Jamaal Cali Xuseen waa siyaasi xanaf qabiil ka arradan loona baahanyahay in ay saxaafaddu dhawrto

Cabdirashiid Cabdiwahab
Cabdirashiid Cabdiwahab

Murashaxa madaxwaynaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Jamaal cali xuseen,ka suurtawdo inuu ku kaco talaabooyin lidi ku ah geedi socodka dimuqraadiyadan curdinka ah ee ka hana qaaday wadankan yar ee ka ifaya geeska Africa,waa masuul aan ku abtirsan oo ka maydhan diiftii  dagaaladii sokeeye ee wadankani dirqiga kaga soo kabtay. Cida maanta bulshada kula dhex wareegaysa Jamaal dagaal sokeeye ayuu wadanka ka ridayaa waa rag ku guul daraystay inay qalinkooda horumariyaan magac qolfoof ahina dul sudhanyahay oo hadhsanaya,waa rag aan soo dhagaysan xantooda iyo waxa lagu dacaayadeeyo kuna qanacsan meeqaamka hoose ee reernimada lagu geeyay waa ragii la filaayay inay sida Jamaal hiigsadaan hogaanka dalka.

Nolosha adag ee inalasoo daristay wakhtigan  oo aad u qalafsan loogana baahan yahay inaan wada jir kaga baxno ayaa waxay kala dhantaashay oo xigmad guurisay qalinlayda iyadoo dhaxalsiisay in qaarkood lagu guuro iyadoo laga faa,iidaysanayo caloosha oo laga haysto,oo ay isku arkaan inay ku dalacayaan waxka sheega bulshadii laga soo dhex magacaabay ee qalin layda,waxaana dhawaanahan warbaahinta aad ku arkaysaa nin suxifi ahaa oo la shaqaalaysiisay una shaqeeya xukuumada oo qalin ku weeraraya dhigiisa ay wadaagaan qalinka,kaga darane, aan wax macno leh ku sheegayna taasoo ka bixinaysa tarjumaad aad u liidata oo meeqaamkiisii iyo haybadiisii iyo tii saxaafadaba meel ka dhac ku ah,waxaanad moodaa in Jamaal kaga baxay qandaraas lacageed oo uu ubalan qaaday oo ay wanaagsanayd inay sidan si ka duwan dalabkooda ugu qortaan Murasha m.xisbiga UCID.

Jaraa,idka Jamhuuriya wuxuu ka mid yahay jaraa,idadii ugu horeeyay ee wadanka ka hana qaaday,waa aabihii iyo hooyadii saxaafada xorta ah qoraalada noocan oo kale ahina waxaay qaawinayaan ixtiraam la,aan ilaa xad ah oo ku abtirsanaysa guulwadayn,irsiq ku raadsi iyo iyadoo milgihii iyo dhex dhexaadnimadii saxaafadeed  meesha ka baxay,waxay si horleh u iftiiminaysaa oo ay daaha ka rogaysaa in jamhuuriya noqday Dawankii labaad iyo baalkii labaad ee xukuumadu ku duulaysay,waxaanay bulshada tusinaysaa in si dadban mushahar loogu qoray suxufiinta jamhuuriya oo dhawaqa ay bixinayaa uu yahay mid la mid ah ka xisbi xaakimka iyo masuuliyiinta laga qaatay isla Jamhuuriya ee ka hawlgala xafiisyada dawlada iyo xisbi xaakimka.suxufiyiina Jamhuuriya waa niman iga mudan ixtiraam iyo qadarin laakiin waxaan u arkaa in masayrkoodii iyo shuruucdii suxufino ku sii wiiqmayo,laguna duudsiinayo boqolaalka biilka ah ee maskaxdooda sida xurmo darada ah looga tuujisanayo,ee ay ku aflagaadaynayaan muwaadin xor ka ah qabyaalad oo si qaar ah u matala bahwaynta qalin ku dirika ah.wariyaasha jamhuuriya waxaa looga fadhiyay inay aasaan xanaf siyaasadeed ee sida kama ah uga soo baxda Jamaal laakiin waxaad moodaa inay xiqdi ku yihiin musharaxnimadiisa waxaanad moodaa inay iyagu yihiin cidii ay Jamaal loolamayeen, ee fadlan dhex dhexaadnimadii ku soo noqda oo bulshada fikir qaldan ha iska galinina raali galina ka bixiya waxaad labada cisho ku soo daabacdeen una badala qoraaladiina barnaamijyo caqli gal ah oo sumacdii iyo karaamadii jamhuuriya bulshada ku lahayd soo celiya.

Jamaal cali xuseen waxaa uu maanta ka haystaa taageero buuxda dhalin yarta cilmiga la saaxiibka ah,iyagoon hab qabiiliya ku taageerayn,ogsoona in Jamaal yahay ninka kaliya ee hogaan hufan noqon kara,cilmi iyo waayo aragnimana u leh maamul wanaag saldhig u yahay daacadnimo iyo hawlkar.

Waxay yaab iyo afkala qaad ku noqotay bulsho waynta kala duwan ee ku dhaqan caasimada gaar ahaan inta qalinka la saaxiibka ah kadib markii ay aroornimadii 14/11/12kii ka daalacdeen wargayska Jamhuuriya qoraal kabshankiisu aanu ku jirin gudaha akhriska ee aad moodo in laga soo daba tuuray qoraalka intiisa kale oo telefan loogu yeedhiyay ninkii maalintaa dhigayay wararka kaasoo lagu bahdilayay aqoonyahan Jamal cali xuseen oo lagu sheegay inuu dagaal sokeeye ku hal qabsaday. Waxaa isqaban waayay Jamaal iyo dagaal sokeeye oo aan isku qaban bulshada waayo,bulshadu waxay ka dharagsantahay in Jamaal ay luuqad qalaad ku noqonayso kalmada Dagaal sokeeyo [civil war] oo ay ubaahantahay in loo fasiro.

Akhristaw,Jamaal wuxuu ka mid yahay qoraayaasha caalamka waxaana meel kasta ka buuxa buugaagtii uu qoray oo bulshada waxtar u ah, oo waliba intabadana ay isku madadaaliyaan, wuxuu kaw kayahay somalida qalin ku dirir ka ah.

Guntii iyo gabo gabadii Jamaal cali xuseen waa siyaasi ka fayaw dagaal sokeey iyo qabyaalad waxaanay ku tahay halxidhaale sidaa darteed waxaa looga fadhiyaa inay dhawrtaan saxaafada uu bahwadaagta layahay.

Abdirashiid SH c/wahab SH Ibrahim [biqil] Ganni94@hotmail.com , biqil123@gmail.com tell: 9101710 somtel,   4620929 telesom.