Imtixaanaadka: Jeermiska Ugu weyn ee dilla Waxbarashada!

Akhriste marna ma is weydiisey macnaha ay ku fadhiyaan imtixaanaadku!

Korodhka aqoonta ardeyga intee in leeg ayey ka qeyb qaataan? joog! Su’aal?; maka qeyb qaataan horta korodhka aqoonta ardeyga imtixaanaadku?! Mise waxa ay si dadban u tiraan aqoonta ardeyga isaga oo aan dareen saneyn?

Qormadan kooban waxa aynu ku faaleyn doonaa kaalinta imtixaanaadku kaga jiraan wax-barashada, iyada oo aynu inta ugu badan xooga saari doono Dugsiyada Hoose/dhexe oo aan muddo 4 sanno ah macalin ka ahey.

Sooyaal ahaan imtixaanaadku waxaa la tilmaamaa iney ka soo bilaabmeen wadanka shiinaha ka hor dhalashadii Nabbi Ciise(N.N.K.H),iyadoo la odhan jirey imtixaanka imbaraadooriyada kaas oo boqorku 3dii sannaba hal mar shaqaalihiisa ku tijaabin jirey. Waxaa sidoo kale xusid mudan in reer yurub ka isna usoo talaabey imtixaanaadka noocaasa qarnigii 18aad iyadoo ay soo min guuriyeen diblumaasiin iyo wadd’aadadii diinta kiristaanka faafin jirey,waxaana taariikhda markii ugu horeysey dalka U.K ka fuliyey imtixaan nooca shiinaha oo kale ah shirkad la odhan jirey(East indian Company) taas oo iyana ku tijaabineysey shaqaalaheeda,waxaana fikarada noocana la dhacdey boqortooyada U.K iyadoo si rasmiya 1855 ugu dartey nidaamka tijaabo ee ay maraan Shaqaalaha loo qaato Shaqo qaranta.

Waddamada islaamka kama aysan jirin wax imtixaano la odhan jirey,ardeykastaa shiikha uu rabo ayuu six xor ah uga dhigan jirey kitaab uu u baahdo,marka uu dhameeyana waxa uu ka qaadan jirey cadeyn sheegeysa inuu kitaas ka dhigtey(marsadey).

Guud ahaan inta kor ku xusan waxey inoo tilmaameysaa in qarniyadii aqoonta iyo ilbaxnimooyinka aysan jirin wax la odhan jirey imtixaan ,hadii uu jirana uu ku koobnaa shaqaale shirkad ama mid dawladeed kaasina uu san la mid ahyn ka aynu maanta dhalaanka soo barbaaraya ciqaabta uga dhigney.

Fikrada ah in nidaamka wax-barasho sidan imtixaanku uga mid noqdo waxaa la sheegaa inuu lahaa John Dewey oo mareykan ahaa kaas oo dhamaadkii qarnigii 19aad layimi fikradan aan aaminsanahey iney aad u gurracan tahey,noqoteyna mid kamida dhibaatooyinka ugu waaweyn ee hor istaaga korodhka aqoonta ardeyga sidoo kalena ka qeyb qaata naceybka ilmuhu naco wax-barashada.

Imtixaanaadku waxa ay noqdeen sidii budh-caddii oo kale kuwaas oo sameeya Jid- gooye ,kabacdina dadka kala hadha dhamaan alaabti iyo quudkii ay siteen siina daaya iyagoo faro madhan.

Imtixaanaadka dugsiyada ee sanadkiiba 2 jeer(teeram) lagalaa waxey si cad ardeyga uga saacidaan inuu ka takhaluso aqoontu soo baraneyey 5tii bilood ee lasoo dhaafay, (5 ta bilood ee ka horeeya Imtixaankasta).

Imtixaanku waxa uu guud ahaanba wax-barashada ka qaadaya xoriyadda.

Ardeygu waxa uu noqonayaa mid cabsi la nool,ka fakaraya sida uu imtixaanka u baasi lahaa ama natiijo fiican u keeni lahaa.

halkaa hadda aad ugu fiirso waxaa si dadban uga baxey hadafkii wax-barshada ee ahaa in aqoon uu helo ardeygu,waxaana booskii soo galey sidee dhibco wacan u keenta taas oo macnaheedu noqonayo dadaal iyo karti badan waxaad u gashaa sidaad uga gudbi leyd fasalka aad fadhido ama aad ugu ba sareyn laheyd waa isku mid’e.

Tani waata dhalisa in fasax kasta oo ardeydu dugsiyada kusoo laabtaan ay ku qaadato ardeyga ugu yaraan 2 bilood inuu dib u helo booskii uu tar-tanka wax-barshada kaga jirey,qaar kale oo sanadkii hore aad u fiicnaana sanadka xigga ay noqdaan kuwa ugu liita wax-barashada fasalkooda,sababtoo ah hadafka sanadkii hore wax loo bartey ayaa ahaa imtixaan.

Imtixaanaadku waxa ay ardeyga guud ahaanba u horseedaan akhris la’aan iyadoo aynu og nahey muhimada akhrisku u leeyahey wax-barashada.

Imtixaanku waxa uu ardeyga ku dhiiri galiyaa in akhrisku yahey wax uusan u baah-neyn hayaankiisa wax-barasho ee uu maalmaha imtixaanka uun sameeyo,waana sababta keenta ineynu xilliyada imtixaanaadka misaajidadda ku aragno tirro badan oo ardey ah sameeyana akhris wadareed.

–waxaan is weydiiyaa ardeydaa maxaa aynu wakhtiyada kale iyagoo akhris sameynaya u arki weynaa?– dabcan jawaabtu waxa ay tahey akhrisku ugu ma jiro nidaamka waxbarasho ee imtixaanka ayuun baa keena,ka xeeyana.

Imtixaanaadku waxa ay si fudud sanadkasta u go’aamiyaan kumaan kun oo caruur ah mustaqbal kooda,iyadoo lagu kala saaro laba kalmadood “WAAD DHACDEY!” iyo “WAAD BAASTEY!”, (Imtixaanaadka Shahaadiga ah) si fudud oo aad u fudud ayey kalmadahan midina ardeyga nolasha uga ridaa ,takalena ardeyga u weydaarisaa hadafkiisa wax-barasho.

Dugsiyadu waxa ay u furan yihiin iney farxadda nololeed ee ilmaha qeyb weyn ka qaataan,se ma fileysaa ardey ay sugeyso WAAD DHACDEY! Inuu farxad goobtaa ka heleyo.

Imtixaanaadku waxa ay noqdeen shay macalimiinta qeybo kamid ahi u adeegsadaan ciqaab iyo aar-goosi iyagoo ardeyga ugu hanjaba hadii casharka ay dhageysan waayaan uu imtixaanka kusoo darayo waxeyna si fudud ardeyga ugu jiheysaa kalmadaha noocasa dhankaa iyo in hadafka wax-barashadu yahey Imtixaanka.

Wakhtigan aynu joogno waddamo badan oo reer galbeed ah waxa ay gabi ahaanba nidaam-kooda wax-barasho kasaareen ‘Imtixaanaadka’ kuwa kalena waxa ay u aqoon sadeen inuu yahey waxaan muhim ahyn ardeyguna gali karo iskana deyn karo,wax go’aaminana uusan ku laheyn inuu ardeygu ka gudbo fasal hebel una gudbo fasalka xiga.

Wadamadda gabi ahaan ka takhalusey imtixaanaadka waxaa kamid ah wadanka yar ee la dhaho FILAND ,waa wadanka aduunka ugu Tacliinta wanaagsan,heerkan ma aysan gaadhin ilaayo ay qoddobo dhawr ah fuliyeen oo ay kow katahey in meesha laga saaro imtixaanaadka.

Waxaa ay reer FILAND yidhaadaan “ Anagu ma haysano shidaal laakiin waxa aanu leenahey nidaam wax-barasho oo wanaagsan” waana ka manta aduun kuba ugu dabo fadhiyo,waalid kastaana ku hammiyo in ilmihiisa uu geysto dugsiyada FILAND.

Dr. Pasi Sahlberg oo ah maskaxda kadambeysey nidaamkan cajiibka ah ee filand ayaa waxaa uu ku xusayaa buugiisaa ‘Finnish-Lessons’ in nidaamka dawliga ah ee waxbarshadu yahey GERMS(Wasakh) wuxuuna ka soo dheeganayaa xarfaha ugu horeeya ee ( Global Education Reform Movements) isagoo si weyn ugu talinaya in nidaamkaa laga takhaluso si loo abuuro jawi wax-barasho oo aad u sareeya.

Maadooyinka faraha badan, imtixaanada iyo laylis yada joogtada ah,badinta wakhtiga xiisadaha,macalin guriga(Home-teaching) iyo dhigashada maadooyinka qaar si gaara dhamaantood Dr.Pasi sahlberg waxa uu tilmaamayaa iney yihiin Germs dillaya waxbarshada sababtoo ah waxa ay macalinka iyo ardeygaba ku keenayaan daal fara badan. Waxa uu markasta Dr.Pasi sahlberg ku cel-celiyaa in wax-barashada muhimadeedu tahey dhisidda dhaqaale adag iyo ilaalinta dhaqanka uu leeyahey waddanku.

Ugu danbeyntii qormadan kooban waxaan akhriste jeclaystey inaan kugu soo gudbiyo dhibaatada imtixaanaadku u geystaan wax-barshada,hadii aynu eegno

Dugsiyadeenana waxa aad si weyn uga dhex arki kartaa wax yaabaha aan kor kusoo xusey.

Talada ugu danbeysa waxa weeye inagu ka somaalilaan ahaan waxa aynu u baahan nahey isbadalo waa weyn oo dhanka nidaam keena wax-barsho ah, ha u fahmin mushkilada qudha ee hortaagan nidaam keena wax-barasho iney tahey imtixaanaadka se waa qeybta ugu weyn.

Fariinta ugu danbeysa waxa aan u dirayaa bahda wax-barashada oo ay ugu horeyso wasaarada Wax-barashada iyo Tacliinta sare muddooyinkii ugu danbeeyeyna wadey isbadalo dhanka nidaamka wax-barasho ah sidoo kale aqoon yahan ka takhasuska gaar ah u leh mawduucan iney innagu hogaamiyaan nidaam wax-barasho oo inoo horseeda horumar dhaqaale,caafimaad iyo mid tignoolajiyeedba.

Wa billaahi tawfiiq.

W/Q Axmed Mustafe Cali

Axmedmost@gmail.com