Khibrad La’aanta Maayarka Ayaa Horseed U Ah Khilaafka Ka Jira Golaha Deegaanka Gabiley

Waxaa iska soo daba baxaya eedaymo iyo khilaafaad isa soo taraya oo dhinaca maamulka golaha deegaanka gabiley iyo xildhibaanada golaha u dhaxeeya kaas oo salka ku haya nidaamka hogaamineed ee gadh wadeenka golaha deegaanka .

Sidoo kale waxaa xusid mudan inay jirto kala qaybsanaan golaha dhexdiisa ah taas oo inta badan eedeeda dusha loo saaro hogaanka golaha oo la sheegay inuu door biday inuu sedan u maamulo una kala kaxeeyo kala dhawaysto xildhibaanada golaha arintan oo sida dadka qaarkii sheegayaan uu ka aargoosanayo xiligii tartanka gudoomiye nimo lagu jiray ee golaha dhexdiisa oo inta badani ka soo horjeedeen .

Wakhtigan xaadrka ah oo golayaasha dhigooda ah ee Barbara iyo boorama ay horumar dhinac kasta ay ku talaabsadeen ayaa golaha deegaanka ee gabiley waxay u dabaaldageen gaadhi duug ah oo dabdamis ah isla markaana model kiisu yahay 1945 kii oo la sheegay inay iib kiisa diideen xildhibaanada golaha deegaan ka boorame iyo hal cagaf oo yar oo haltan aan ka badnayn oo dadka reer gabilay u bixiyeen  cagaf bajaaj oo gudoomiyaha golaha deegaanku ka soo galbiyay dhinaca caasimada todobaadkii hore.

Dab-demis_GabileySidaa  ay tahay ayaa nidaamka hogaamineed ee golaha deegaanka gabiley ay ka muuqataa  aqoon yari dhinaca maamulka ah oo la ogyahay inaanay jirin khibrad hogaamineed iyo waayo aragnimo dhinaca hogaaminta ah taas oo inta badan loo anaynayo kala qaybsanaanta golaha waxa kaloo jirta inay meesha ka maqan tahay deganaantii iyo dulqaadkii looga baahnaa hogaamiye golo deegaan oo dhalin yaro u badan isla markaana ay ku badan tahay qaybta wax iska caabinta isagoo u muuqda in hogaamiyahu hilmaamay weedhii ahayd , nin xil qaaday eed qaad .

Sidoo kale masuuliyadu sidedaba waa eed ma waydo qofka masuulka ahna marwaliba looga wanaagsan hebal baa I hadal hayay iyo halkaas ayaa la iga hadal hayay masuuliyadana ku ceeb.

Qofnimadana waa ku nusqaan .

Iyadoo la ogyahay masuuliyada dawlada hoose ay marka horeba tahay daryeelka bulshada danyarta u badan in loo adeego oo hooyada bacadka tamaandhada ku iibisa ee dawlada hoose cashuurta ka qaado in loo sameeyo meel ay bacdeeda ku iibiso maadaama ay bixiso cashuurta dawlada hoose ee ku waajibtay lana tuso in shata boqol ee ay bixisaa u horseedi doonto in baahideeda caafimaad,waxbarasho,biyo ta ubadkeedaba la daryeelo.

Balse xasuusnaw hoos loo eegi waayo oo roobabka da,aya iyo milica meel ay ka gasho loo diyaarin waayo xaq waxay u yeelanaysaa inay la xisaabsanto maamulka jira.

Isku soo wada duuboo gadh wadeenka golaha deegaanka gabiley waxa la gudboon inuu mideeyo golaha sharcigu goluhu dhigtayna ku shaqeeyo , isla markaana aanu noqon mid isku qanciya kursiga gudoomiyenimo ee sida wayn loogu hawlgalay iyo gaadhiga cad ee gudoomiye axmed samir ku wareejiayay , balse hoos u eego dhumucda ay leedahay masuuliyada loo xanbaariyay iyo waayaha ku xeeran .

Si kastaba ha ahaatee gudoomiyaha golaha mudane shucayb waxaa looga fadhiyaa inaad hormar muuqda ku hogaamiso golaha waxqabadkaaguna noqdo mid aad kula tartanto golayaasha dhigaaga ah ee hareeraha kaa xiga ,kana waantaw hebal iyo hebal baa I hadal hayay iyo haybta reernimo.

 

Weriye maxamed ismaaciil(Maxamed-biid)