Jamhuuriyadda Somaliland: Qaran ku Kalsoon Amnigooda – W/Q: Amb. Kaysar Cabdilaahi

Kaysar Cabdilaahi

Kaysar Cabdilaahi
Kaysar Cabdilaahi

Bahal Iga Da’a weynoo
Dad cun ahi ma Joogee
Kuma didee Hargooloow
Ha Igu Tumin Durbaanada
Iyo Daasadaha Madhan

(Abwaan Hadraawi) 
Waxaad moodaa in beryahan danbe  dagaal Nafsaani ah lagu soo qaaday Shacbiga reer Somaliland iyada oo sidii caadada u ahaan jirtay  ay cadawga Somaliland ay af-labadii yeedhaan marka ay rajo beenaad yari meel uga soo bidhiiqdo!

Yaa Xasuusta demdemtii iyo sawaxanka ka bixi jiray cadawga Somaliland maalmihii ama bilihii u horreeyay ee xilka soomaaliya loo cimaamaday Cali Mahadi, Cabdi qaasim, Cabdilaahi Yuusuf, Iyo Sheekh Sharriif?

Erayada ay odhan jireen waxaa ka mid ahaa; Imika ayay u dhamaanaysaa Somaliland! Maxaydun yeelli dawlad baa soomaali u dhalataye, dadkiina soo raaca, imika ayaa idinka oo Ordaya aad iman doontaan…. erayadaas iyo kuwo ka sii xun ayaa badiyaa ka soo yeedhi jiray cadawga Somaliland. Maantana dhawaaqaas mid la mid ah oo caalwaa ah ayaa ka soo burqanaya afka buka ee cadawga Somaliland.

Xaqiiqduse waxay tahay oo ay Taariikhdu ka marag kacday in ay Dabayshu ay qaaday kuwii sheeganayay Madaxweynayaasha Soomaaliya, halka ay Somaliland ka tahay Qaran jira oo dhismayay Dhaqaale ahaan, Siyaasad ahaan iyo Millatari ahaanba.

Iyada oo Shacbiga reer Somaliland iyo Xukuumadiisuba ay soo dhawaynayaan in shacbiga reer Soomaaliya ay nabadgelyo iyo dawladnimo helaan, hadana dhinacooda markaad eegto wali waxaa ka muuqda inaan caqli badani u kordhin oo ay wali ku hadaaqayaan wixii ay ku hadaaqi jireen 22kii sanadood ee la soo dhaafay! Waxay ahayd inay ku mashquulaan xasalinta Nabadooda iyo dhismaha Dalkooda, halka ay wakhtiga iskaga luminayaan Somaliland oo ah Qaran isku tashaday.

Waxay la bootaalaysanayaan ama ay la birin-birqaynayaan Maraykan baa na Aqoonsaday.. na soo raaca.. ! Midnimadu waa muqqadas iyo erayo badan oo kale oo duugoobay oo ay isticmaalayeen tan iyo intii ay Somaliland jirtay, Haddii Maraykan maahee dunida oo dhammi ay Soomaaliya Aqoonsato maxaa Somaliland ka Khuseeya! Somaliland ma Maraykan baa noo dhisay mise Ingriis? Miyaanay ahayn Jamhuuriyad Madax banaan oo ku dhisantay, ku hirgashay kuna Naaloonaysa Awoodda Shacbiga Somaliland ee ilaashanaya! Miyaanay Jamhuuriyadda Somaliland ahayn mid ku timi halgan dheer oo dhiig leh oo ay usoo dhinteen Kumanaan kun oo geesi oo u shahiiday Xorriyada Somaliland, miyaanay wax magaratada iyo cadawga Somaliland ogsoonayn in shacbiga reer Somaliland uu diyaar u yahay inay dhiig u qubi doonaan haddii Madaxbanaanidooda la soo hungureeyo ayna leeyhiin Awood Siyaasadeed, Awood Sharci, Awood Dhaqaale iyo Awood Milatari oo ay ku ilaashanayaan Madaxbanaanidooda.

Hubaal waxaa ah in Qarankan Jamhuuriyada Somaliland uu yahay mid ku taagan Jirrido adag, kana soo gudbay marxalado aad uga adkaa kuwa imika lagu jiro, xaqiiqna ay tahay in Somaliland aqoonsigeedu uu iman doono maalin ka mid ah maalmaha, sidoo kalana aanay jirin cid awwood siyaaso mid dhaqaale iyo mid millatari toona ku muquunin karta Shacbiga geesiyaasha ah ee reer Somaliland.

Intaas hadaan ka yara gudbo, Qoraalka ay Wasaarada Arrimaha Debada ee UK ay ka soo saartay Somaliland, waa Qoraal lagu degdegay oo aan wax saamayn ah ku yeellan doonin arrimaha Nabadgelyada, Siyaasada iyo Dhaqaalaha Somaliland.

Allah mahadi ha ka gaadhee Somaliland way ka soo gudubtay xilli ay saameeyn ku yeeshaan Siyaasado wadamo kale, Waana Qaran isku kalsoon oo awood buuxda u leh inuu ilaashado Amaankiisa, talaabo adagna ka qaado cid kasta oo isku dayda inay waxyeellayso Amaanka Qaranka Somaliland.

Waxaan Shacbiga reer Somaliland ku baraarujinayaa inaanay dheg u dhigin dacaayadaha ay cadawgu ka fidinayaan Somaliland, waxaana lagama maarmaan ah in Shicib iyo Dawladba loo hawl galo sidii loo sii Xoojin lahaa Amaanka Dalkeena, dhirbaaxo culusna loogu dhufan lahaa cid kasta oo isku dayda inay waxyeello u geysato Amaanka, Dawladnimada iyo Madaxbanaanida Somaliland.

Ugu Danbayn Amaanka Somaliland waa 100% waxaana u Carbisan Ciidamada Geesiyaasha ah ee Milattariga, Booliska, Sirdoonka, Badda, Asluubta oo kaashanaya Shacbiga Geesiyiinta ah ee reer Somaliland iyo Xukuumadooda, waxaana lagama maarmaan ah in muwaadin kasta oo Somaliland u dhashay u gunatado sidii uu Qarankiisa u ilaashan lahaa ugana hor tagi lahaa wax kasta oo wiiqaya Wadajirka iyo Amniga Somaliland, waxaa kale oo muhiim ah inaanay dadweynaha reer Somaliland dheg u dhigin daba dhilifyada cadawgu adeegsanayo ee beryahan danbe caadaystay in ay Warbaahinta ku weeraaraan Xukuumadeena iyo Dalkeena kuwaasi oo ujeedadoodu tahay sidii la isaga hor keeni lahaa Shacbiga iyo Xukuumadooda ay doorteen.

Amb. Kaysar Cabdilaahi
Bristol. UK
kaysar@europe.com