Jilaaga Siyaasadda Arrimaha Dibada S/Land Iyo Filimkii Johoraddii Aqoonsiga

Sacd M. Gadhle
Sacd M. Gadhle
Sacd M. Gadhle

Waa qormo jiilan iyo qalin mudo badan u jeelanaa in uu jaleeco filimka laga matalay  jaha’wareerka siyaasada arimaha dibada S/land.

Jilaaga filimka matalayaa waa jinni boqor  afaf kala jaada yaqaana xukuumada magacawday waa jaantaa rogan oo  wali jiibta iyo jaanta islamay helin , jilaagu wuxuu  jecelyahay jaraynta diyaaradaha wuxuu had iyo jeer ku jiraa safaro aan kala joogsi lahayn wuxuu ku raaxaystaa jiifka HOTELADA qaaliga ah ee wadamada dibada ku yaala wuxuu kharash xad dhaafa ku  jilaabtaa safarada uu dibada ugu baxo , jilaagu wuxuu had iyo jeer garaacaa jalas dalka markuu ka baxayo iyo markuu soo galayaba bulshada Somaliland waa laba jees qaybi dhag jalaq u siin mayso jalaska uu garaacayo  jilaagu , qaybina waa jabaq raac waxaanay dhagta la raacaan weedhaha maaweelada ah ee jilaagu u sheego , balse  jawigu kii hore maaha xaaladu waa ku jiq waxaanay ku maraysaa { jid aan jaro lahayn } waa weedh ay adeegsadaan ciyaaryahanada shaxda u kambadhuudhsadaa iyadoo dib ciyaar cusub loo dhigayo .

Weedhahan jiraban ee qormadan jiilan aan gogoldhiga uga dhigay  halkaa ha ii joogto waxaa sheekada filimka  joharadii aqoonsiga inoo daadihin doona Qodaal-joog iyo Qurba-joog .

Qurba-joog : waqti weeyi jilaal jawiguna qabawyahay

Qodaal-joog : dadku laba jir maahee war jadiida noo sheeg

Qurba-joog : filimka joharadii aqoonsiga ma daawatay ?

Qodaal-joog : filimkaa ma jaleecin , jaanisbaanan u waayay , kuma weeyi jilaagu ?

Qurba-joog :  jilaaga waan garanaayay , jaaliyadii qurba-joogu filimka way ku jirtaa

Qodaal-joog : jilaaga filimku , ragii maalmo  jihaadiyo , jabhadii ma’ahaa ?

Qurba-joog : maya muu ahayn sida tixdani tilmaamayso

Jigre uu rido daayoo

Juuqda ku garan maayee

Jubbaduu ku barbaaaray

Halkaasuu ka jarmaaday

Jufadiisiyo beeshiyo

Qodaal-joog : filimka joharadii aqoonsigu jaha’wareerka siyaasada arimaha dibada ma sheegay ?

Qurba-joog : jaalihii na gumaystaa filimka noogu xaqiijay sida tixdani tilmaamayso

  • Jabadkiina waqooyi
  • Burjigaa ka janjeedhoo
  • Gabadhaan ka jeclaaday
  • Jilaagiinan halmaansan
  • Ha iska joogo dhulkiisa
  • Jibo loogama baahnee
  • Jadwalkaan ku shaqeeyo
  • Jaaniskiisa ha eegto
  • Jawaabtiisa idhaahdo

Qodaal-joog : arinku waa inagu jiqe jaaliyadii qurba joogu gurmad xoogan ma gashay ?

Qurba-joog : jaaliyadii qurba joogu jamac bay ugu waxayna ugu baaneen  tageen sida tixdani      tilmaamayso

  • Jaalihii na gumaystow
  • Jeelkii waan kugu deeqay
  • Badh- jiifkaad ku maxbuustoo
  • Badi way ku jiraan
  • Jidh’dilkaan ka ilaashoo
  • Jeedal wayna ma qaato
  • Jaadku waa ka mamnooc
  • Jalaatay ku cabaan
  • Cadaanbaa nala jooga
  • Jaaska waan fasaxoo
  • Jafle waa la ciyaari
  • Jabbaa waayo na gaadhoo
  • Ma jeclaysto dagaalka
  • Jiiddann aan dago maanta
  • Jaarka waan la heshiiyee
  • Jaalihii isticmaarkow
  • Bal maxaad igu jiidhay ?
  • Jalaskan iigu garaacday

Qodaal-joog  : jaaliyadaa qurba jooga ee sidaa ugu baantay waa jaaliyada Norway saaxiibkay maxamed diifoo baa hor kacayay jilaaga arimaha dibadu filimka halkuu kaga jiraa ?

Qurba-joog : mar uu diyaarada  JUBA AIR WAYS dalka imaaraadka u raacay  jilaaga oo kalidii tallamaya ayaa filimka laga matalay waxaanu lahaa sida tixdani tilmaamayso

  • Ingiriis naga jeedsay
  • Xamar baanu jeclaaday
  • Ameerikaanku na jiidhi
  • Aqoonsibuu u jadiidshay
  • Jidkaa waaban ku daalee
  • Jaanisbaa ka bannaan
  • Jeegag miidhan ku qaato
  • Lacag aan ku jilaabto
  • Jamhuuriyado aan la aqooniyo
  • jayne aan ugu duulo
  • jarmarlkii bari duulee
  • ingiriiska jugeeyiyo
  • jabaan baanu heshiini
  • Jarmalkaa na ajiibi
  • Carabtaa jil-jileeca
  • Mudo aan ku jikaaray
  • Jihadeeda u dhoofi

Qodaal-joog : horaa loo yidhi cagtii joogsan waydaa marbay ceeb la kulantaaye . dal -jirbaabad tahee filimkani ( joharada aqoonsigu ) muxuuu ku sheegay ilayn waatan baadi doonkeeda kabo inagaga dhamaadee.

Qurba-joog : jilaaga ayaa bulshada S/LAND u faah faahiyay waxaanu ku sheegay sida tixdani tilaamayso

  • Jaalihii na gumaystaa
  • Qardhaas  teeda  jaxaasay
  • Jaandi buu ka sameeyay
  • Jaafi weeyi adkaatay

Qodaal-joog : jactadd mayna samaynin

Qurba-joog : jaldibuu ku dahaadhoo, jeedhadh loogama yaabo

Qodaal-joog : jilaagaa iga daayoo

  • jooharadeena aqoonsi
  • jihadeen ka dayaa ?
  • jidkee loo marayaa ?
  • Jalxad may ku jirtaa ?
  • Jeeb nin may ku jirtaa ?
  • Ma jaarkaa nagu haystoo
  • Jabuutaa na damcaysa ?
  • Ma jareertii wala wayntaa
  • Ictiraafka hor joogta  ?
  • Ma jarbaa laga tuuray ?

Qurba-joog : xaqiiqada hadii loo noqdo oo bulshada jaha’wareerinta iyo  jibada  qiirada lagu jiheyanayo muwaadiniinta laga daayo aqoonsigu wuxuu ku jiraa arimaha tixdani tilmaamayso

  • Garsoorkoon la jujuubin
  • Dulmigoon la jidaynin
  • Jaarka oo la gargaaro
  • Danyartoon lagu joogsan
  • Ilaa dayrka la jiidho
  • Jiingadooda la taaban
  • Jibaadkooda la daawan
  • Doolarkoon la jilaaban
  • Jeegag  miidhan la qaadan
  • Tawbaduu la jaleeciyo
  • Jaliilkoo laga tuugo
  • Johordeena aqoonsiyo
  • Ictiraaf  ku  jiraa

Qodaal-joog : jilaagan arimaha dibada maxaa ka reebay boqolkii qof ee barmaamijkii qiimee qofkaaga ku guulaystay

Qurba-joog : ma isagaa dalkaba jooga saw joogaha maqan maaha .

Qodaal-joog : ugu dambayn manta maalin aad ka wanaagsantahay maan arage ALLAHA  aduunka iska leh ayaa ictiraafka inoo haya ilaahayna wuxuu balan qaaday kuwa dhexdooda isku naxariista in uu arimahooga u fududaynayo .

Dib u curashadii qalinka la soco sabtida dambe  iyo jilaa kale

Sacad Maxamuud Gadhle (qodaal-joog)

Tell : 4669910