Jaahilnimadu Waa Nimco – W/Q: Xaliimo Cabdi

Ma ihi dadka Warbaahinta wax ku qora, ama wax ku caaya, mana jecli in aan sifada noocaas ah oo kale la igu barto, balse waxyaabaha qaarkood bay adag tahey in aad qarsataa, gooraha qaarkood baad ka fursan weydaa in aad cid u jawaabto, waana halkii uu Abwaan kii weynaa ee Salaan Carabey:

Haddaad dhimato geeridu marbay nolosha dhaantaaye

Dhaqashiyo mar bay kaa yihiin dhereggu xaaraane

Dhedigaansho waa ceeb inaad dhamagsataa meele

Dhadhan malaha aadmigu wuxu kugu dhalliilaaye

Nin dharbaaxo quudheed dugsaday dhaqayaded maalye

Dhashaaday sugtaa xaajadaad dhawrataa abide.

 

Ta maanta igu kaliftey in aan maqaalkan kooban u soo diro saxaafada Soomaaliland ee xorta  ahi, horta taa weeye. Waxan muddoba caado ii aheyd subaxa markaan shaqada soo galo inta aanan wax kale furin in aan raadsado maqaalada taxana ah, ee sida farsameysan u agaasiman  ee Qoraaga weyn ee Boobe uu soo saaro, runtii dadka qaar ba ujeedo ayay u akhriyaane anuu hal mid uun baan u jecleysan jirey, taasina waa mid marka horeba aan xaq u lahaa in aan helo oo saxaafada xorta ahi ii sahasho in aan helo, taasi oo ah sida hawlaha maamul ee xukuumada Siilaanyo “Dhagaxyo Cas” ay u gudato xilka balaadhan ee umadu u gacan galisay, nasiib darose maalin kasta quus iyo qoomamo cusub bay igu soo kordhisaa oo waxay sii diciifisaa dareenkaygii marka horeba duruufaha nololeed nugleeyeen, kashkeygii kuleylka badan ay ku hayeen karti darada hadhaysay badi hay’ada dawladu. Dhawr arimood baan rabaa in aan daboolka ka qaado, igama aha qof jeclaysi, igama aha mucaaridad, igama aha in aad cid dhaleecaynayo. Kooxda maqaaladani khuseeyeen oo ka soo kala jeeday badi Gobolka Gabiey, Awdal iyo Hargeysana midna lama heyb ahiye ceelka Burco ayaa xuduntaydu ka soo jeedaa.

Waa iga arar oo waxan ogahey inta meeli bugtaa in ay balbali doonto uuna isweydiin doono tolow waa qoloma, waa mid ka mid ah aafooyinka ina heysta oo qof baad iskaga nacasaa uun cida uu yahey, qofna waad iska jeclaanasaa uun cida uu yahey, hada qofna ma dooran cida uu yahey. Aan ka socdo maqaalkeyga.

Muddo aan akhriyayey maqaalada taxanaha ah ee Boobe waxaan yaqiinsadey in xukuumada Siilaanyo tahey midi ugu liidatey ee ina soo marta, in ay ku fashilantey dhamaan wixii dawladnimo laheyd, in ay hogaaminayaan dad aan aqoon laheyn, aan wadaniyad laheyn, aan diin u ehel ahayn, aan daacadnimo aqoon. Waxan aad uga xumaadey qaabka awoodii maamul ee dawlada loogu tagri-faley, godobta loo sameeyay dadka aan waxba geysan ee codkooda eeday… Awooda maamul waa heybad iyo sharaf mudan in cid kasta oo lagu maamuusaa ilaaliso waana sida beedka oo hadii ay mar jabto dib looma unki karo, waxan aad uga murugooday sheekooyinkii ka dhici jirey nidaamkii daaquudka ahaa ee Siyaad Bare oo mid tii la mid ah maanta lagu dhaqmayo, waxan isweydiiyey beesha aan ka soo jeedaa (beelaha dhexe) ee Soomaaliland miyey ka aqli badan yihiin beelaha ay biyaha wada caban ee baalaha.. bal ufiirsada oo Madaxweynihii dalka oo inan yar oo reer Boorama ah dagaal kula jira, bal isweydiiya inan kaasi xuquuqdiisii cida la weydiinayo, bal u fiirsada Ingineerka Idaacada ee jaahilka ah ee reer lagu shaqo-geenayo, miyaaney ceeb inagu aheyn iyada oo aan hubo boqol injiineer

oo beeshaa ahi in ay shaqo-la’aani suuqa naanaabayaan, bal u fiirso dhaqanada jirida, iyo jidhxunimada badan ee ay ku dhaqmayaan kooxda xero-weydaarku….waxa intba ka sii daran Jaahilka murakibka ah ee loo magacaabay Jariirada meesha lagu akhristo aaney jirin ee Dawan anuu waxan u aqaanaa “Duwan” ee isaga oo is leh jawaab waxa uu qorayo xitaa aan garan in uu ugu yaraan af-soomaali saxa uun uu wax ku soo qoro.

Waxa intaba ka sii daran ninkan yare e aan umadu meel ay ku dooratey jirin ee xil aanu qaadi karin qoorta loo galiyey…. Ee aan fahmi karin masuliyada uu hayaa waxa ay tahey, waxa ayan darro iyo eedaad maanta Soomaaliland ugu filan in uu maamulo qof aaney dooran, aan loo codeyn, jaahil aan aqoon, dadnimo iyo dawlad waxba ka aqoon, bahal ku soo ababey xerooyinka qaxootiga ee kurtinwaarey iyo Yiroowe.

Waxa layaab leh awoodii maamulka, karaamadii shacabka oo loo adeegsadey in qof lagula

dagaalamo, bal u fiirsada hantidhawraha guud ee garan la’ shaqadiisii ee kolba qof dan gaar

ah laga leeyahay lagu karbaasho, halkii uu ka noqon lahaa hay’ad maamulka toosisa, loo

adeegsanayo hay’ad cidii dilayo lagu gawraco, halka dadka kale aanu taaban karin, bal bu

fiirsada eeda inankaa yare e miskiinka ah lagu heysto ee cidii heshiiska saxeexday lacagta in la

bixiyo ogolaatey ay Golaha Wasiirada ka midka tahey, muxuu galab sadey? Handi-dhawruha

shaqadisu ma eed u sameyn cid aan eed laheyn baa?

Gunta iyo gaba-gabada maqaalkeygan kooban waxaan ku soo afmeerayaa “JAAHILNIMADU

WAA NIMCO” hadii qofku aanu fahmi karin waxa ay masuuliyadu tahey, hadii aanu garaneyn

in masuuliyada uu tuurta u ritey cirka iyo dhulku diideyn, hadii uu ogaan lahaana aanu

midh Dhiig ahi ku dhibceen… balse isaga oo qaafilka ah waxaasoo dhan uu si mug leh ugu

raaxaysanyo awooda maamul, uu ku hodmayo dhuuniga xaaraanta ah, uu ku aflaxayo beenta

iyo dus-duska ay ugu badiso dhaqanada jirida ah, miyeynaan odhan karin Jaahilnimadu waaba

nimco!!!!!

By: Halimo Abdi Haji

E-mail: halimowacan@hotmail.com

Hargeisa, Somaliland