Jaamacaddaha Dalkeenna Kusoo Badanayaa Waa Guul u Bidhaantay Dadkeenna

Jaamacadaha dalkeenna kusoo badanaya waa guul u bidhaantay dadkeena maqaalkii ee maanta
in baddan oo aqoonyahankeena ka middii waxa ay dhaliilaan jaamacada dalkeena kusoo baddanaya,in baddan oo ka midiina waxay soo hor fadhiistaan muuq baahiyayaasheena kala gadgadisan,iyagoo ku dooda ama dhaliil u huwiya jaamacada dalkeena hooyo.

Isla aqoonyahankaasi haddii ay ka hadli lahaayeen ragii is urursadey ee qaran dumiska ahaa iyo kuwii xukuumada iska casilay markii horena qaaday dariiqa faashilnimad waxbaba may ahaateen.

Dalka india ayay ahayd,markii ay kacdoon waxbarasho ka bilaabmatay, jaamacuduna soo buux dhaafiyeen meel waliba,iyagoona in baddanina calooshuudu  madhantahay in badani la tiicayaan faqri fara badan maanta india waxa ay ka mid tahay wadamada awooda leh dhaqaalaheeguna sare u kacsan yahay waa hubaal in cida horumarkaasi keeney inay yihiin  jaamacadiihii dalka ka tisqaaday.

Hadda waxa muuqata saansaan iyo jaamacado baddan oo dalkeena ka tisqaaday  intay in baddani,cawjad sidan lahaayeen waxa u roon inay shahaado sitaan,intay in badani dube sidan lahaayeen waxa u roon inay shahaado sitaan tana waa kacdoon cusub oo midhaheega la gaadhi doono.haa waa sidaa waanan hubaa inay iman doonto.
ninka buurta hoosteeda
dhamaantii ka heesayoow
dusheeda nollol haboon

 
salaam
hamse riraash

hamse riraash <hamseriraash@hotmail.com