Imtixaan: Waalid Walad Waalan Heysta – W/Q: Ceelaabe

MaqaalNoloshaa ah Ayaamo qofba si ku soo Mara.Samirka Ayaa u ah waxa qudha ee La rabo in lagaga dabaasho Maalmo badan oo ay kula kulmayaan wax aanad sugeynin ama Fileynin.Qadarka iyo Casharada Nolosha Ayaa qofba Waayo gaar ah u leh,Qof kastaaba Farxad iyo Naxdin,Murugo iyo WarWaro kala duwan,Masiibo iyo Arimo Midba uu la gaar yahay Ayaa ku qabsan doona inta uu ku Jiro Ayaamaha uu noolyahay Cimrigiisa.Waad Arkeysaa Kuwo aaney waxba ku dhicin oo ka sareeya wax kastana Heysta,Waad Arkeysaa kuwo kaa Hooseeya oo kaa Liita,Kuwo kula Mid ah,Kuwo Dhibaateysan,Danyar ah,Faqiir iwm.

Sida loo Heli karo Hooyooyin badan oo heysta Caruur Caafimaad qabta oo u shaqeyneysa,Farxad geliyey ama ay ku fanaan Ubadkooda oo u wanaagsan ama ilaahey u ilaaliyey Ayaa kuwo kalena Caruurtii ilaahey siiyey lagu dhibey,ku waasheen oo ay Xanuunkooda la silcayaan.Qaar badan Ayaa ubadkii ka beermay oo aan shaqeysanin ku dulbiilaya Dumar iyo caruuro ay sameysteen.Hooyada Wiilkii ama labadii inan ee ay sugeysey Markii ay kaalin galeen Cudurka dhimirku kaga dhacey waxa ku furmaya Walbahaar iyo Warwar nololeed oo ay u sii dheertahay Niyad jab iyo nolol adag.

Xaafado badan oo Magaalada ku yaala Ayaa lagu dhex Heystaa Caruur ama rag waalan oo Hooyooyinkoodii ay ku dhex ilaalinayaan.Immisa qof oo fikirka iyo waayaha noloshan adag,Shaqo la,aanta,Balwadaha sida Jaadka iyo sigaarka,Cibaado la,aanta,Waalid caasiga iyo Habaarka u waashey oo isla hadley,imisa Dadka hore u dhibi Jirey oo Dagaal iyo rabshad badnaa oo Inkaarihii dadku ay ku soo baxeen.

Maxaa Cilaaj Buuxi Jirey,Maxaa Rag ku jiri Jirey,Maxaa hooyo socota oo Cunto wada la arki Jirey.Maxey tareysaa ilmadu,Wuu waashey Ayaa ah Qadarka ku dhacey ilmaheeda ay is laheyd ku faan,dadkana ku dhex gal oo ha kuu shaqeeyo,Markaan maqlo Hooyo caruur waalan guriga ku heysata ama Dhalinyar aad Yaraantii is taqaaneen oo waashey ama Xanuuno dhimirka ah qaba Waad Naxeysaa oo aad u duceyneysaa Adiguna ilaahey ugu Mahadnaqeysaa Xiskaaga wanaagsan.

Hooyo inankeedii oo waalan Guriga ku dhex Diley oo Dhaawac ah Ayaan Maqley,kii ay soo   barbaarisey ee ay rabtay  in ay ku nasato Marka uu waasho ee ay iyadu dib u heyso iyada oo Gabow tagan waa Imtixaan.Cusbitaalada dhimirka iyo Cilaajyada waxa lagu haya,Aabayaal yo Rag dhalinyar ah oo xoog u noqon lahaa Reero badan oo ku soo tabcey,Waa Aduunyo,Waa Ayaamo,Waa Imtixaan,Waa Mid aan macno laheyn,Waa Qadar,Waa Mararka qaar dad is waalaya ama Naftooda balwadaha u hibeeyey oo ku dhex waashey.

Kuwo aan waxba heysanin oo aan laheyn wax caruur ah oo markasta ka fekira goorta ay wax u dhalan doonaan,Sannado badan Ayaa iskugu dul dhamaadey hadana ilaahey waxba kuma arsaqin Ayaa iyaduna imtixan ah haddii kuwo caruur la siiyey lagu imtixaaney.Xanuunada qariibka dadka ku soo dhalanaya iyo Caruuraha lacagaha loo uruurinaayo iyo qoysaska tabaaleysan ayaa Cashar noloshan ku jira lagugu tusayaa.Hooyooyin kale Tiro badan oo ay sagaal bilood sideen,Habeeno badana u soo Jeedeen Ayaa kada wada Saqiirey.

Dawo Joogto ah,Socod iyo Rafaad,Dagaal iyo Dhibaato badan oo Dhaqaale u baahan Ayuu iigu sheegay in uu kala kulmey Nin aanu saaxiib nahay Qof cilaaj kaga Jira oo Waashey.Wuu Baxsada,Mararka qaar marka uu dawada ku ladnaado ee aanu soo Deyno Ayuu u baxsadaa magaalooyinka kale Ayuu igu yidhi”.Waxase la Yaab ah in aad aragto qof dantiisa isku waaley oo xitaa dharka dhiganaya ama qof waalan dadka isaga dhiga suuqana Jooga haddana Fayow oo caqligiisu taam yahay.

Isku soo wada Duub,Ilaahey ha ugargaaro Qoysaska Qaar ka mid ah dadkoodii ka waasheen ee la silcaya,Inteena kale ee Ilaahey Maankooda aanu ka qaadina Mahadnaq ilaahey ha u celiyaan.Qoraalkana waa Mid igu beermay Markaan arkey qof waalan oo maalin guri lagu dhex hayey silsilada soo goostey oo dadkoodii daba ordayaan,Waana mid aan in badan Niyada ku hayey oo aan ugu talo galay in aan kula dareen wadaago Waalido aan garanaayo oo Dhalinyartii aanu isku lodka aheyn ee ka beermay Xiskoodii ilaahey ka qaadey.

Abdifataah Mahamed Ahmed

Ceelaabe_10@Hotmail.Com