Jaamici Jahawareersan!!

 

“Jaamicigii is beddel unki lahaa, isaga ayaa la baddelay. Jaamicigii jiho cusub jeexi lahaana, isaga la jahawareershay.”

 

Haddii la heli lahaa jaamici aan jiifin ee soo jeeda, dhiijinaya oo tuujiya maskaxda, maroojinaya maanka si uu uga miiro muud malab ah waxa iman lahaa horumarka maanta iyo kan berrito oo is barkan.

Jaamiciga marka aan leeyahay macnaheedu ma`ahan  aqoonyahan; waayo jaamici oo dhammi ma`ahan aqoonyahan, aqoonyahan oo dhan na ma`ahan jaamici.

 

Jaamiciga maanta

 

Is lebiska, is qurxinta iyo is tusnimada ayaa  wehel ii ah. Fikirka dhalin aragti hor leh oo cusub, gaadhitaanka han hiigsi leh iyo horumarka naftayda iyo dadkaygu waa mid aannan mar na ba haabka ku hayn kuna han weynayn. Ma fikiro , wax ma falanqeeyo umana fiirsado fikradaha la ii soo waarido ee si bilaa dhugmo ah ayaan u qaataa una dabaqaa kumaan ahay? Yaa kala dee: jaamiciga maanta .

Dhaqankayga waan ka faanaa, ku qalaad na waan u foofaa. Diintayda iyo dadkayga ma difaaco mana daneeyo se waan deeddafeeyaa. Eexdiyo qabyaaladana ma damiyo mana dambabaso  ee dabkaan ku sii huriyaa. Hadba xaabo iyo xansas na qaylo dhaanta reernimo ayaan uga dhigaa. Hurinta colaadaha iyo isku dirkana waan ku diirsadaa ba.

Annaaniyada iyo in aan ahaado aafeeya afka u dhigta arsaaqda agoonta, islaamaha iyo itaal daranta loogu talo galay waa mabaadiidayda . Ani nin yidhi dad isugu sarreysiina waan idhaahdaa oo ku hadaaqaa kuna haraad baxaa .

Qishka iyo khiyaanada ma qarsado mana aamminsani in wax dhibaato ahi ku sugan tahay balse, waxan u arka sallaan lagaga gudbo duruufaha iyo dac-darrooyinka adag.

Waxan ahay nin wax dhaliila, shay kasta oo dhaayaha aan ka qaadana dhib iyo dhalan-dhool ka sheega, dhiilo na ka muujiya mana keeno dhaliisha xalkeeda `e  jaamcinimadayda ayaa ku jaan-go`an dhaliil aan xal dhaxal gal ah keenin. Haddii aannan fal kasta dhaliil huwin soo bilaa qaddarin noqon mayo, dadkuna iga quusan maayaan oo iga aammin bixi maayaan.

Niyad jebinta , arrin la`aanta iyo rejo tirka waan ku talax-tegay kuna tagganahay waana hawlaha sida hagar la`aanta ah aan u hayo. ka murugaysiinta iyo qalbi madoobaynta dhalinyarada waan ku istareexaa. Arrimahaas aad ayaan ugu dhago nugulahay maqalkooda uguna dhago raarriciyaa. Waxaan ku dhiijiyaa dhalinyarada hadba wixii dhinacooda dhulka dhigaya.

Dadku markay  jaahayga arkaan way is dhuubaan, is dhiibiyaan oo banneeyaan jidadka alla maxay abaal igu leedahay jaamicinimadaydu. Waan jeclahay, cidii la hadasha waan jafayaa oo jarayaa ,juuq dambena laga maqli maayo.

Jaamicinimadayda waan jeclahay , waa janno aan jihaad loo marin.

 

 

w/q: jibriil jirde cabdi

Facebook: jibriil jirde