KU JOOG AMMA KA JOOG AF SOOMAALIGA

Ugu horrayn, waxaan ka baryayaa inuu inaga jabiyo abaaraha ina saameeyey dad, xoolo iyo beeraba. Waxaanan ku boorrinayaa bulshadu inay taakuleeyaan wixii karaankooda ah umadda tabaalaysan.

Waxay ahayd badhtamihii siddeetamaadkii, goobtuna waxay ahayd guryihii fanaaniinta ee tiyaarka ka dambeeyey. Waxaanan fadhinay guriga Khadra Daahir Cige. Waxaanan wada Cabdi Aadan Xaad Qays. Markaa Isagoo Cabdi Qays ka sheekanaya sidii markii hore lagu xidhay iyo sidii lagu sii daayey ayaa wuxuu yidhi ‘afkaaga oo ku xidha oo ku furi waaya afku go’ baa la yidhaahdaa’. Waxaan ka soo qaadanaynaa oo aan

uga jeedaa, akhyaartaas Ilaahay ha sharfee, in ku hadalka luqadaha iyo sida ay aynu u isticmaalno ay dareen xun amma mid wanaagsan keeni karto saamayna ay ku yeelanayso nolosheena iyo maskaxdeena kolba sida aynu u adeegsanaa. Sidoo kalena waxay Soomaalidu tidhaahdaa ‘afSoomaaligana la kala odhan og Allena la kala baryi og’. Waxaana baryahan afkeena ku soo badanaya kalmad haddii aynaan afkeena ka dhowrin cuuryaamin karta maskaxdeena, higsigeena iyo nolosheenaba sidaan qabo. Kalmadaasi oo ah waa mushkilad, kalmadaasi oo asalkeedu af Carabi yahay loogana jeedo ‘dhibaato’. Marka wax kasta oo ina soo wajaha aynu caadaysano isticmaalka waa mushkilad, waxa iska yar waxa aynu qaban karno, oo waxaynu dabraynaa awoodeena. Sida ay sheegaan imikina culimada Cilmiga Maskaxda baadhaa, waxa ay guushaadu ku xaddidan tahay kolba fikirka aad qabto iyo sida aad wax u aragto iyo hadalka aad ku hadasho. sidaa awgeed, Afkaaga ka ilaali kalmada ‘mushkilad baa I haysata’, waxaanad ku bedeshaa ‘waa carqalad meel ku gaadh ah oo xalili karo oo u baahan wakhti’ amma in la ydihaahdo ‘arrintaasi waa qaddiyad xalkeeda leh oo u baahan in miisaankeeda ku habboon la siiyo’.

.Haddaba, inagoo fursad u haysana inaynu 9 arrimood ku beddelno kalmadda waa mushkilad, maxaa ina saaraya buur inagoo bannaan arkayna. Kalmadaha isticaalkoodu yar yahay, ee loo baahan yahay inaynu badanaa isticmaalno waxa ka mid ah .

Wisiisi: arrin aad iyo aad looga gubto oo kiciya qofka amma quudhsi. Umal: cadho Silic (waana tii khadra daahir lahayd ‘umalka iiga daa’.

Wikiyayeey= Dhutiyayeey (waana tii ku jirtay heestii ee lahayd ‘wikiyeyeey talaabada wahsiga waran i soo gaadhyeey)

Shaadh-madoobe: Waa qofka had iyo jeer si qalloocan wax u fuliya.

Sagsaag: Waa qofka si qaldan u dhaqma had iyo jeer.

Bidh-bidhiyaa: Muuqaal quruxi ku jirto.

Babanayaa: Ruxmaya kalgacayl.

Dhanxiir: laba wajiilayn.

Imikana waxaynu soo qaadanaynaa kalmadahan si bulshadu u baadho, in khalad ah loo isticmaalo iyo sax loo isticmaalo.

Lambarkaaga xejiso: Mabda’aaga adkayso.

Shidan: waa kalmadaha casriga ah, waxaaana loogala jeedaa soo jiidasho leh amma xiiso leh amma firfircoon

Misidh-garayn: waxa loola jeedaa, marka la sii uureeyo inanta iyadoon la meherin.

Face-booguu galay: Marka qof shaqo ku jiro shaqo qarsoon

koofiyad bacle: odayaasha ugu shaqaysta odaynimada sida khaldan.

Fiiro-gaar ah: Ma jirto aqoon durugsan oo aan u leeyahay af Soomaaliga, laakiin waxa i riixaya baylah jirta iyo halka uu ku sugan yahay.

Rashiid Sulub Caali

Email: sulub2007@yahoo.com