Jidh-dilkii hooyadii uurka lahayd – Taxanaha Soomaali waa walaalo – Qaybta 2aad

 

“Halkii aad mid Qurmis ah (Isaaq ah) ilme uga dhali lahayd, waxa ka fiican inaad aniga ii dhasho garac dawladda taageersan”, ayay odhan jireen kolka ay soo galaan guriyaha si ay u baadhaan, balse xaqiiqadu ay ahayd inay doonayaan inay kufsadaan dumarka quruxda badan. (Human Rights Watch, A government at war with its own people, bogga 124)

Ragga Isaaqa ah mar walba waxa lagu odhan jiray: “Orda oo soo kaxaysta dhillooyinkiinii”, iyada oo loola jeedo hooyooyinkood iyo hablaha ay walaalaha yihiin.

Advertisement

Dhacdooyinkaas qadhaadhi waxay ahaayeen kuwii aan noo reebin dhibic yarna ha noqoto e wax sharaf ah, dadkana u rogay kuwo sida ay u dhan yihiin dawladda ka soo hor jeeda, ayuu yidhi Maxamed Abiib Muuse oo HRW ku waraysatay Jabuuti, 6 Ogos, 1989-kii.

Siraad (ma aha magaceega runta ah) oo ay HRW Jabuuti ku waraysatay Ogos 3, 1989-kii waxay tidhi: “Ragga ayay dibadda uga saari jireen guriyaha iyaga oo ciidanka qaar ka ilaalin jiray inay gudaha soo galaan, halka ay dumarkana gudaha ku kufsan jireen, kaliya si ay u bahdilaan ragga, xiitaa ma ay dhaafi jiray dumarka waaweyn. Mararka qaar, gabadha waxa wada kufsan jiray koox ciidan ah.

Dad badan oo bakhaaro lahaa, tukaanno lahaa, ganacsadayaal ahaa ama shaah iibin jiray ayaa iska xidhay oo si toos ah ugu biiray SNM, maadaama oo inta ay halkaas iska fadhiistaan aanay daawan karayn waxa ku dhacaya xaasaskooga, hablaha ay dhaleen, hablaha ay walaalaha yihiin, qaraabadooda, asaxaabtooda iyo jaarkoogaba”.

Amaal Jaamac ayaa sheegtay gadoodka uu keenay awood la’aantii shacbigu:

“Wax kastaaba ha ku dhacaan qofka dhibbanaha ah e, uma ay sheegi karayn qoyskeega iyo dadkeega maadama oo aanay waxba u qaban karayn. Waxa qudha ee lagula talin jiray waxay ahayd in aanay dibadda u bixin inantu, oo ay ahaato maxbuus guriga ku dhex xidhan”.

Reer Miyiga ayaan iyaguna ka nabadgelin kufsigaas bahalnimada ahaa. Wuxuu ku bilaabmay in hablaha meelahaa bannaanada xoolaha ku eegaya ay kufsadaan. Dabcan kolka miyiga la joogo, inanta kaligeed ayaa loo diraa adhiga, lo’da iwm, cidladaas ayay aad uga faa’iidaysteen inay hablahaas ku kufsadaan (ibid, bogga 93aad)

Ciidankii dawladda Afweyne, waxay ag fadhiisan jireen goobaha ay dadka reer miyiga ahi ku kaydsadaan biyaha sida barkadaha. Laba sababood ayaa keenaysay inay ag degaan: inay kufsadaan wixii dumar ah ee loo soo diro inay halkaas ka soo dhaamiyaan iyo inay dadka ka xayiraan cabitaanka biyahaas si ay harraad ugu dilaan.

Halkaas kuma ay ekaan, iyada oo ragga reer miyiga ah loogu soo gabbanayo inay SNM taageersan yihiin qabiilkooga awgeed, toogasho joogto ah ayaa lagu bartilmaameedsan jiray, halka ay dumarkana guriyahooga dhexdooda kaga kufsan jireen iyaga oo hooyo inanteeda isku meel, isku mar ku kufsanaya.

Hay’adda GAO, bogga 2aad ee warbixinteeda waxay ku sheegtay in kufsigu gaadhay heer uu maalinle noqdo, gabadh walibana ay si joogto ah bartilmaameed u noqoto.

Kufsiga reer miyiga waxa cirka ku sii shareeray qoxoontigii Ogaadeenka ee la hubeeyay. Qoxoontigas hubayntiisa waxa barbar-socotay in hub-ka-dhigis lagu sameeyay reer miyigii Isaaqa, taasi oo ka dhigtay qaar fara-madhan aan waxba iska waabin karayn. (Mawduucan qoxoontiga Ogaadeenka waxaan kaga hadli doonaa qaybaha dambe).

Waxay gaadhay in gabadha Isaaqa ah isku si loogu kufsado bannaanka iyo gurigeega dhexdiisaba, oo aanay meelna ku nabadgelin.

Bahdilaadda iyo dullaysiga heerkaas gaadhsiisnayd, kuwa ku sheegaya inay dawlad wanaagsan ahayd ama Soomaalilnimo ahayd, waa laba midkood uun: mid ku raaxaysanay in hooyadii iyo walaashii lagu ag kufsado ama mid doonaya inuu sameeyo wax la mid ah wixii ay kuwaasi samayn jireen.

Nin kasta oo ka dagaallamay foolxumaayinkani, wuxuu sameeyay wax kasta oo uu samayn lahaa nin ay tani ku dhacday, xiitaa gaalada ayaa sidaas samayn lahayd, qof islaam ah oo dumarkiisii xurmaysnaa sidaas loo galay iskaba dhaaf e.

Tixraac:
Human Rights Watch, a government at war with its own people. Bogga (124 – 125).

GAO, Nothern conflicts and resulting conditions

Qore: Maxamed Sharma’arke

Sharmaake91@gmail.com

Follow us On