ILLEYN KAMA DAWOOBOO CAASHAQU DAREEN IYO HAWL IGAMA DAAYEE

Doorashooyinka Somaliland ka dhaca oo Bulshada Caalamka loogu macneeyo kuwo xor iyo xalaal ah isla markaana u qabsooma si habsame ah oon dhibi ku jirin ayaa runtii ah kuwo dhaliya dhbaatooyin iyo masiibooyin badan. Sanadkii 2007dii, waxa deegaanka Daroor oo inkasta oo uu ka baxsanyahay xadka Somaliland hadana ay degaan dad kasoo jeeda Soomaaliland ka dhacay fadqalalooying iyo dagaalo sokeeye oo galaaftay in ka badan nafaha 200 oo qof. Arinta Dagaalka waxa si weyn loola xidhiidhiyay dooraashoyinkii waqtiga laysu diyaarinayay waxaanay ahayd arin siyaasi ah. Dad badan ayaa waqtigaas aaminsanaa in dawladii xilligaas iyo shaqsiyaad dano gaar ah watay ay si wada jira u shidayeen dabkii lagu hoobtay. Alle haka xisaabiyo cidii ku lug lahayd hurinta colaadaase waxaan rabay inaan halkan ku iftiimiyo hagardaamooyinka ay siyaasiyinta xalaashada dhiiga dadku ku hayaan shacabka xilliyada ay rabaan inay gaadhaan dano iyo guulo iyaga u gaar ah.

 Tiyaatarka Hargeisa oo in badan dayacnaa una burbursanaa sidii dalka loo soo galay ayaa Dawladii Daahir Rayaale madaxda ka ahaa sifo sharciya uga iibisay ganacsade Cumar Caydiid oo ah muwaadin reer Hargeisa ah. Waqtiyadaas waxa sidoo kale dad shacab ah laga iibiyay guryo badan oo ahaa hanti qaran oo maanta la wada dhistay kana mid yihiin Indian Line ku. Si lamid ah ayay mar kale dawlada Ahmed Siilaanyo ugu ansixisay ganacsadaha inuu sii wato Maalgashigiisa. Cumar caydiid waa shaqsiyad ku xusan horumarinta dalka kaalin weyn ayaanu ka qaatay dib u dhiska wadanka. Waxaanu maalkiisa u huraa wax ka qabashada kaabayaaasha dhaqaale ee Soomaliland iyadoo la wada ogyahay kaalinta muga leh ee uu kaga jiro Waddada Cad. Dhismaha aqalka weyn ee Tayaatarkii Hargeisa oo socday muddo badan waxa ku baxay lacag ah Malaayiin Dollar oo maalgashi ah waxaanu ku dhawyahay gabgabo. Iyadoo dhamaan qoraaladii sharci iyo dhukumantiyadii yaallaan ayaa mar dhexe Xukuumada Soomaliland Barxada guriga Tiyaatarka u ah Baabuur dhiga (Parking Space) ay usoo ansixisay mid ka mid hogaan dhaqameedka wadanka. Akhristoow bal u fiirso waa hogaan dhaqameed ninka mar kale loo soo sameeyay warqado lahaansho barxada baabuur dhiga guriga ganacsade Cumar Caydiid. Arintani waa iska hor keen cad oo ku qotoma dano siyaasadeed mana aha in dawladu ay Suldaan Habaar la damacsantahay dhul ay siiso. Boqolaal dhul oo muhim ah ayay xukuumadu hore uga faasaxday ganacsato iyo muwaadiniin kale ee maxaa loo soo abaaray dhismaha ganacsade Cumar Caydiid? Arintani waxay xidhiidh toos ah la leedahay doorashooyinka soo socda waana colaad hal abuurkeeda ay ka danbeyso xukuumada somaliland, xisbiga kulmiye iyo shaqsiyaad calooshooda u shaqaystayaal ah oo ka dhex macaasha durbaan u tumida colaadaha sokeeye iyo is naca bulshada dhexdeeda ah. Waxaana si sharci darro ah loo isticmaalayaa awoodihii dawladnimo.

Illeyn kama Dawooboo Caashaqu Dareen iyo Hawl igama daayee, isu eegaa abaabulkii colaadii daroor iyo ta maanta laga aloosaayo gudaha ceelka Hargeisa. Miyaanu dadkayga shaqaynahayn caqligoodu? Sidee maantana dadka intii is huranayd iyo xigaalkii laysugu diraa? Laakin se xabada maanta Hargeisa ka dhacda, yay dan u tahay? yaa si gaara ay u waxyeelaynaysaa? Yaa se ku macaashaya? Ahmiyada ugu jirta colaadan dawlada iyo xisbigeeda Kulmiye ayaa ah in lagu wiiqo awooda Xisbiga Waddani oo dawladu ka cabsi qabto inuu codad xooga ka heli doono deegaanada gobolka Maroodi Jeex. Caqliyada noocaas ah iyo siyaasadaas dhiigyo cabnimada ahna waa waxa dib u dhigay qaarada madow ee Afrika.

Guntii iyo gabagabdii, waxa la gudboon shicibka Soomaliland gaar ahaan inta ay arintani khusayso in si taxadir leh loo galo loogana arinsado arintan si dalkan looga badbaadiyo qalalaasaha ay siyaasiyiinta kursiga ku mamay ka wadaan.

Eng. Abdikarim Abdillahi Abdi

+252634122176