uga go’aan qaadato,adiga ayaanay kuutaal fikrada aad kuxalinayso arinkaas, shaqaalahaaguna adiga ayaa uhogaan ah oo ay kaasugayaan xalka lagaadhayo,laakiin go’aanka dagdaga ah waa in uu noqdaa go ‘aan wanaagsan ,awooda aad waxku xaninaysaa iyo xalka wanaagsan ee aad maskaxda ka keento waxa uu tusayaa shaqaalaa dhiiranaan,tixgalin iyo ku qancid ay ku qancaan firkrada macquulka ah taasi oo uu shaqaaluu kugu taageero arininkaas iyo go’aankaas aad qaadatay taasina waxa ku tusaysaa in aad wax uhogaamin karto siwanaagsan,waayo go’aanka aad gaadho waxaad jawaabtiisa kaheshaa deegaanka kugu xeeran.

10)  GARASHO.

Garasjada ma ildheer garadnimadu waxay kuu sahashaa in aad kafikiri karto waxa jooga iyo waxasoosocda sida looxalinkaro iyo xidhiidh gudeedka kadhexeeya wakhtigan iyo wakhtiga imandoona taasina waxay kuu sahashaa in aad qaadato go’aan ku adiga iyo shaqaalahaaga ku afacidoona,sidookale qofka garaadka wanaagsan waxa uu garankaraa waxa khaldan kuna badali karaa wax sax ah,hadii aanu hogaamiyaha aanay u cadayn jidka uu qaadayo waxyaabaa ka hor imankara waxaaba laga yaabaa in uu ku marin habaabo.

Hogaanka wanaagsani waxa uu garankaraa waxa soodhaafay,waxa taagan iyo waxa soosocda taasi oo kasamaynkaro xidhii wanaagas oo uu ku hogaamin karo guul iyo yool sax ah.

Hadaba hadii laga helo astaamahaas aan kusoosifaynay kor waxaa la hubaa hogaankaasi in uu noqon karo hogaan wanaagsan oo afaci kara dad iyo duunyaba,sidoo kale hogaanimadu ma aha shay fudud oo la dhayalsan karo dad ayaad xukumaysaa kalahagaysaa hadii arimahaasa lagaa waayo matihid hogaamiyihii saxda ahaaye iska daa,waayo dhibta ka imakarta sida aad wax uhogaamisaa waxay dumin kartaa wadamo, dawlado iyo umad dhan, if iyo aakhirona masiir xumo iyo xisaab adag.

Hadaba waa igatalo ataamahaa ilagaa helaa waa xalkaaga hadii aanad u dhalan iska baadhbaadh dariiqeeda ayaad ku dhicidoontaaye.

FIIRO: Hadii aad waxka dhimay ama aan wax ukhalday waxaan u ahay biliaadan itoosi iina sheeg waxaa khaldan waayo qaladka biaada ayaan u ahay wixii aan ka tagayna waad ku dari kartaa.

Mubarig farhan farah araye.

Mubarig06@hotmail.com

063-4198372