Hooyo Ma Layga Garanayaa? – W/Q: Khadar Cabdi Xasan(Gureyte)

hada sxbWaa goor galabnimo ah, asxaabta madashani kulmisey, waa kuwo baadi goob isugu jirey, sidii ay mar uun kulan noocan oo kala ah ay gondaha isu dari lahaayeen , kalgacaylka iyo isu bohol yowga ay isu qabaan, waa mid xiisihiisu aanu marnaba dhamaaneyn, in mudo kala raagtey iyo inkaleba, waxaa ay si kal iyo laaba ay isu salaamayaan sidii oo ay baryo kala baadeen, laakiin waxaa ay ahaayeen kuwo aan aragtidoodu kala dheerayn oo maalin walba is arkayey.
Kaftanka iyo sheekadu waxaa ay barbilaw u ahayeen kulankooda, waana kulanka caadadii, in sheekooyinka iyo qisooyinka ay isu marinayaan ay noqdaan kuwo laba,laba iyo afar,afarba ay u yeeshaan sheeko wadaag , si ay u kala bogtaan sheekooyin ku gaamurey iyo kuwo ugub ahba.
Marnaba kama daalayaan sheekada ka dhaxaysa waxaana ay cid ugu neceb yihiin qofka ka soo dhexgala sheekada ay wataan, waxaa ay u arkayaan inuu dambi kagalay halmarna waxaa ay u eegayaan si cadho leh iyaga oo kamidaysan hadalka  jawaab celinta ay ku sameynayaan.
In kamid ahi waxaa ay yihiin kuwo aan hadlayn oo iyaga loo sheekaynayo, iyaguna sheeka gur leh, taasi oo marwalba sii xiisa galinaysa midka sheekaynaya inuu dareemo in uu yahay sidii mid arimo xikmad badan ka sheekaynaya. Magac gaara ayaa madashan loo yaqaanaa, waxaana dhaliyarta iyo intii isku akhyaara ee sheeka wadaagta lahiba ay ula baxaan magacyo kala duwan , “Fadhi”, waa magaca kooxda inta fadhidaa ay si gaara isu la garawsan yihiin in uu yahay kii ugu haboonaa, Iyo magacyo kale oo inta badan iyaguna caana, arrinta aynu ka hadlaynaa waa Qaadka ee waxaa aad marmarka qaar aad arkaysaa dhalinyar cunitaanka qaadka aan badsanin, ku waasi oo maalinta ay cunayaana ugu marmarsooda maalin munaasibadeed ama ay naftooda ku yidhaahdaan manta arinbaa jira oo ay uga danleeyihiin waxaa aynu rabnaa inaynu qayilno, balse dhaliyartani waa kuwo ku waasi ka duwan iyo kuwa kale ee caadaystay inay maalin walba ay qaadka si xun u ruugaan, waa kuwo qaar kood ay maanta ugu horeyso, halka ay kuwo kalena ay maalmo tirsan hore u soo cuneen, iyada oo Qaadku uu yahay balwad qofka bilaabaana ay adagtahay sida uu iskaga daayo, dhaliyar farabadana uu sidaasi ku jiitey ku waasi oo uu ka reebay nolashoodii mustaqbal, qayrkoodna ay ka hadheen, waxaana ay subax, duhur iyo habeenba ay daris u noqdeen cunitaanka qaadka.
Maalintani waa maalin ay ka farxad celinayaan hambalyada iyo bogaadinta ay si wada jirkaa ugu dirayaan mid kamida saaxiibkooda oo ku aqal galay magaalada hargeysa. fadhigooda iyo cunitaanka qaadka ay sitaan, waxaa dhextaal u ahaa oo ay marba marka ka danbeysa ay isku soo tuurayaan hadallo iyo kaftan sheekeed uu mid waliba kaga sheekeenayo waayihii iyo xiligii uu bilaabay cunitaanka qaadka iyo sida oo kale sheekooyinka dhaxal galka ah ee iyaguna ku dhacay qaar kamida dhaliyarta.
Ka hor intii aanay bilaabin cunitaanka qaadka ayaa bilawgii mid kamida akhyaartu waxaa uu hadal dadban uu ku dhextuuray dhaliyartii goobta fadhiday waxaana uu yidhi “Baxsanaw inaadeer beer nugaylka daayoo boqorkaa wax bixiyee u badheedh mirqaanka”. Isaga oo markaasi u maldahaayey qaar kamida dhalinyarta goobta ku sugnayd oo iyagu aan ku soo tala galin cunitaanka qaadka iyo sida oo kale dhaliyar iyaguna jeebka giijinaayey .
Intii aan hadalkii la dhamaynin falanqayntiisii ayaa mid kale oo dhaliyarta isna kamid ahi waxaa uu isna hadana ku soo hal qabsadey Ninbaa waxaa u yidhi,”somaalidu markay doonayayaan inay khamri soo cabaan, intaanay tagin meeshii ay khamriga ka cabayeen ayey niyada kasii sakhraamaan iyaga oo wadada sii socda, ka dibna biyihii oo sugaayay uunbay cabaan”.oo uu  si sarbeeba uu ujeedo gaara uga lahaa taasi oo uu ula jeeday qaar kamida dhalinyarta oo uu lahaa iyada oo aan qaadkii laynoo keenin ayaad iska sii marqaaanteen.

Wali sidii tii tan ka horaysay ayaa iyana falanqaynteeda loo galagay,falanqayn dheer iyo sida oo kale hadalo kaftana kadib ayaa wiil kale isna waxaa uu kusoo halqabsaday sheekaba sheekay keentaayee baraa waxaa dhacday, “Nin dhaliyara ayaa qaad soo cunay, waxaana uu ahaa nin qaadka ka qarsajirey reerkooda gaar ahaan hooyadii oo uu si aada uga baqan jirey , isaga oo dhuudhuumayaaya oo hareeraha iska eegaya ayaa uu yimid gurigoodii, markii uu kadinka guriga soo galay ayaa hooydiii ku soo baxday markaasuu isaga oo afka marmaraya ayaa uu si kadisa hooyadii uu ugu yidhi, hooyo ma layga garanayaa inaan qaad soo cunay”.
Sheekooyinkan iyo sheekooyin kaleba waxaa ay madadaalo iyo hadal wadaagba u ahayd dhalinyartan , iyada oo marka aad si aada sheekooyinkan oo kale aad maqashid ina tusinaysa sida ay dhaliyartu maalinba maalinta ka danbeysa ay ku soo badanayaan cunitaanka qaadku. Intan uun kuma ee ka sheekooyinka ay isku madadaalinayaan ,Hadana isla dhalinyartii ayaa wiil kamid ahi waxaa uu isna hadalkiisii ku yidhi, “ nin isna dhaliinyar ah ayaa isna soo qayilay ka dib goor danbe ayuu gurigoodii soo qaraacay albaabka, waxaana uu kula kulmay aabihii oo ka furay, markaa suu si degdega ugu yidhi aabihii ,aabo walaahi qori kaliya ayaan soo cunay.
Guntii iyo gaba gabadii Midiba mida kale ayey ka darnayd sheekada iyo kaftan wadareedka halkaasi sida layaabka leh uga socday ma aha mid in tan uun lagu soo koobi karaayo. Balse waxaa uun aynu ku dhuuxaynay sida inbadan oo dhaliyartaa ku dhacda marka ay qaadka cunaan, waxaana intabadan la sheegaa madadaalada ay isu marinayaan kadib ay arinta sheekooyinkan keentay kudhacdo ee looyaqaano “Mirqaanka”. Oo ah dhibta ay kala kulmaan dhalinyarta Qaadka ku cusubi marka ay ka nimaadno dhibaatooyinka caafimaad iyo dhaqaale ahaan ee uu sababo Qaadku.

Qalinkii: Khadar Cabdi Xasan (Gureyte)
Koor:063-4108231
Khadargureyte@gmail.com