KU OGOW: Maah-Maahaha Siyaasisadda Somaliland – W/Q: Cabdikariim Muxumed-Cadde)

Waa mar kale iyo qormadii xiisaha lahayd,ee maah-maahda siyaasada cahdiga siilaanyo,oo intiinii hore ula socotay aad ka daalacan jirteen,wargaysyada iyo warbaahinta dalka sanadii tagey horaanteedii,

Maaah maahda siyaasada cahdigu waa qormo si murti iyo maadba leh u soo gudbinaysaa mahadhooyinkii siyaasadeed ,ee  xasuusta ma guuraanka ah reebay.

Intaa kadib waxaad hore aad u soo aragteen halkudhegyada kala ah,(ku illow)(waxba waxbuu eeday)(waxba waxbaa biiyay) maantana halkudhegeenu waa (KU OGOW IYO U OGOW).

Waa tan qormadii ku ogow iyo u ogow:

  • Madaxweyne Siilaanyo Sal-Fudaydka Ku Ogow
  • Wasiir Xirsi Wax Liqsiinta Ku Ogow
  • Saylici Siminaarada Ku Ogow
  • Wasiirka Duulista  Habar-Wacashada Ku Ogow
  • Wasiir Samaale Adeegaha Galbeedkee Gar Adag Ku Ogow
  • Wasiir Abiib Timacad Kala Kicinta Ku Ogow
  • Daahir Rayaale Madaxwene U Ogow
  • Badelkii Ramaax Bilad Sharaf U Ogow
  • Maayar Mitida Maayar Cabdale U Ogow
  • Natiijadii Doorashada Deegaanka Ku Shubasho U Ogow
  • Cadaalad Darada Aqoondarada Serverka U Ogow
  • Wadaad Wadaniya Aadan Siiro U Ogow
  • Wasiir Waxqabtay Maxamed Xaashi U Ogow
  • Xaaji Cabdi Waraabe Soojireen U Ogow
  • Ururkii Xaqsoor Xaq U Dirir U Ogow
  • Ururkii Umada Mucaaridnimo U Ogow
  • Qalinka Boobe Biyo Kama Dhibcaanka Ku Ogow
  • Buur-Madow Boqor U Ogow
  • Siyaasada Siilaanyo Jantaa Rogan U Ogow
  • Shirweynaha Kulmiye Ee Bisha March Loo Cayimay,Cid Kawaanka Saran Sidii Ina Cabdiqaadir Ku Ogow
  • Khilaafka Saylac Dhulbalaadhsi U Ogow
  • Diintii Iyo Awqaaftii Dalka Islaax Ku Ogow
  • Gaboose Farmasigiisa Ku Ogow
  • Golaha Wakiilada Dhaameelka Ku Ogow
  • Golaha Guurtifa Agoonta Ku Ogow
  • Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur Ku Ogow
  • Dekada Berbera Cali Xoor-Xoor Ku Ogow
  • Adeega Zaad Bilaa Damaanad Ku Ogow
  • Isgaadhsiin Somcable Ku Ogow
  • Xisbiga Wadani Xisbul Xaakim U Ogow
  • Xisbigii Kulmiye Dirirta Xirsi Ku Ogow
  • Xisbiga Ucid Daad Xoorta Ku Ogow
  • Maqaaal Wasiir Gooya DUBE Iyo DOOLAAL  U Ogow
  • Hadalhaynta Ismaaciil Yare Dagaal Muuse Ah U Ogow
  • Shacab Habaabin Wargayska Dawan Ku Ogow
  • Wasiir Duur Subciska Xirsi Ku Ogow
  • Wasiirka Macdanta Iyo Biyaha Qaraabo-Kiil,Ku Ogow
  • Wasiirka Khaarajiga Qaraabo-Goys, Ku Ogow
  • Wasiirka Qorshaynta Asal Ma Doorshe, Ku Ogow
  • Wasiir Xaabvsade Dhaarta ,Ku Ogow
  • .Dib U Magacaabista  Xamarje Maxlal U Ogow
  • Afhayeenimada Dhuxul Xin Madaxweyne U Ogow
  • Ubaxii Xaafada Axmed Dhagax Xirsi Ku Ogow
  • Dahaabshiil Daaha Dabadiisa Ku Ogow
  • Xirsiyada Qarsoon Xerta Kaardif(Cardif) U Ogow
  • Qarranimadii Somaaliland Basteed U Ogow
  • Qadiyadii Somaliland Qardo Jeex Ku Ogow
  • Qabyaaladii ,Dardar Galin Ku Ogow
  • Arimihii Dibada Mahinga Ku Ogow
  • Aqoonsi-Raadiskii Anbad Ku Ogow
  • Xeerarkii Dastuurka Qarranka ,Xagal Ka Daac Ku Ogow
  • Xeerka Saxaafada Xunyahow,Xunku Dha Lay U Ogow
  • Xadhiga Xuuto Xaq-Darro U Ogow
  • Warbaahinta  Somaliland Qabaxda La Ogow
  • Gobalnimada Gabiley Warraabo U Taag U Ogow
  • Jamaal Cali Xuseen Diiwaanka Qosolka U Ogow
  • Foosiya Xaaji Aadan Marwo Reerkay U Dhaxday Gaadhay U Ogow
  • Xaalad Abuurka Xukuumada Xamar U Didin U Ogow
  • Abwaanka Qarniga Ilko-Jiir U Ogow
  • Geerida Jaamac Maxamuud Xayd Udub-Dhexaad Jabay U Ogow
  • La Taliye  Madaxweyne Beryahan La Iima Yeedhin Ku Ogow
  • Saylac Beel U Ogow

 

Maaxdii: Cabdi Kariim Muxumed Cadde(Qaamuus)

 

qaamuuskaqarniga01@gmail.com