Iscasilaada Dr. Maxamed Cismaan Fadal Waa Xeelad Kale! – W/Q: Idiris Haybe Faarax

Waxaan arkaynaa xeelad siyaasadeed oo siyaasi xisbiga WADDANI ka tirsani oo la yidhaahdo DR. Maxamed Cismaan Fadal uu doonayo inuu shaadh kale u soo xidho xukuumadda Somaliland.

Siyaasigan oo iska casilay Xoghayihii Arrimaha dibada ee xisbiga WADDANI, waxa uu sheegay in iska casilay xubinimadii iyo xilkii xisbigaasi uu ka hayay sanad iyo badhkii u dambeeyay oo uu ka mid ahaa la Taliyeyaasha sar-sare ee jaan-gooya siyaasada xisbiga WADDANI.

Dr. Fadal waxa uu doonayaa oo u diyaar ah inuu xubin ka noqdo komishanka doorashooyinka qaranka, oo xisbiga WADDANI ee uu ka tirsan yahay u magacaabo xubinta ay soo magacaabayaan ee komishanka doorashooyinka ee cusub. Waa kaarto siyaasadeed haddii ay u hirgasho xisaabta WADDANI Isku gey-gaystay.

Dr. Maxamed Cismaan Fadal ma buuxin karo shuruudaha xeerka doorashooyinku dhigayaan,oo qora in xubinta loo magacaabayo Komishanka doorashooyinku ay noqoto mid dhex-dhexaad ah oo aan ka tirsanayn sadexda xisbi qaran midna. Sidaas darteed isagoo raadkiisii siyaasiga ahaa iyo saamayntiisii xisbiga WADDANI sii muuqdo caqli gal ma noqonayso in loo magacaabo xubin Komishan doorasho oo dhexdhexaad noqon kara.

Madaxweynaha Somaliland Mudane Ahmed Mohamed Mohamuud (Siilaanyo) oo ah siyaasi ruug cadaa ahi ma aqbalayo inuu ansixiyo siyaasigan shaadhka kale doonaya inuu inoo soo hagoogto, ka dibna waxay doonayaan xisbiga WADDANI ay halkaasi muran hor leh oo doorashooyinka ay leeyihiin wadanka ha laga qabto dib u ridi kara. Waayo waxay odhan doonaan Madaxweynaha ayaa nagu soo celiyay xubintii aanu Komishanka u magacownay.

Waxaan leenahay madaxweyne ha ka yeelin axsaabta inay kuu soo magacaabaan xubno siyaasiyiin ah oo ka tirsan xisbiyadooda, hase yeeshee waa inay xilka xubnaha komishanka labada xubnood ee mucaaridku soo xulayaa ay noqdaan qaar dhex dhexaad ah oo aan siyaasadda ku jirin intii muddo ah isla markaana buuxin kara shaqada culus.

 

Idiris Haybe Faarax