JACAYL AAN JAHO LAHAYN

Abuurka noolaha waxaa uu ka unkamaa oo Alle ku jaan gooyey lab iyo dhadig taas oo ay ka siman yihiin noolaha oo dhami. Caadi ahaan waa dareen ka dhashay doonis iyo jamasho nafsiyadeed, xidhiidhka ugu adagi uguna xeesha dheeri waa kan qoyska ka kooban labada jinsi oo ah inniinyo ama midho beeridoodu anfici karto qoys ilaa qaran, marka laga ilaaliyo haramaha iyo naxli kasta oo korniinka wax yeelo ku ah. Dhinac kale mar kasta oo qoysku guul daraysto waxaa laga dhaxlaa utun iyo dhibaato nololeed ah taas oo samayn taban ku yeelata bulshada inteeda kale.

Dhaqan ahaan waxaynu ka soo jeednaa dad reer guuraaya jiritaanka qoysku waxa uu ahaa udub

dhexaadka noloshaa geediga iyo hayaanka u badnayd. Waxaa halbeeg u ahaa noloshaa karti iyo madaalannimo, qof kasta oo sifooyinkaa laga waayana waxa uu la kulmi jiray liidnimo iyo xaqiraad joogto ah.

Waxaana si gaara tijaabooyinkaa uga dhex muuqan jiray dumarka oo hawsha ay kalida ku yihiin qabashadeeda intay doonta ka badnayd ta ninka laga sugayo. Madaama oo ay waxaa soo hawli jirto waxaa qoysku ku iman jiray oo haasawe hoodu ka bilaaban jiray labada qof tijaabooyin lagu sameeyo garaadka qofka iyo intay garashadiisu gaadhsiisan tahay, taas oo isku soo dhawaan shahoodu ahaa wacyiga xaladaa ay wadagaan, waxaa kale oo haasawe hoodu ahaa mid ku qotoma xigmad iyo hal-xidhaale yaal macno iyo murti badani ka xanbaarsan.  

 

Marnaba may dhici jirin in qofku dareenkiisa si fudud oo hawl yar u gaadhsiiyo qofka kale ee damaca ka leeyahay, marka laguguulaysto hal-xidhaale yaashaa iyo furfuri dooda ayaa loo gudbi jiray guur iyo dhisme qoys. Inkasta oo nolosha qoyska Soomaliga ahi ku salaysnayd dhaqanka ahaan mid adag ah oo aan naxariis iyo kalcayl ka dhex jirin haddana wada jirka qoyska , waxaa dabar u ahaa waajibaadka qof kastaa leeyahay oo uu ka soo baxo iyo is fahankii hore ee labada qof oo ahaa mid ku dhisnaa run iyo xaqiiqda duruufta marka jirtay la jaan qaadi karasay.   

Dhallin-yarada hasaawe wadaagta ahi maantu waxay la nool yihiin jacayl aan jaho lahayn; Dhaqan ahaan iyo akhlaaq haan waxaa jira isbadal weyn oo kii hore wax badan kaga gadisan, saamaynta ugu badana waxay ka timid isku xidhka Tiknoolajiyadda bulshada oo ah mid si fudud laysku heli karo, hawl badana aan qadanayn in la abuuro sheeko wadareed midab kalcayl leh iyo isku geynta dareenkii kalida ahaa taas oo noqday mid jaantaa rogan ah.  

Haddii waagii hore haasawuhu ku bilaaban jiray hal-xidhaale yaal fahankoodu ahaa kolba sida looga falceliyo maanta xaalku waa is badalay waxaanu noqday in maalin galinkeed lagu abuuro doonis isku mid ah oo aan lahayn minqiyaas laga amba qaado. Waxa kaliya ee isku soo jiida labada qof waa isdhaafsiga dareen ay ku lamaantahay neecaw macaan iyo erayo qurux badan oo haddii ay waari lahayeeyn liibaan badan laga dheefi lahaa, balse waxay noqdeen kuwo aan raandhiis lahayn dhaaf siisanayna afka baarkiisa. Faca maanta jiraa waxay abuureen halku dhigtiyo jacayl oo aaan tiro lahayn kuwaas oo aan xaqiiq iyo jiritaan dhaba midna lahayn kuwaas oo ka dhashay laab la kac iyo dhalanteed been ah oo aan sal lahayn.

Ugu danbayntii waxaa lays tusaa muuqal ah in qoys la binneeyo iyada oo aan lays dul taagin qorshahii qoys yeelan lahaa kaliya waxaa dhismaha qoyska aas aas u ah caadifad iyo odhahyo sixir ah oo midba kale qalbigiisa ku gannay. In yar marka la wada joogo waxaa la wajahaa xaqiiqdii dhabta ahayd waxaana gudha mar kaliya shucuurtii jacaylka dhalanteedka ahaa, taas oo ku soo afmeerantaa burbur qoys iyo isnac quus ah.

Xalku muxuu yahay? Waxay ahayd in jawiga horaba laga fikiro oo lays tuso sawir dhaba oo la ogyahay qiimaha shaygani leeyahay iyada oo kor iyo hoosba loogu dhaadhacyo . Ugu danbayntii waxay ahayd in lala falgeliyo la guna dhalaaliyo doonis wadareed aan go’ayn engegeyna waayo badan.

 

 

 

W/Q: C/raxmaan Colaad Cumar Jeex

Email: rafiiq2@hotmail.com