Kaluunka Baddaha Dhexyaal Ayaa Dhereg iigu Filan!.

 

 

Waxaan la iska indho tiri karin, nimcooyinka Eebe ku galaday Dalkan Jamhuuriyadda Somaliland; kuwaas oo u ah Hanti Ma Guurto ah iyo waliba khayraad dabiici ah oo uu Alle (S.W) ku manaystay. Una baahan in looga faaidaysto habka ugu haboon balse aad moodo in bulshadeenu ay ka hurudo ama aanay xilba iska saarayn inay tahay nimcadda alle siiyey inaanay iyagu lahayn amaba ay uga hanqal taagayaan dalal kale oo uu qayrkood samaystay oo aanay Isir iyo Ehel midna aanay wadaagin. Hadaba iyadoo uu dalkeenu oo aan wali khayraadkiisa Dihin aan daaha laga rogin caalamkuna ka war hayo Ishana ku hayo Nimcooyinka yaala ee laga indha laayahay ama dadkii lahaa ay ka hayaamayaan una hayaamayaan wadamo aan haysan nimcooyinka wadanka yaala ama guud ahaanba Geeska Africa. Hadaynu qodob qodob u soo qaadano khayraadka dalka Jamhuuriyadda Somaliland leeyahay oo Alle ku galaday isla markaana hadiyad uga dhigay dadka ku nool si ay uga faaiidaystaan uguna noolaadaan If iyo Aakhirana ay ku anfacaan naftooda waxa ka mida

      Buuraha:

Buuraha ku hareeraysan guud ahaan dalka Jamhuuriyadda Somaliland la ogyahay ama laga warhayo in Macdan kasta oo aduunka laga isticmaalo laga heli karo ama ay ku jirto, mid walbana loo isticmaalo ama looga faaiidaysto hab gaara ama wax gaara laga sameeyo; hadaba waxyaabaha buuraha laga helo waxa kamida Birta, Sibidhka, Ranjiga, Coperka, Alamuniyamka, Zinc ka, Dahabka, Dhuxul dhagaxda iyo waliba in  Laga heli karo Shidaalka oo dhawaana la saadaaliyey inuu goobo kamida dalka ku jiro oo la sahamiyey, iyo macdano kale oo aad u badan oo ku jira buuraha dalka oo dhan.

 

Kaluunka:

Kaluunka Badaha dhexyaal

Ayaa Dhereg iigu Filan.

Khayraadka badu waa ka ugu muhiimsan ee Alle S.W nimcooyinka uu ina siiyey in loo soo jeestana ay tahay, waxna loo barto, Naf iyo Maalba, Dawlad iyo Shicibna ay tahay inay isku garab galaan waa wax soo saarka bada ‘e. waa khayraadka ugu badan uguna manaafacaadka badan in muhiimadda la saaraana ay aad u haboon tahay isla markaana ay waajib ku tahay Dawlad iyo shiciba sidii loo horu-marin lahaa; laakiin ay nasiib darro tahay in umadeenu aanay wali fahansanayn micnaha ay ku fadhido iyo waxay tahay ba, taas oo Alle S.W inoo xalaaleeyey wax kasta oo badda ku jira In Lagu cuni karro Qaydhiin iyo Bisaylba.

Xoolaha Nool

Xoolaha nooli waa lafdhabarta dhaqaale ee wakhti xaadirkan ee Dalka Jamuuriyadda Somaliland,  sida Adhiga, Lo’da, Geela, iyo Gamaankaba waana waxaynu ku caanbaxnay ama aynu ku noolayn waligeenba intaynaanu soo gelin magaalooyinka ee Asal raaca noloshii awawyaasheen inagoo ahaan jirnay xoolo dhaqato beeraley ah, hadaba Alle S.W wuxuu inagu manaystay ama inoo sakhiray xoolaha aynu dhaqano kuwaas oo faaiidooyin faro badan inoo leh Loona manaafacaadsado siyaabo faro badan; haday tahay Cad, Caano, Subag, Saan/Harag, Ganacsi, Dhaqasho. Tusaale kaba soo qaad neefka xoolaha ah marka laqalo wax la tuuraaba ma jiro dhamaantii waa la manaafacaadsadaa.

Hadaba aan yara dul istaagno Xayawaanka Geela. Geelu waa xayawaan aad u layaab badan isla markaana Ilaahay siiyey Jimidh, Dherer, Laxaad iyo Baaxadba. Waa xayawaan qaaliya oo Alle inoo sakhirey isla markaana waxtar iyo faaido badan, buur iyo banaanbana iskaga gudbi kara; baadka iyo biyaha in badan ka Qaddi kara mudo aad u badan. Waxa kale oo uu geelu ahaa dhaqaalaha ugu wayn ee la kala qaadan jirey tusaale ahaan Hadii wiil gabadh doonayo muu bixin jirin dollar iyo dahab midna ee waxa uu inanta ka bixin jirey Intaasoo geela, Hadii Qof  qofkale wax yeelo ama laba qof isdilaana waxa lagu xaqi jirey geela ayaa loo siin jirey mag ahaan.

Halka xoolaha kalena Loo dhaqan jirey Subag, Saan iyo Marti soorba ama wixii kale ee looga baahdaba oo ay ka anfici jireen qoysaska Dhaqda.

 

 

Beeraha

Dhulkeenu waa carro san ku wanaagsan waxbeerashadda hodona ku ah ciida wanaagsan ee wax soo saarka beeraha. Hadaba waa in loo soo jeestaa wax soosaarka beeraha oo laga baxaa ina bani aadmi kula mid ah aad ku tiirsanaato kaas oo aan wax arxan ah kuu galayn kaana dabar goynaya wixii dabiicaga aad  u lahayd ama aad kaydsan jirtay isagoo kuu qoslaya, markaad ka jeesatana dhabarka dabkaaga qabanayaa. Markaa Bulshooy wax beerta oo ka hoos baxa Bani aadam inaad wax waydiisataan oo aad gacmaha hoorsataan, haduu roobku idinka raagana aad Alle wax waydiisataan oo aad iska daysaan inaad tidhaahdaan Hayadaha gargaarku ha na soo gaadhaan oo hana caawiyaan Ilaahaybaa Gargaar iyo Gurmadba lehe.

Dhanka kalena waxa wax Ilaahay loogu mahadiyo ah oo aan la inala qabin amaba inoo gaara hadaynu nahay ummadda Somaliland iyo ummada geeska Afrikaba oo aan la inala wadaagin Waxaynu Cunaa Cunto Fresh ah oo Neefkii imika aad arkaysay Aad Hilibkiisii cunaysaa isla markiiba iyadoo imika dabka laga soo qaaday oo aan wax talaagad ah ama qaboojiye ah la gelin.

Hadaba iyaddoo waxaasoo Nimco ah aynu haysano oo hadii aad mid waydo ta kale kuu furan tahay,  ma inaynu Nimcooyinka Eebe ina siiyey iska indha tirnaa?  Mise waa inaynu ugu mahad Naqno? Ma inaynu Ka Tahriibnaa ? ma inaynu wadan kale u hanqal taagnaa oo aan nidhaa waa janaddii oo aan ku cararnaa?  Akhriste adaan kuu dhaafayaa jawaabaha su,aalahaas.

Isla markaana Wadankeenu yahay mid qanni ah oo dihin waxa Nasiib daro ah, ayaan daro ah, doqoniimo ah in dhalinyarta Jamuuriyada Somaliland qaar ka mid ahi ay iska indha tiraan afkoogana ay ka soo baxaan kalmado aan ku haboonayn in dhagaha dadka iyo ka dalkuba ay maqlaan oo ay kamid yihiin Tan Ma Nolol baa taala”  “ka tasho Tan shaqo ma taale”una hanqal taagaan wadamo kale oo xitaa Derbi La Seexdana aan lahayn! Iyagoo taasna sabab uga dhigaya wax shakhsiyadooda qof ahaaneed ku xidhan oo aan wadanka ka jirin ama dedaalkooda oo kaliya ku xidhan. Taas oo ah waxay maskaxdooda ka dhaadhiciyeen sababna ay u tahay fikirkii, firfircoonidii, samirkii, dulqaadkii, caqligii wanaagsanaa iyo waliba indheergaradnimaddii oo dhamaantood meesha ka baxay , iyagoo aan xilna aan iska saarayn Dedaalkii, Naftii iyo maalkii loo hurayey mudadda badan ee waalidkood ku soo tabcayey.

Hadaba Ninkii dhalinyarta ahaa Markuu Dugsiga sare ama Jaamacadda     dhamaysto, ma Inuu naftiisa hoog iyo halaag geliyaa? Ma Inuu hooyadii intaasoo bilood ama sanadood ma inuu abaalkeeda uga dhigaa waxaanay u qalmin ama aanay ka istaahilin oo uu nolol iyo geeri dhexdood dhaxalsiiyaa?   Ma inuu Aabihii aroorta hore u kalahayey, ama u kacayey isaga daraadii, cadceedoo aad u kulul u adkaysaney, wuxuu ku soo dhididayey wakhti badana si hagar la,aan ahna ugu hurayey, wuxuu ku noolaadana ugu badeleyey Ma inuu Qayrkii ka soocaa?

 

Guntii iyo Gebogebaddii waxaan kula talin lahaa Dhalinyaradda dalka Somalilandinay ka daayaan Waalidkood iyo dalkaba, inay niyadda ka jabiyaan, Fikraddaha khaldan ee qabaana iska saaraan oo aanay Hebel iyo Hebel ku dayane ay Qiimeeyaan Naftooda, isweydiiyaan Xageed ku socotaa, Maxaa kaa horeeya, Aduu se kumaad tahay? Ogaadaana inay iyagu kuwii Dalkan lahaa ee beri hogaanka u qaban lahaa, horumar iyo barwaaqana gaadhsiin lahaa dalkuna idinka idin sugayo.

Ha Bedelin Carradda,

Oo HaDhoofin,

Haka Tegine Joog,

Iska Joog,

Dalka Lama Necbaadee,

Debedaha Lamaba Jeclaadee.

Ahun Faysal omar Mushteq

Dhanka kalena dhulkiinu uu idin leeyahay ha I dhaafina, Igu dhaqda, Igu dhala, Igu dhinta, Wax ii barta, I Barwaaqeeya, Aan Badhaadhnoo Indhaha Yurub Eegayaa Aniga Ha Ila Yaabaane.

 

Afeef:Qalinka umaan qaadan inaan cid dhaliilo, Kaliya wax tusaalayn,  baraarujin iyo istilmaamid.

Mahadsanid Akhriste

 

 

W/Q- Idiris Dahabi M.J.

Contact:       Editoridirismj@gmail.com