KHILAAFKA MADAXWEYNE SIILAANYO IYO KU XIGEENKIISA, KULMIYE OO MADAXA ISKULA JIRA IYO GIRAANTA SIYAASADEED EE SOMALILAND LAGU DABAYO BISHA MAY

Hargeysa(SLPOST) -Wali lama xalin Khilaafkii adkaa ee Madaxweyne Siilaanyo iyo Ku-xigeenkiisa ka dhex qarxay laba todobaad ka hor, kaasoo natiijada ilaa hada laga gaadhay ay tahay in la joojiyay yooyootankii la filayay inay Saxaafadda isu mariyaan.

laga soo bilaamo maalintii Khilaafka labada Masuul dibada dibada u soo baxay ilaa hada lama hayo war sugan oo ku saabsan in la dhameeyay ama xal laga gaadhay Khilaafkaasi, hase ahaatee warar soo baxayay maalmihii ugu dambeeyay ayaa sheegayay inaan ilaa hada lagu guulaysan xalinta Khilaafkaasi oo dhinacyo badan lagu tirinayo inuu salka ku hayay.

Khilaafka labada Masuul ee dalka ugu sareeya oo ahaa mid walaac iyo wer-wer badan ku abuuray Bulshada, ka dib markii hadal-hayntiisu gaadhay heer iscasilaad laga soo wariyay Madaxweyne ku-xigeenka, waxa dacal kaga soo biiray oo wakhitigii la soo afjaro lahaa ama dhexdhexaadin laga gali lahaa arintooda , daaqada kaga soo booday Loolanka Xiisadda badan abuuray ee loogu jiro hogaanka Xisbiga Kulmiye ee ay kuraasta ka soo fuuleen.

Loolankan oo la odhan karo wuxuu soo taxnaa tan iyo markii Guddoomiyaha Xisbiga lagu wareejiyay Muuse Biixi Cabdi Dabayaaqadii sanadkii 2010, ayaa shakhsiyaadkii lagu tuhunsanaa inuu ka dhexeeyo inta uu dhaafay gaadhay heer ay rag badan oo aan xisaabta lagu darsan in han kaga kaga jiro hogaankiisa ay isu soo taageen Kuraasta ugu saraysa xisbiga oo uu kow ka yahay Guddoomiyuhu, waxaanay taasi cidhiidhi, cuqdada iyo culays siyaasadeed ku keentay dhawr nin oo mudo dheer laabta ku hayay arintan lama filaanku ku habsaday.

Inkasta oo tartanka loogu jiro hogaanka Xisbigu aanay wali xalaaloobin oo uu luqunta kaga maranyahay Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo ah Guddoomiyaha Rasmiga ah ee Xisbigaasi, loona badinayo inuu mar kale u xaam-xaamanayo sidii uu Kursiga Madaxtinimada ugu sii dhegenaan lahaa, isagoo u soo maraya dariiq doorasho oo uu Kulmiye iska sharaxayo, hadana hirdanka socdaa wuxuu u muuqdaa mid u dhexeeya kooxo kala afkaar fog oo aanay qaarkood waxba iskaga tirinayn difaac kasta oo uu u galo inuu mar kale isusoo taago Madaxweyne Kulmiye ka sharaxan, wallow dhinac marka laga eegana laga fili karo go’aan ah ah inuu fasaxo Guddoomiyaha Xisbiga oo noqon doona Musharaxa Madaxweynaha ee Xisbigaasi ee shanta sanadood ee soo socota, sida uu dhigayo Xeerka Xisbigu iyo inuu ka tanaasulo oo uu markaasi soo dhex dhigo siyaasiyiinta kale ee Hirdanka ugu jira.

Marka laysku soo Uruuriyo Ololaha loogu jiro Hogaanka kulmiye oo ka dhex aloosan Xukuumadda oo wadata xubno ka mida Siyaasiyiinta hirdamaysa iyo maamulka xisbiga ee wakhtigan oo haysta qayb ka mida Xubnaha Golayaasha Xisbiga ee Golaha dhexe iyo Guddida fulinta, ayaa u eeg mid sii cakiraya khilaafkii labada Oday ee markii hore ku koobnaa wada shaqaynta iyo wax-isweydiinta arimaha Xukuumadda ee ay isaga hooseeyaan,waa hadii ay kooxahan xisbiga isku eryanayaa miciin bidaan amase tartankoodu gaadho heer Marjaca dib loogu noqdo , xataa iyagoo aan ogayn inay labadooduba wada tanaasulayaan iyo in kale, inkasta oo Madaxweyne ku-xigeenku dhawaan shaaciyay inuu isusoo taagayo Jagada Guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga.

Hadii ay taasi dhacdana waxa sii laba jibaarmaya Khilaafkii labada hogaamiye, laakiinse wali su’aalbaa ka taagan in arintaasi soo dhex geli doonto khilaafkooda iyo in kale, waxaana soo baxayay intii Tartanku bilaamay warar sheegayay in Madaxweyne Siilaanyo Kursiga Saylici isu sharaxay ee Guddoomiye ku-xigeenka koowaad uu u wado mid ka mida Hogaamiyayaashii Ururadii kulmiye ku biiray ee Doorashada ku hadhay, taasoo hadii ay jirto noqon doonta tibaax hor leh oo laga sii hayo halkuu ka soo geli doono Khilaafkoodii hore yooyootanka Xisbigooda ee curtay.

Geesta kale, arimahan aynu kor soo sheegnay oo ah kuwo u muuqda inay mudo badan sii jiitami kara , maadaama oo aan ilaa hada mudo loo cayimin qabsoomida Shirweynaha xisbiga kulmiye ee raga loolamayaa ku kala hadhayaan, waxa ay dadka siyaasadda Odorasaa ku doodayaan inay ku soo aadeen xili uu dalku madaxa la gelayo Marxalad siyaasadeed oo xaasaasiya, taasoo la doonayo in lagu waajaho midnimo, wadatashi qaran iyo wax wada qabsi siyaasadeed oo qaranka ka dhexeeya.

Arinta ugu daran ee la waajahayo xiligan Khilaafka iyo hirdanka gudaha ahi jiraan, ayaa ah wada-hadalada Somaliya iyo Somaliland ee Bisha May la filayo inay ka qabsoomaan wadanka Boqortooyada Ingiriiska.

wada-hadaladaasi, Xukuumadda Somaliland wali may go’aansan ka qayb-galkooda , hadana tibaaxo iyo warar hoose oo isasoo taraya ayaa Iftiiminaya inaanay Xukuumaddu ka baaqsanayn tegitaaanka shirkaasi oo culays badan lagu saaray, waxaanay taasi keenaysaa walaac hor leh oo la xidhiidha sida ay Masiirka Umada Somaliland u meteli karto xukuumad iyada iyo Xisbigeedii ishaystaan, isla markaana madaxdii ugu saraysay Xukuumaddu khilaaf iyaga u gaar ahi ka dhexeeyo.

Waxaana khasab ah, isla markaana lagama maarmaan ah hadii ay arimuhu sidan kor ku xusan yihiin, in Madaxweynaha Somaliland axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo qaado talaabooyin lagu soo afjarayo muran kasta iyo ismaan-dhaaf kasta oo Xukuumadiisa, Xisbigiisa iyo Golayaasha kale ee Qaranka ka dhex jira, isla markaana Masaaxaada u qaato sidii uu u tirtiri lahaa Xurgufaha kale ee Bulshada rayidka ah ka dhex jira iyo Tabashada Ururka Xaqsoor.

Wariye Saleban Cabdi Cali (Kalshaale)

Hargeysa Somaliland

Email: Curad1986@hotmail.com