Kulankii ugu horeeyey ee Baarlamaanka Somaliland yeesho 22/2/1960-kii iyo Magacyada Xubnaha iyo Beelahooda – W/Q: Cali Cabdi Coomay

CALI COOMAYBaarlamaanka Somaliland waxa la doortay 17/2/1960-kii. 19/2/1960-kii ayey maxkamada sare dhaarisay xubnihii la soo doortay. Ka dib wuxuu kulan yeeshay 22/2/1960-kii. Kulankan ayaa ka dhacay xarunta maxkamada sare ee dalku tahay maanta. Waxay doorteen shir guddoon iyo xoghayn. Waxay guddoomiye u doorteen Jaamac C/laahi Qaalib. Kulankaasi waxa ka soo xaadiray dhaammaan xubnihii la doortay. Qodobada laga doodayey waxay ahaayeen laba qodob oo kala ahaa:

  • In la soo dedejiyo madax banaanida Somaliland, si ay u suurtogasho is-raaca koonfurta iyo Somaliland. Ka dibna looga sii gudbo shantii soomaaliyeed.
  • In wefti wasiiro ah loo diro ingiriiska, gaar ahaan LONDON si ingiriiska loogu sheego go’aanka madax banaanida Somaliland iyo is-raaca koonfurta Soomaaliya iyo Somaliland.

Labadaasi qodob oo doodeedu socotay, ayaa aakhrikii cod loo qaaday, waxaanay aqlabiyadu noqotay in la isku raaco in toos loo fuliyo qodobadaasi. Waxa kulankan joogay afartii wasiir iyo wasiir ku-xigeenkii ee ay Somaliland lahayd ee maamul hoosaadka ahaa. Wasiiradani waxay kala ahaayeen:

  • Wasiirka Dawladaha Hoose Wuxuu Ahaa Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal
  • Wasiirka Arrimaha Bulshada Wuxuu Ahaa Xaaji Ibraahin Nuur
  • Wasiirka Khayraadka Dabiiciga Wuxuu Ahaa Axmed Xaaji Ducaale
  • Wasiirka Hawlaha Guud Cali Garaad Jaamac
  • Wasiir Ku Xigeenka Arrimaha Bulshada Wuxuu Ahaa Yuusuf Ismaaciil Samatar “Gaandi”.

Afartan Wasiir Iyo Wasiir Ku-Xigeenkaasi Waxa Magaacbay Badhasaabkii Ingiriiska Ee Wakhtigaasi. Wasiiradan Ayaa Loo Diray Ingiriiska, Waxayna Kulan La Yeesheen Dawladii Ingiriiska. Ka Dib Waxay Hordhigeen Labadii Sharci Ee Uu Soo Saaray Baarlamaanka Somaliland.

Magacyada Xubnihii La Soo Doortay Iyo Beelaha Ay Ka Soo Jeedaan.

a)       Degmada Hargaysa

  • Ali Max’ed Xaaji Abokor……Sacad Muuse/Reer Gadiid
  • Yuusuf Ismail Samatar( Gaandi) ….Sacad Muuse/Cabdalle Sacad
  • Jaamac C/Laahi Qaalib……..Ciidagale/ Reer Buraale
  • Max’ed Biihi Shuuriye……Gabooye/Tumaal
  • C/Laahi Xuseen ( Ina Doob-Ilkoole)..Arab/Samane
  • Sh.Barkhad Cawaale Geesood… Sacad Muuse/Jibriil Abokor
  • Xaaji Ibraahin Osmaan Food……Isaxaaq/Qaasim

b)       Degmada Boorama

  • Abuukar Sh. Cumar ….Gadabuursi/ Reer Ugaas
  • Jaamac Geelle Ciise….Ciise/Mamaasan
  • Xaaji Muuse Ahmed Shirwac… Ciise/Furlable
  • Cabdi Xasan Buuni…….Gadabuursi/Xeeb-Jire
  • Xaaji Ibraahin Nuur……Gadabuursi/Reer Nuur

c)       Degmada Berbera

  • Max’ed Xaaji Ibraahin Cigaal…. Ciise Muuse/Max’ed Ciise
  • Xaaji Yusuf Iimaan Guleed…..Habaryoonis/Muuse Cabdalle
  • Xaaji C/Laahi Diiriye Warsame….Ciise Muuse/Max’ed Ciise
  • Xaaji Adan Yusuf …………….Ciise Muuse/Adan Ciise
  • Cali Qawdhan…………Habar-Awal/Danwadaag

d)       Degmada Burco

  • Ahmed Xaaji Ducaale Cabdale…..Habar Jeclo/Uduruxmiin
  • Yusuf Kaahin Ahmed……………Habar-Awal—————-
  • Sh. Cali Ismail Yacquub…….Habar Yoonis/Xirsi Cismaan
  • Ciise Jaamac Max’ed………. Toljecle———————-
  • Abokor Xaaji Faarax………… Habar Yoonis/Muuse Carre
  • Maxamuud Yaasiin Sh.Muuse……Habar Yoonis/Reer Abokor

 

e)       Degmada Ceerigaabo

  • Sh. Ahmed Maxamuud Dalmar…….Habar Yoonis/Muuse Ismail
  • Max’ed Cali Faarax………..Habar Jeclo/Uduruxmiin
  • C/Laahi Maxamed Ahmed(Qablan) …….Warsangali/Reer Garaad
  • Maykal Maryaano Ali ……. Habar Jeclo/Uduruxmiin
  • Maxamuud Max’ed Xasan ( Cadaan-Weyne)…….. Warsangali/Reer Faatax

 

f)         Degmada Laascaanood

  • Osmaan Garaad Max’ed ….Dhulbahante/Ugaadhyahan
  • Ali Garaac Jamaac……….Dhulbahante/Bararsame
  • Cabdalle Xaaji Faarax Magan……Dhulbahante/Samakaab Ahmed
  • Ibraahin Iid…………………………..Dhulabahante/Ba’idarys
  • Max’ed Yusuf Geedeey……Dhulbahante/Yaxye.

 

Sidey Ururadii Tartamayey u kala heleen xubaha.

= Ururka S.N.L wuxuu helay 20 xubnood

= Ururka U.S.P wuxuu helay 12 xubnood

= Ururka N.U.F wuxuu helay 1 xubin.

Tirada guud ee ay heleen ururada tartamayey waa 33 xildhibaan.

Cali cabdi coomay

calicoomay@hotmail.com

Suxufi, qoraa ah.

B.A in journalism

Hargaysa, Somaliland

Xigasho:

Taariikhda Ummadda Soomaaliyeed…………. Cali Jaamac Qalinle

British Protectorate Office………………………….Unpublished Paper